Daily Updates/Wararka Maalinlaha www.Buraoonline.com

-Welcome To Somaliland
Burao Online.com
News Network
Warar Deg Deg ah
iyo Warar Hufan oo Xaqiiq ah
ka Hel www.Buraoonline.com

Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Magacaabista Dowlada Cusub oo ka Dhacday Hargeisa (Sidi Loogu Codeeyay Maad ugu Hambeyn)

http://www.hiiraan.com/news/2008/july/images/banaanbax1.JPG

Hargeisa (Buraoonline.com) 29.07.10 Inta la og yahSiilaanyoay saddex qof ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu Bananabax balaadhan oo lagaga soo horjeedo ku dhawaaqista xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud () uu  abaara 9:00 aroornimo ka bilaabmay xaafada Sheekh Muuse Ducaale oo ka tirsan degmada Axmed Dhagax.

Mudaharaadkan  oo ay soo abaabuleen dhalinyarada, haweenka iyo caruur aad u tiro badan ayaa sida ay sheegeen ay kaga soo horjeedeen ku dhawaaqista xukuumada cusub ee madaxweyne siilaanyo taas oo bay yidhaahdeen laga qadiyay dadka u dhashay degmada Sayla.

Banaabaxayaashan ayaa lulayay calamada Somalia, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan xukuumada, waxaanay tilmaameen in ay waayeen sedkoodii ay ku lahaayeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

  isu soo baxan oo ahaa mid gilgilay gabi ahaanba xaafada sheekh Muuse Ducaale ayaa dadkii ka qayb galayay ay taayiro ku gubeen wadada cusub ee dhawaan xaafadaas laga hirgeliyay.  

“Dooni mayno xukuumada cusub, ha dhacdo” iyo erayo kale ayaa ka mid ahaa halku dhegyada ay ku dhawaaqayeen Mudahaarayaashani.

Ciidamada booliska ayaa soo buux dhaafiyay isla markaana soo gaadhay goobtii uu ka dhacayay mudahaaradku kuwaas oo goor dhaweyd kala kaxeeyay mudaharaadayaasha.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye iyo qaar ka mid sulaadiinta deegaanka Sayla oo iyaguna la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin magaaabista xukuumada cusub, waxaanay isku raaceen in aan loo baahnayn in beel beel wax lagu qaybsado, laguna doono, balse uu dalku isbedel u baahnaa.

Si kastaba ha ahaatee mudahaaradkan lagaga soo horjeedo xukuumada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne siilaanyo ayaa noqonaysa tii ugu horeysay tan iyo markii uu shalay gelinkii hore xafiiskiisa kaga dhawaaqay.

Gudoomiyaha Baanka Jamhuuriyada Somaliland oo La Magaacabay

http://t3.gstatic.com/images?q=tbn:j4UH4tN8Pvpk4M:http://rsrc2.bubbleshare.com/media/01/37/48/6d/687b1a2e16b6125d3c8678016924cfc63bfa4e2a/580x435/DSC-0201-JPG-Thumbnail1_580x435.jpg&t=1

Hargeisa (Buraoonline.com) 29.07.10 Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiyaha Baanka Somaliland u magaacaby inuu noqdo Cawil Cali Cismaan. sidaana waxaa Saxaafada uu xaqiijieyey ilo xog ogaala oo ku dhaw madaxtooyadda.

Masuulkan cusub ee uu Madaxweynuhu u magaacabay Baanka Somaliland, ayaa sida la sheegay wuxuu ka soo shaqeeyey bangiyadii dawladii Somalia, islamarkaana waxaa uu ka so jeeda Gobolka Togdheer.

Buraoonline.com

Xilal Cusub oo Madaxtooyada Loo Magaacabay

http://t3.gstatic.com/images?q=tbn:j4UH4tN8Pvpk4M:http://rsrc2.bubbleshare.com/media/01/37/48/6d/687b1a2e16b6125d3c8678016924cfc63bfa4e2a/580x435/DSC-0201-JPG-Thumbnail1_580x435.jpg&t=1

Hargeisa (Buraoonline.com) 29.07.10 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo saaray laba xeer oo uu ku kala magacaabay labadan masuul ee hoos ku xusan, kuwaasi oo kala qaban doona Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

 

1. Mudane, Xirsi Cali X. Xassan oo uu u magacaabay inuu noqdo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada.

2. Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu u magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada.

 

 

Allaa Mahad Leh,

 

 

Maamulka Xafiiska Madaxweynaha JSL

Buraoonline

Wasiirada Cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay ka Soo kala Jeedan

 http://www.psdgraphics.com/wp-content/uploads/2009/03/zoom-in.jpg

 1. Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar: , Sacad Muse Jibriil Abokor

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha: Dr Maxamed Cabdi Gaboose  Habaryoonis, Muuse Care Damal Muuse

3. Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi : Sacad Muuse Reer Gadiid

4.  Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka xuseen axmed caydiid: ARAB

5.  Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare  Samsam Cabdi Aadan : Sacad Muuse Reer Axmed

6. Wasaarada qorsheynta qaranka iyo horumarinta Dr. Sacad Cali Shire Ciise Muuse, Maxamed Ciise

7. Wasaarada caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamed:  Ciidagale Abokor Muuse

8.Wasaarada gaashaandhiga  Axmed Xaaji Cali Cadami   Ugaaslabe

9. Wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska  Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Dhulbahante

10. Wasaarada xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Odey  Sacad Muuse,

11. Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed: Dhulbahante

12. Wasaarada cadaalada iyo garsoorka Prof. Ismaciil Muumin Aar, Samaroon:

13. Wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Claahi Axmed ARAB

14. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac Habarjeclo- Muse Abokor- Udurxmiin

15. Wasaarada kaluumeysiga , khayraadka bada iyo maamulka dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Habaryoonis Muse Cabdalle

16. Wasaarada macdanta, biyaha iyo tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale Habarjeclo-Sanbuur

17. Wasaarada ciyaaraha, dhaliyarada iyo dhaqanka Maxamed Xashi Madar: Ciise

18. Wasaarada beeraha Prof. Faarax Cilmi Mahamoud : Samaroon,

19. Wasaarada warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan Ina Geel Jire, Habaryoonis, Isaxaaq,Qaasin

20. Wasaarada Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi : Habarjeclo-Muse Abokor- Calibarre

21. Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriil: Samaroon

22. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Maxamed yoonis Cawaale : ARAB

23. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cismaan Garaad soofe :Dhulbahante

24. Wasiir ku xigeenka wasaaarada hawlaha guud iyo gaadiidka Cali Cabdi Saa'iq :Tumaal

25. Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada warsame Siciid Cabdi : Habaryoonis Muuse Ismaciil (Gadhweyn)

26. Wasiir ku xigeenka wasaarad caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan : Habaryooni Ba'dhulbahante

Buraoonline.com

Madaxweyne Md Axmed Silaanyo oo Sheegay Inay Dowladi Hore Khasnadi Guud ee Lacagta Sii Xashay oo aano ugu Iman 1-somaliland-Shilling

http://www.ii-solutionsllc.com/images/OpenSafe.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 28.07.10 Madaxweynaha shalay talada la wareegay ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa daboolka ka qaaday inaanay Xukuumaddiisa oo uu maanta ku dhawaaqay wax adduun ah ugu iman dalka, hase ahaatee, taa beddalkeeda ugu yimaaddeen Qasnado lacag ka madhan oo faaruq ah, taasina ay qayb ka noron karto duruufo badan oo ku gadaaman Xukuumaddiisa cusub.

“Walaalayaal meel xun ma joogno, waxa aynu nahay qaran madax banaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala danbayn, Xukuumaddan aan gadh-wadeenka ka ahay waxa ku gudban oo horyaalla dhibaatooyin aad u fara badan, maanta haba yaraatee ma jiro wax aduun ah oo aanu khasnaddii dawladda ugu nimid. Waxa taas ka sii daran waxa lagu leeyahay dayn fara badan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Siilaanyo oo khudbad dheer ka jeediyey shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyey intii xilka loo dhaariyey oo uu maanta ku qabtay Qasriga madaxtooyada, kaasoo uu kaga dhawaaqay liiska magacyada Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo uu ku soo koobay 20 Wasaaradood oo lix ka mid ahi Wasiir ku-xigeenno leeyihiin.

Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu hadalkiisaa ku ladhay oo yidhi; “Iyada oo aan muddona la bixin gunooyinkiii iyo  mushahaarooyinkii shaqaalaha culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama laba diblayn kara in dhakhso loo bilaabo meel marinta balanqaadyadii barnaamijsiyaasadeedkayaga ku xusnaa ee aannu hore u ballan-qaadnay.” Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siiilaanyo), waxa uu khudbaddiisa oo ahayd tii ugu horreysay ka dib markii shalay la dhaariyey, waxa uu kaga hadlay arrimo fara badan oo kala duwan oo uu ballan-qaaday inay Xukuumaddiisu wax ka qaban doonto.

Waxaanu sheegay isaga oo arrimuhu siday u kala muhiimsan yihiin u kala horraysiinaya inay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay wax ka qabanayso, dib u habaynta ilaha dhaqaalaha dalka, horumarinta caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, Beeraha, khayraadka dabeeciga ah, , maalgashiga shisheeye, caddaaladda, nabadgalyada, midnimada, sinnaanta, taabba-galinta siyaasadaha arrimaha gudaha, dibadda, xidhiidhka waddamada jaarka iyo kuwa caalamka-ba.

Madaxweynuhu waxa uu ballan-qaaday inuu wadahadal la galayo kooxo hubaysan oo hawlgallo colaadeed ka wada Bariga Gobolka Sanaag iyo Deegaanka Buuhoodle, waxaanu ugu baaqay Garaaddada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka deegaannadaasi inay doorkooda ka ciyaaraan wadahadal laga yeesho hawlahaas. Waxa kale oo uu xusay inay Xukuumaddiisu si buuxda uga qaybqaadanayso adkaynta amniga Mandaqadda Geeska.

Shirkan jaraa’id ee uu Madaxweyne Siilaanyo maanta qabtay ayaa ah kiisii ugu horreeyey tan iyo intii xilka Madaxweynenimo loo dhaariyey Shalay, isla markaana khudbaddiisan ayaa kaasi la mid ah oo iyaduna ah tii koobaad ee uu bulshada uu Madaxweynaha u yahay u mariyo warbaahinta. Si kastaba ha noqoto tayadeeduye, waxa uu Madaxweynuhu maanta ku dhawaaqay magacyada Golihiisa Wasiirrada oo tiro ahaan ka kooban tii uu xilka kala wareegay.

Buraoonline.com

Boqor Buurmadow oo Ka Hadlay Dowlada Cusub iyo Kooxda Argagaxisada ah ee Isko Magaacowday SSC

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_16885d_2010-7-28-9-27-13f_buurmadaw.jpg

Burco (Buraoonline.com) 28.07.10 Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa maanta markii ugu horeysay sheegay in uu hambalyaynayo dawlada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo uu boqorku sheegay in qaabka uu madaxweynuhu u soo dhisay dawladiisa cusubi aanu ahayn mid isaga farxad gelinaya, isla markaana uu ka naxayo balse buu yidhi waa la eegi doonaa waxa ay dadku u qabtaan.

Boqor Buurmadoow waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in jabhada SSC aanay ahayn wax sii jiri kara isla markaana aanay ku midaysanayn dadka u dhashay deegaamada ay ka soo jeedaan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta si gaar ah ugu waramayay shabakada calaamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan

“horta waxa dhalatay dawlad ay Somaliland oo dhami u sacabisay oo rabitaankooda ku timid, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa, waana markii ugu horaysay ee aan hambalyeeyo dawlada, laakiin qaabka dawlada loo dhisay qaab aan ku farxayana maaha, qaab aan ka naxayona”

Dhinaca kale mar uu Boqor Buurmadoow ka hadlayay dareenkiisa ku aadan jabhada hubaysan ee SSC ayaa sheegay in aanay ahayn mid sii jiri karta, maadama buu yidhi aanay lahayn ujeedooyin cadcad oo ay ku dagaalgasho “Jabhadaas waxa aan filayaa in aanu dagaalkeedu ahayn mid sii jiraya, waayo waxa aanay lahayn mabaadii’ cadcad oo ay ku dagaal gasho, mana aha waxa ay umadi ku tashatay ee waa wax ay laba nin iyo rag kooban, waxaanan anigu u arkaa in ay yihiin wax warbaahinta iyo Media-ha lagu qurxiyo, arinku sida wax looga sheegayana ma aha, arrintaasina maaha mid ka suuroowda garaadada iyo wax garadka beesha Dhulbahante”

Mar aanu waydiinay bal dhinaciisa in ay u muuqato in Madaxweyne Siilaanyo uu soo dhisay dawlad tayo leh ayaa waxa uu yidhi “Anigu odhan maayo dawlad tayo leh ayuu soo dhisay, mana noqonayo qofka ugu horeeya ee wax ka sheega, hadii ay wax qaban karaana waa la eegi doonaa”

Madaxweyne Siilaanyo Siduu u Wajahayaa Mucaaradka Hubaysan ee Gobolka Sool iyo Buuhoodle? 

http://www.somaliland.org/wp-content/themes/org/images/ahmed-silanyo-s.png

Hargeisa (Buraoonline.com) 28.07.10 Madaxweynaha cusub ee Soomaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle ayaa sheegay in xukuumadiisa ay waan waan la geli doonto beelaha ku dhaqan gobaladaasi.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbadiisii uu kaga dhawaaqay Wasiirada Ka mid noqonaya Xukuumadiisa cusub ayuu kusoo qaatay in dowlada Somaliland ay dooneyso in si nabad ah ku dhameyso xiisadaha ka taagan gobaladaasi, asagoo sheegay in waan waan ay la geli doonaan cuqaasha iyo issimada kasoo jeeda deegaankaasi.

"dagaalada maaha kuwo cid ay dani ugu jirto, waxaanu ku dadaaleynaa oo xooga saareynaa in aan si nabad ah ku dhameyno…” ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxu sheegay inuu markasta isku dayi doono sidii wada hadal loogu xalin lahaa dhibaatada ka taagan Sool iyo Buuhoodle isagoo sheegay inuu gogol nabadeed u fidinayo Garaadada iyo Maleeshiyada la socota.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya asagoo sheegay in ay ka xun yihiin dhiiga uu weli sii daadanayo, asagoo ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya koonfurta Soomaaliya inay ka waantoobaan dhibaatada soo gaareysa shacabka Soomaalida ah.

Madaxweynaha Cusub wuxu sidoo kale sheegay in Xukuumada Somaliland ay bulshada caalamka kala shaqayn doono xasilinta gobolka geeska Afrika iyo ladagaalanka Budhcad badeeda.

Buraoonline.com

Breaking NEWS... Wasiiradi Xukummada Cusub oo Lagu Dhawaaqay

http://www.mediabistro.com/fishbowlny/original/WDJT%20Breaking%20News.jpg

1Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar
2. Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
3. Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Ali Shire
4. Wasiirka Wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
5. Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid
6. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan
7. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed
8. Wasiikra Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami
9. Wasiikra Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed
10. Wasiikra Wasaarada Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
11. Wasiikra Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibraahin Maxamed
12. Wasiikra Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare
13. Wasiikra Wasaarada Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil C/laahi Axmed
14. Wasiikra Wasaarada Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
15. 8. Wasiikra Wasaarada Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
16. Wasiikra Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
17. Wasiikra Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
18. Wasiikra Wasaarada Beeraha Prof Faarax Cilmi Maxamuud
19. Wasiikra Wasaarada Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabd
20. Wasiikra Wasaarada Warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan
(Geel jire)
Wasiir ku xigeenada xukuumada cusub ee uu madaxwaynaha cusubi ku dhawaaqay waxaa ka mid ah:

Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriir
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha dibada Maxamed Yoonis Cawaale
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Cali Cabdi Saa,iq
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Warsame Siciid Cabdi
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan

Buraoonline.com

Madaxweynaha Cusub Md Axmed MM Silaanyo iyo MadaxweyneKuxigeenka Md Cabdiraxman Saylaci oo Maanta Si Rasmi ah Loo Dhaariyay


Hargeisa (Buraoonline.com) 27.07.10  Xaflad balaadhan oo lagu dhaarinayay madaxaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.
SAM_0222


Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Waftiyo balaadhan oo ka kala socday wadama jaaarka ah sida Kenya oo uu ka socday wafti balaadhan oo uu hogaminayo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo 17 xubnood oo ka socda baarlamaanka Kenya, sidoo kale waxa ku sugnaa wafti balaadhan oo uu hogaminayo wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada Jabuuti Cali Cabdi Faarax , iyo wafti kale oo ka socday dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka dalxiiska ee dawlada Federaalka Itoobiya iyo xubno sare oo ka socda safaaradaha reer galbeedka ee ku yaala wadamada jaarka ah.


Xafladan oo ahayd mid si gaar ah lo soo agaasimay si aadna amaankeeda loo adkeeyay kuna sugnaayeen madax sare oo ka tirsan xisbiyada qaranka Somaliland ,Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahano, Abwaano, Golayaasha Sharci Dajinta iyo Guurtida, Qurbajooga somaliland iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


SAM_0213


Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane ayaa dhaariyay madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici kuna Dhaariyay kitaabka quraanka ah intay hayaan xilka 5 sanadood ee soo socda inay Daacad unoqon doonaan Dalka somaliland.

SAM_0214


Dhaartu markiii ay dhacday ayaa waxa sawaxan iyo sacab dheer ku soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub iyo kuxigenkiisa dhamaan dadkii madasha ku sugnaa oo si wayn oo qiiro ku jirtougu sacabtumay.


SAM_0190


Ugu horayn waxa hadal qiimo badan ka soo jeediyay madaxwaynaha jagada ka dagay Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo sheegay inuu aad ugu faraxxan yahay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilka si dimuqradiyad ah ku wareejiyay, waxaanu amaanay sidii sharafta iyo karamada u jirtay ee dadka reer Somaliland doorashada uga qayb galeen waxaanu balanqaaday inuu la shaqaynayo xukuumada Cusub ee xilka la wareegaysa.

Mudane Dahir Riyaale Kaahin wuxuu aad ugu faanay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee dimuqraadiyada iyo doorashadaba ka hirgaliyay Somaliland.

SAM_0177


Mudane Riyaale wuxuu qiray in xilku yahay mid adag oo shaqo badan u baahan isla markaana loo baahan yahay in dawlada cusub la garab is taago.Mudane Riyaale wuxuu aad ugu mahadnaqayn Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inuu ka dhaxlayo dawlad iyo qaran dhisan oo uu sheegay in loo baahan yahay in halkaa laga sii wado himilada lagu doonayo in wadankan aqoonsi calami ah logu raadinayo.

SAM_0211



Mudane Riyaale wuxuu sheegay inuu wadamada jaarka ah la yeeshay xidhiidh sokeeye oo uu sheegay in xidhiidh kasta oo lala samamyanyo wadamada jaarka ah uu yahay furaha qadiyada Somaliland.

Wuxuuna mudane Riyaale ku soo gunaanaday in ul iyo diirkeed la noqdo mudnaantana la siiyo sidii layskugu duubnaan lahaa iyadoo dawlada cusub u baahan tahay in qofkasta garab ku siiyo sidii dawlada cusub u dardar galin lahayd hawlaha shaqda laga sugayo.
SAM_0205


Sidoo kale waxa goobta hadal kooban soo jeediyay ayaa amaan u soo jeediyay dhamaan waftigii ka socday wadamada Jaarka ah ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya iyo wafitga qaaliga ah ee kasoo qayb galay xafaldan dhaarinta ah ee ka dhacaysay xarunta madaxtooyada Jamhuriyada Somalel and e Hargeysa.

Mudan Axmed Siilaanyo wuxuu qiray in xilka loo dhiibay yahaya mid aad u wayn , waxaanu balan qaaday in xilka loo dhiibay sidii uga haboon ugudan doono.
SAM_0194


Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxa uu mahad naq balaadhan u soo jeediyay Waftiyadii kala duwanaa ee ka soo qayb galay xaflada, Waxa kale oo mahadnaq u diray Madaxwayne ismaaciil Cumar Geele iyo Raysal Wasaaraha itoobiya oo hambalyeeyay Doorashooyinkii Somaliland, Madaxwayne siilaanyo oo hadalkiisu aad u gaabnaa ayaa sheegay inuu barri ku dhawaaqi doono xukuumadiisa , isla markaana uu soo jeedin doono qudbad ku aadan xilka loo dhiibay . 


Xafladan oo ahayd mid aan hore loo arag isla markaana nidaamka iyo kala danbaynta aad u wacnayd , waxaana goobta ku sugnaa dad tiro badan oo ka socda dhamaan qaybaha bulshada Somaliland ka kooban tahay, xafladan oo amaankeeda si wayn u sugayeen ciidmada amaanka iyo ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Somaliland oo gaaf wareegayay gudaha iyo dibada madaxtooyada . 


Madaxtooyada Somaliland horteeda ayaa waxa ku sugnaa kumanaan qof oo ka dhursugayay kuna Faraxsanaa Xilwareejinta ka dhacaysa Somaliland iyo dhaarinta madaxwaynaha Cusub. waxaana dareenka dadka aad ugu dheeraa in mar uun maqlaan xilka ka kal warejinta oo si habsami ah u dhaca.

 
Warar Video ah kala soco iyo dhaarintaba shabakada Gabileynews oo idiin haysa warar iyo muuqaal ku raali galiya, la soco Goor dhaw.
 
Saciid Cali Dahir (Sacadguray) iyo Mustafe C/kariin (Mustafe Future)

Source Shabkada Gabiley News.com

Caasimada Hargeisa oo Laga Dareemayo Dhaqdhaqaaqa Munaasabada Lagu Dhaarinayo Madaxweynahi Afraad ee Somaliland Md Axmed MM Silaanyo

http://www.somalitalk.com/hargeysa/siilanyo.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 26.07.10 Guddiga qaban-qaabada Xafladda ay xilka kulak ala wareegayaan Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha talada sii hayey Daahir Rayaale, ayaa maanta bilaabay qaybinta kaadhadhka lagu macsuumayo Masuuliyiinta iyo marti-sharafta loogu talagalay inay ka qaybgalaan Xafladdaasi oo Berri ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa Caasimadda dalka si weyn looga dareemayaa tan iyo maanta dhaqdhaqaaqa loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaasi.

Inkasta oo aanay hore Xafladdan oo kale Somaliland u soo marin oo aanay ka dhin Munaasibad ay xilka kula kala wareegayaan laba Madaxweyne oo mid waliba doorashada codka shacabka ku yimi, haddana illaa hadda waxay wararku sheegayaan inay hawluhu u socdaan si habsami ah, iyada oo ay hawsha soo diyaariyeen Guddi uu qaban-qaabada Munaasibaddaas u magacaabay Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale Kaahin oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka shaqada ka tagaya Axmed Yuusuf Yaasiin.

Wufuud culcul oo ka kala socda waddamada Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Safaarado, qaar ka mid ah Wakiillada waddamada qaadhaan-bixiyayaasha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taakuleeya hannaanka dimuquraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan Xafladda ay labada Madaxweyne 27-ka Julay oo ku beegan Salaasada maalinta Berri ah, taasoo xil-wareejinta ka sokow lagu dhaarin doono Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo, ayaa waxa lagu qaban doonaa qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. Hase ahaatee, illaa hadda waxa Hargeysa xalay soo gaadhay Wefti culus oo ka socda dalka Jabuuti, halka Wufuudda kale la filayo caawa illaa subaxnimada aroorta inay Hargeysa soo gaadhaan.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ugu dambeeyey, ayaa hawlaha loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaas si weyn looga dareemeyey Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa aad loo adkeeyey guud ahaanba nabadgalyada magaalada, gaar ahaan Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda, sidoo kalena waxa maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga shaqeeyey bilicda aqalka Madaxtooyada iyo jaarkeeda, iyada oo dib u habayn iyo dayac-tir koobanna lagu sameeyey jidka isku xidha Madaxtooyada iyo guriga uu degan yahay Madaxweynaha la doortay ee Hargeysa, waxa la caddeeyey Wajahadda hore ee Madaxtooyada, guryo ku hareeraysan iyo kuwo ka soo horjeeda, si bilicda agagaarka qasrigu u noqdo mid ifaya oo ka duwan sidii hore.

Buraoonline.com

Maxaabiis ka baxsatay Jeelka magaalada Laascaanood iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Urursi ah Laga Dareemayaa Deegaannada Buuhoodle

http://www.camaloow.com/Xabsiga%20%20%20camaloow.jpg

Laascanood (Buraoonline.com) 26.07.10 Taliyaha Xabsiga dhexe ee magaaladda Laas-Caanood ayaa sheegay in Habeenimaddii Sabtida ay Jeelka ka Baxsadeen Afar ka midda maxaabistii ku jirtay iyo askarigii Ilaalinaayay.

Taliyaha xabsiga Laascaanood oo warbaahinta u waramay, aya caddeeyey in laba ka midda maxaabista baxsatay ku eedaysanaayeen inay xidhiidh la leeyihiin qaraxyaddii ka dhacay magaaladda Laascaanood ee lagu dilay masuuliyiinta ka tirsan ciidammada, isaga oo intaa ku daray in askarigii waardiyaha ahaana uu raacay maxaabistan baxsaday, isla markaana aan la garanayn meel ay tageen, balse lagu daba jiro sidii gacanta loogu dhigi lahaa maxaabiista iyo askariga baxsaday.

Taliyahu wuxuu tilmaamay in la baadhaayo, sababta keentay falkan baxsiga, iyada oo falkana ku soo beegmay kadib markii toddobaadkii tegay gudaha magaaladda Laascaanood, lagu dilay Guddoomiyihuu maxkamadda rafacaanka ee gobolkaasi, islamarkaana aan la qaban cidii gaystay falkaasi, haseyeeshe waxay masuuliyiinta gobolkaasi sheegeen inay dilka sarkaalkaasi uu qabteen afar qof, kuwaasoo ciidanka dambi-baadhistuu ay su’aalo, waydiinayaan.

Waxa kale oo jiray falal dilal ah oo hore uga dhacay halkaasi, balse aan ilaa hadda la qaban ciddii gaystay, iyada arrimahan oo dhan ku beegmeen wakhti Somaliland ay ku jirto xilli kala guur, oo aanu wali madaxweynihi la doortay si rasmi ah ula wareegin hoggaankii dalka, isla markaana ay dagaalo dhimasho iyo dhaawac keenay ka dhaceen degaanka Widh-widh oo ka tirsan Gobolka Sool.

Waxa iyana Dhaqdhaqaaqyo iyo Ciidamo Urursi, laga wadaa Degaano ka tirsan Buuhoodle, kaasoa ay ka wadaan Qaar ka mida madaxdhaqameedyaddi Degaankaasi iyo ururka la magacbaxay SSC, kuwaaso sheegay inay ka soo horjeedaan maamuladda Somaliland iyo PuntlanD

Source Jamhuuriya

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Degaanka Galgala una Dhaxeeya Koox Al-shabaab Ka Tirsan iyo Puntland

http://www.waryatv.com/files/images/f3ac06fd1ff7ee8144d4e91d108841a5.jpg

Galgala (Buraoonline.com) 26.07.10 Dagaal saaka ka qarxay Buurta Galgala ee Bariga Puntland Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo taabacsan Wadaad diimeedka Sheekh Maxamed Saciid Atam ayaa saaka ka qarxay Buurta Galgala oo fariisin u ah wadaadka.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyaadka Maxamed Saciid Atam ay weeraro ku soo qaadeen Ciidamada Puntland oo dhowaan gaaray meelo aan ka fogeyn Buurta Galgala.

 Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Ciidamada Puntland kuwooda loo yaqaano PIS-ta oo dhowaan sheegay inay weeraro ku qaadayaan.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay Maxamed Saciid Atam inuu xiriir la leeyahay Xarakada Alshabaab, isla markaana Buuraha Galgala uu muddo ciidan ku uruursanayay.

 Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalada ka soconaya Buuraha Galgala, oo la sheegay inay qarka u saaran tahay inay noqoto Tora-Borada cusub ee Soomaaliya

Buraoonline.com

Wakiil ka Socda Ganacsadahi Dalka Dhacay ee Aljabaari oo Dalka Yimi, Maxaanay Ka Yeeli Doonta Dowlada Cusubi

http://www.udubparty.us/wp-content/images/2009/10/maxjarka-Berbera-2.jpg

Berbera (Buraoonline.com) 26.07.10 Wakiil ka socda Ganacsatadaha carbeed ee Siciid Al-jabiri oo lagu eedaynayo inuu dalka Somaliland ka lunsadday lacag ka badan laba boqol iyo sodon Milyan oo Dolar ($230,000,000), kootana loogu xidhay dhoofka Xoolaha iyo Maxjarka Berbera ayaa shalay gelinkii dambe ka soo degay madaarka magaalada Berbera.

Wakiilkan oo lagu magacaabo Cabdala Camuudi ayaa la sheegay inuu saami leeyahay heshiiska Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Siciid Al-jabiri kula shuraakoobay Madaxweyne Rayaale, waxaana loo soo galbiyay shalay gelinkii dambe caasimadda Hargeysa iyadoo si adag loo ilaalinayo.

Si cad-na looma faahfaahin ujeeddada socdaalka wakiilkan. Hase ahaatee, sida ay xaqiijiyeen illo xogogaal ah oo u dhuun daloola imaanshaha weftigan Carbeed ayaa waxay leeyihiin waxa ka dambeeyay fariin Madaxweynaha xilka ka sii dagayaa u diray, taas oo la sheegay in uu kaga dalbadday in uu dalka yimaado waqtigan kala guurka ah si ay wadajir ugu raadiyaan fursad ay ku sii wadi karaan heshiiska Al-jaabiri ku kaliyeeyay dhoofka xoolaha iyo maamulka Maxjarka Berbera, Xukuumada cusubna ay ula galagalaysan lahaayeen.

Heshiiska Al-jabiri iyo Madaxweyne Rayaale ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay shacbiga reer Somaliland kaga maqan tahay Malaayiin doolarka Maraykanka ahi, waxaana uu dhaliyay muran xoog leh oo khatar galiyay amaanka guud, ka dib markii heshiiskan ay si wadajir ah uga hor-yimaadeen  ganacsatadda xoolaha dhoofisa iyo shacbiweynaha oo kaashana golayaasha Baarlamaanka oo aan la soo marin heshiiskan sida dastuurka Qaranku waajibiyay.

Wararka aanu ka helay socdaalka wakiilkanina waxa ay tilmaamayaan in uu sido dhaqaale xoog leh oo uu doonayo inuu ku meel mariyo damaca Al-jabiri iyo Madaxweyne Rayaale ee ku aadan in uu sii jiro heshiiska buuqa badan abuuray oo loo arko inuu qayb muhiim ah ka ahaa sababihii la degay Madaxweynaha xilka ka sii dagaya, Ka dib markii uu u soo dhigtay neefkii Xoolaha ahaa ee Raacatadda.

Heshiiskan ayaa Meesha ka saaray sharcigii ganacsiga xorta ah, iyadoo Al-jaabiri, qiimaha Neefka Adhiga ah u gooyay $36. Halka uu Maxjarkana, ganacsatadda maddaxabanaan calaa neef kaga khasbay inay ku bixiyaan Adhiga $7, Lo’da iyo Geelana toban ilaa labaatan inta u dhaxaysa. Waxaana dhinacyada ka soo horjeeday heshiiskani muddadii uu jiray soo faqeen xidhiidho iyo faa’iidooyin toos ah oo Madaxtooyadu ku lahayd Calaa neef xoolahan. Taas oo uu qaban jiray Aljaabiri.

Lama oga hanaanka xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo sida ay ula macaamili doonto shirkadan iyo jawaabta ay ka bixin doonto qorshaha ay waqtigan xasaasiga ah la gaadayaan Madaxweyne Rayaale iyo saaxiibkii Aljabiri.

source Ramaas

Booliska Somaliland oo Qabtay Nin ay uga Shakinsanyahin Argagaxiso

http://www.somaliland.org/images/b/2007/11/booliska_la_wareegey_xarunta_shuronet1.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 25.07.10 Nin looga shakiyay inuu ka mid yahay ururada Argagixisada ayaa maalintii doraad lagu qabtay masaajidka weyn ee Markaska, kaas oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa.

Ciidamada bileyska oo ku sugnaa Markaska ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo ka soo jeeda dalka Somaliya, isla markaana sitay dhowr Mobil oo uu ku hadlayey.

Masaajidka Markaska ayaa waxa xiligaasi ka socday kulanka sanadlaha ah ee Ijtimaaca ee oo ay iskugu yimaadaan kumaan qof oo Muslimiin ah oo ka kala yimaada wadamada Islaamka.

Sida uu Haatuf u sheegay Sheekh Caydaruus Daa’uud oo goob joog ahaa markii bileysku qabanayey ninka laga shakiyey, kaas oo sheegay in ciidamada booliska ay qabteen xili uu ninkaasi galay luuq ka mid ah masaajidka kaddibna markii ay ciidankii booliska ee ku sugnaa masaajidku ay u yimaadeen ee ay baadheen ka heleen dhawr telefoon oo ah kuwa gacanta lagu qaato.

“Intii aan xabsiga loo taxaabin ninkaas ciidanka ayaa su,aalo waydiiyey, dabadeed waxa ay arkeen in ninku uu hadal adag yahay markii ay weydiiyeen xaga uu ka keenay Mobiladana waxa uu u sheegay dad dhawr ah oo uu magacyadooda sheegay, intaa kaddib dadkii ayey la doondooneen waxaanay aakhirkii ogaadeen ciidamada boolisku in dadkan uu sheegay ninkan la qabtey aanay jooginba masaajidka intaas kaddib waxa ay ciidanka amaanku xabsiga u taxaabeen ninkaas” ayuu yidhi Sheekh Caydaruus Daa’uud.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidho taliska bileyska ee Hargeysa ayaanay noo suurto galin in aanu ku helo khadka tilfioonka.

Qabashada ninkan looga shakiyay Argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalmood ka hadhsan yihiin wakhtigii loo cayimay xilwareejinta labada madaxweyne oo ku beegan maalinta Salaasada ee bishan July tahay 27.

Buraoonline.com/Haatuf

Baayacmushtarka Somaliland Yey U Raaci Doonaan Kumaankumka Doolar Ee Kaga Baxday Ololihii Xisbiga Udub?!

http://images.huffingtonpost.com/2008-05-27-100MillionCash.jpg

HargeisA (Buraoonline.com) 25.07.10 Baayacmushtarka  Somaliland ama ganacsatada dalku waxay sannadihii u dambeeyeyba qayb ka ahaayeen siyaasadda dalka, iyagoo hadba la jaanqaadayey xukuumadda dalka u talisa sidaa darteedna aad moodaysayba inay  qayb ka yihiin maamaulka dalka.

Tan iyo markii la aasaasay Somaliland ayaa sidoo kale ganacsataduna ka qayb qaateen horumarintii dalka ,nabadgelyada, dib u heshiisiintii beelaha, difaacii iyo guud ahaanba horumarka dalka oo ilaa maanta  ay ka shaqeeyaan, hase yeeshee waxtarka ganacsatada Somaliland usoo hureen dalka iyo dadweynahaba ayaa dhinaca kale sannadihii dambeba u ekaa mid ay dedaalkaasi  ugu manno sheeganayaan xukuumad kasta oo hoggaanka dalka qabata.

Haddaba markaan dib u raacno taariikhda dhinaca xidhiidhka dawladda iyo ganacsatada Somaliland  ilaa maanta leeyihiin ayaad mooddaa inuu haatana heshiiskaasi ama xidhiidhkaasi dhinaca xun isu rogay, iyagoo aad mooddo in ganacsatadii dalku noqdeen kuwa iyagu isteerinka u qabta hadba dawladda dhalata, xukuumaddana kula gorgortama  arrimo iyaga dan u ah, dhibaatana ku ah dalka iyo dadweynaha Somaliland .

Ganacsatada Somaliland ayaa siyaasadda si cad usoo galaya doorashadii ugu horreysay ee hoggaanka dalka loogu doortay madaxweynaha xilka wareejinaya Daahir Rayaale wakhtigaasoo  ay xisbiga UDUB  badi ganacsatada dalku siiyeen taageero dhaqaale oo kaga adkaaday xisbiyadii mucaaradka 2003dii, taa beddelkeedii waxay ganacsatadu  xukuumadda kaga bedesheen arrimo door ah oo ay ugu horreeyaan, cashuur dhaaf looga sameeyo dekedda Berbera, badeecadahooda oo aan la eegin ama la baadhin, maalgashi bilaa shuruud ah oo ku heleen macaash  farabadan iyo aakhirataankii kootooyin loo xidhay qaar ka mid ganacsatada ka baayacmushtaraysa  badeecado adhigu ka mid yahay, waxase danahaasi oo dhan isku fuuqsaday  xaraashka dawladda ganacsatadaasi ka xaraashtay dhulka danta guud , dhismayaasha dawladda iyo xitaa meel kasta oo ay daneeyaan ganacsatadaasi inay faa’iido ugu  jirto, taasina aya keentay in xukuumaddu ka socon weydo xadhkaha ay ku xidheen ganacsatadu.

Haddaba markaan eegno guushii 2003dii   xisbiga UDUB, naaxinta ganacsatada Somaliland  iyo cidhiidhiga nololeed ee la geliyey shacbiga  dalka  sideed sano ku dhawaad ayaad moodaa inay doorashadii 26ka Juun ee 2010 iyo guuldaradii xisbiga UDUB kala soo deristay doorashadaasi  mar keliya bedeshay farxadii  baayacmushtarka Somaliland, una bedeshay murugo niyo welwel  ilaa maanta meel ay kaga badbaadi karaani aanay jirin kad dib markii ay dareemeen in maalgelintii wakhtigii ololaha doorashada  sida hagar la’aanta ah ugu fidiyeen xisbiga UDUB  ay maalgelintaasi noqotay mid meesheedii seegtay .

Sida la aogyahay ganacsatada Somaliland ee gobolada dalku gaar ahaanna gobolkan Awdal oo uu kasoo jeedo madaxweynaha xilka wareejinaya ayaa siyaasiyiinta tartamaysa waxa ka orod badnaa ganacsatada aan tartanka siyaasaddu ka dhaxayn, kuwaasoo meel kastaba lacago ciiddaa ka badan faraqa ugu shubayey xisbiga talada hayey, wax kastoo looga baahdo ololahaasina  ay la barbar taagnaayeen. Tusaale ahaan  waxa Boorama ka dhacayey xaflado dad sheeganayey inay ba baxeen xisbiga Kulmiye, kuna biirayey xisbiga UDUB, Xafladdaasoo  kharashyada ku baxayey bixinayeen qaar ka mid ah ganacstada magaaladu, iyadoo aan inta badan la arki jirin siyaasiyiinta sarsare ee xisbiga UDUB oo hawlaha siyaasadda ku bixinaya kharashyo balse dhinaca kale ay iyagu marti u ahaayeen  ganacsatada, baahidoodana la daboolayey.

Haddaba guuldarada xisbiga UDUB  oo la ogyahay saamaynta ay ku yeelatay ganacsatada dalka ayaan la ogeyn tirada lacagta ganacsatadaasi kaga baxday ololahaasi balse lagu qiyaasi karayo boqolaalkun oo doolar haddanay ahayanba malaayiin doollar.

Dhibaatada guuldarada xisbiga UDUB kasoo gaadhay doorashadu ayaan ku eekayn Rayaale oo kursigii waayey balse ay ka xoog badan tahay xanuunka ganacsatada ka haysta siday lacagtaasi u khaatumaysatay, khasaaraha  dhacay, jagooyinka la rahmay, amaahda ama deynta aan la ogeyn siday ugasoo noqon siyaasiyiinta xisbiga UDUB   ee guuldarraystay iyo abaalka aanay u dhigan xisbiyada mucaaradka ah ayaa marka la isku geeyo keeni karta in ganacsatada Somaliland loo dhigay cashara lama illaawaan ah, maadaama ay aaminsanaayeen inaan dawlad laga guuleysan karinna ay doorashadni cashar u noqon karto cid kastoo baayacmushtar ah oo dagaal siyaasadeed la gala siyaasiyiin tartamaysa, lamana oga in deynta ganacsatadaasi siiyeen  ay xukjuumadda sii dhacaysaayi dusha u  ridan doonto , inay dawladda kulmiye  dhaxli doonto deymahaasi  iyo inay ganacsatadaasi kula xisaabtami doonaan siyaasiyiintii beenta uga sheegtay  doorashooyinkaasi.

Buraoonline.com

Feedhyahanki Hore ee Mike Tyson  oo Gaadhay Sacuu Carabia sido uu Soo Cimraysto Cimrada

make-tyson.JPG

Madina (Buraoonline.com) 25.07.10 Feedhiyahankii hore ee caan ka ahaa Mike Tyson ayaa soo gaadhay shalay Jimcihii Boqortooyada Sucuudiga si uu u guto Cumrada Mike Tyson waxa uu ka soo dagay magaalada Medina ee barkaysan waxaan halkaasi ku soo dhaweeyey gudoomiyaha  Islamic University (Jamcal Al Islamiya) ee magaalada Madina Dr.Muhammad Al-Oqala.

Mike waxa uu halkasi ugu sii gudbi doonaa magaalada barakaysan ee Makka si uu halkaasi ugu Cimraysto Cimarada kadibna wax uu buuqan doonaa magaalooyin badan oo ka mid wadanka Boqortooyada Sucuudiga.

Cumarada uu Mike ku yimid Makka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ad diineed oo jaalida islamka ee wadanka Canada ay leeyihiih oo lagu maga caabo Canadian Dawa Association taasi oo ay hay’adu ku doonayso in ay ku keento meelaha islaamka ee barakaysan dadka caanka ah ee soogala diinta islamka.

Mike oo ah feedhiyan guulo badan ka soo hooyey tartano badan oo xaga feedhka ah ayaa qaatay diinta Islam isaga oo jeel ku jira sanadkii 1990kii islamarkaana  go’aan ku gaadhay in uu joojiyo feedhka.

Buraoonline.com

Wefti Culus oo Ka Socda Dowlada Kenya iyo Djibouti oo Dalka soo Gaadhay Siday uga Qayb galaan Dhaarinta Dowlada Cusub ee Axmed Silaanyo

http://www.newstimeafrica.com/wp-content/uploads/2010/03/President-Koroma-in-Suit-with-Nigerias-Youth-Development-Minister-Olasunkanmi-at-Abuja-airport.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 25.07.10 Waxa maanta imanaya magaaladda Hargeysa laba wafti oo Cul-culus oo ka socda labada Dawladood ee Jabuuti iyo Kenya oo ka qaybgalaya xaflada xil wareejinta labada Madaxweyne ee Siilaanyo iyo Rayaale.

 

Wufuudan oo ah wufuud heer Qaran ah ayaa waxa ay ka kooban yihiin Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo xilal waaweyn ka haya Dalalkooda, kuwaasoo loo soo xulay inay goob joog ka noqdaan midhihii ka soo baxay Doorashadii Madaxtinimada ee 26 kii Juun ka dhacday Somaliland, oo ahayd mid Caalamku u qushuucay qaabka Dimuquraadiga ah ee ay u dhacday.

Waftiga Jabuuti ka socda oo ka kooban 12 xubnood waxay ka soo degi doonaan10 ka subaxnimo ee maanta garoonka Diyaaradaha ee Cigaal Intrnational Airport waxaana hogaaminaya wasiirka Warfaafinta Boosta iyo isgaadhsiinta Cali Cabdi Faarax, isla markaana ah Af-hayeenka Xukuumadda Jabuuti oo ay wehelinyaan Wasiirka Maaliyada Cali Cadnaan, Xoghayaha Guud ee Hay’adda laa dagaalanka Saboolka Maxamed Somali, Xoghayaha Guud ee Cadaaladda Axmed Xirsi, La taliyaha Madaxweynaha Xaashi Cabdi iyo Xildhibaano.

Waftiga dhinaca Kenya ka imanaya iyana waxa ku jira masuuliyiin Sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Dalkaasi waxaanay Saacad ka dib ka soo degi doonaan marka waftiga Jabuuti dalka soo gaadhaan, hase yeeshee lama garanayo ilaa hada tirade waftigaas iyo xubnaha ay ka kooban yihiin.

Wufuudan ayaa ah kuwii ugu meeqaam sareeyay ee ka soo qaybgala ama yimaada munaasibad ay Somaliland leedahay taasoo cadaynaysa Guusha ay Xisbiyada Qaranka iyo shacbiga Somaliland ka soo hooyeen Doorashadii Madaxtinimada ee Dalka ka dhacday taasoo Madaxweynihii ku guulaystay Xilka si nabadgelyo ah uu uugu wareejinayo Madaxweynihii lagaga guulaystay tartanku.

Imaanshaha wufuudan ayay wararku sheegayaan in Xisbiga talada Wareejinayaa aanu siinin ahmiyad balaadhan oo ay ugu diyaar garoobaan soo dhaweyntooda ama ay ku qaabilaan, waxaana la sheegay inay ka caagajiideen markii hore inay qaabilaan marka ay soo degayaan,taasoo ay ku macneeyeen inaanay iyaga u socon, hase yeeshee waxa warku intaa ku daray markii danbe inay isla qaateen iyaga iyo maamulka cusub ee Siilaanyo inay si wadajir ah u soo dhaweeyaan waftiga halkii la filayay inay marka hore Kulmiye oo kali ah ka hortagaan.

Waxaanay arintani muujinaysaa inuu bog cusub oo fiicani u bilaabmay xukuumadda cusub ee Siilaanyo iyo Dawladda Djibouti, kaasoo mudoyinkii dambeba ahaa mid aad u soo fiicnaanayey.

Buraoonline.com

Jug Soo Dhacay oo Maxkamad La Saarayo Marki uu Ganacsade Ka Dhacay Lacag Gaadheysa $35000

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/jaamac-yaasin-faarax.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 24.07.10 Ganacasade Aadan Jaamac Furre ayaa sida la sheegay maxakamada gobolka Hargaysa u gudibiyey dacwad ka dhan ah xoghaya xisbida Udub Jaamac Yaasin Faarax.


sida lagu daabacay warkayska geeska africa waxa ninkan dacwadda kusoo oogay xoghaya guud uu ku eedaynayaa inuu ka qaatay lacag dhan $35000 oo u kaatay wakhtigii ololaha.


arrintan ayaa iloo xog ogaal ahi waxay wargayska geeska u xaqiijiyeen in wasiiro dadaal kaga jiraan si lacagtaasi loogu aqoonsado mid ku baxday xisbiga isla markaana lagu leeyahay xisbiga UDUB.

wasiiradan oo la sheegay in ay rabaan in arrinta laga soo saxeexo madaxweynaha talada ka sii degay Daahir Rayaale ayaa waxa ka mdi ah wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka Cali Maxamed Warancadde, waxana la sheegay in wasiiro iyo odayaal arrintani kaga jiraan dadaal wayn sidii loo dhamayn lahaa.


ilaa hadda waxa jawaab ah kama bixin xoghayaha Udub sida ay wax u jiraan, waxana wargaysku sheegay in ay isku dayeen in ay la xidhiidheen xoghaya hase ahaatee ay usuurto geli wayday.

GEESKA

Maxaad ka taqaanaa taariikhdii Marxuum Cali-maarshaal? Qaybtii 1aad

http://www.somalilandtimes.net/sl/2009/394/ali_gulaid.jpg

Article (Buraoonline.com) 24.07.10 Sidii aanu idiinku shaacinay cadadkii Khamiistii, waxa uu Ogaal ballanqaaday taxanihii taariikheed ee Marxuum Cali-maashaal, taasoo si xidhiidh ah aanu jecelahay inaanu idiinku soo gudbino hor inta aan la gaadhin maalinta sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay xilligii uu geeriyooday.

Haddaba, Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Guulleed (Cali-maarshaal) kumuu ahaa? Aynu kaga bilawno noloshiisii hore. Alle ha u naxariistee Marxuum Cali waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa sannadkii 1945-kii. Waxaanu la dhashay afar wiil iyo afar gabdhood oo kala ah; Marxuum Axmed, Rashiid, Cabdi, Xasan, Faadumo, Xaliimo, Ruun iyo Sahra. Marxuumku waxa uu guursaday saddex dumar ah oo kala ahaa Aamina Yuusuf Cige, Fadxiya Cumar, Yaasmiin Sakaale, waxa uu ifka kaga tegay afar caruur ah oo kala ah Inan iyo saddex wiil oo kala ah, Faadumo, Rooble, Geelle iyo Mahad. Isla markaana wuxuu Awow u ahaa 13 caruur ah oo ay ubadkiisu dhaleen.

Alle ha u naxariistee Marxuumku yaraantiisii wuxuu waxbarashadiisii Qur’aanka ka bilaabay Malcaamadii Sheekh-baraawe, halka Dugsigiisii Hoose uu ka bilaabay Dugsigii Riis loo yaqaanay oo immika lagu magacaabo Sheekh Cismaan. Waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe waxa uu ku soo qaatay Dugsiga Axmed Gurey.

Sannadkii 1963-kii ayuu Marxuum Cali-maarshaal u gudbay Dugsiga Sare ee Sheekh, kaasoo uu dhamaystay sannadkii 1967-kii. Marxuumku intii uu ku jiray Dugsiga Sheekh, waxa uu ka mid noqday ‘Boy Scouts,’ waqtigaas ayaana macalin wax ka dhigi jiray dugsigaasi oo lagu naanaysi jiray ‘Gacma-dhere,’ ayaa hawlkarnimadii dheeraadka ahayd ee uu muujiyay iyo quwad iyo joog uu Illaahay u dhaliyay awgeed ugu bixiyay magaca uu caanka ku ahaa ee ‘Cali-Maarshaal.’

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii dalka iyo dadka Somaliland u kacday ee firfircoonida dheeraadka ah lahaa. Marxuumku markii uu dhamaystay waxbarashadiisii Dugsiga Sare waxa uu shaqadii ugu horaysay ka qabtay Dekeda Berbera oo uu ka noqday Xisaabiye ilaa uu ka gaadhay heer Maareeye.

La soco…………………………

Xog-Hayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Weerarkii Lagu Qaaday Ku Eedeeyay Maareeyaha Dekadda Berbera

http://harowo.com/wp-content/uploads/image/Allaybaday/Berbera%201.jpg

Berbera (Buraoonline.com) 24.07.10 Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Maxdad), oo doraad niman ku hubaysan Tooriyo iyo Budhadh ay ku weerareen badhtamaha Magaaladda Berbera, islamarkaana ay bur buriyeen gaadhigiisa, ayaa Maareeyaha Dekadda Berbera dusha ka saaray  eeda falkaas lagula kacay. 

Xog-hayaha Mustafe, oo shalay shir jaraa’id oo uu ku weheliyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ku qabtay Berbera, ayaa sheegay kadib markii uu xogo farabdan raadiyay ay u cadaatay Lixdda Nin ee weerarka ku soo qaaday Saddex kamid ah ay Ilma-adeer yihiin Maareeye Xoor-xoor, halka Laba kamid ahna uu Abti u yahay, “Sidaa daraadeedna uu Maareeyaha Dekadda ka danbeeyay isku daygii Dil ee lagula kacay” ayuu yidhi Xog-hayuhu.

Xog-hayuhu oo arintaas faah faahinayaana waxa uu yidhi “Marka hore Illaahay ayaa mahad leh, marka xiga aniga waxa laygu talogalay in lay Dilo laakiin waxa wax Dila Illaahay, waxaan garanaynaa waxa la doonayo, waxaa weeye Xilka aanu hayno iyo dedaalkii aanu soo galnay, ayaa laga xun yahay markii aan falkan ama weerarkan laygu soo qaaday aan xogihiisa raadiyay waxaan ogaaday Lixdda Nin ee i soo weeraray Saddax ka mida inay Maareeyaha Dekadda (Cali Xoor-xoor) ay Ilama-Adeer yihiin Labana uu Abti u yahay oo Hablahoodu dhaleen isagaana ka danbeeya wixii laygula kacay oo dhan falka Dilka ah ee hantidaydiina lagu burburiyay, naftaydana halista galiyay waxaan la sugayaa Dawladii qaadi lahayd ee si sharciga waafaqsan u gali lahayd waxaanan u sheegayaa dhamaan cidii doonaysay inay arintaas wax igala qabata ama aarsi ila doonaysayba in aanay aniga cidna i matali karin arintaydana aan garsoorka ka sugayo wixii ka soo baxa.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Masuuliyiin isu xilqaantay xiisada ka dhalatay weerarka lagu soo qaaday Xog-hayaha Golaha Dhexe KULMIYE, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu u yimi Berbera, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Anaga oo ka kooban dhawr xubnood waxanu ka nimi Hargeysa, waxaananu u nimi xasaasiyad yar oo ka dhalatay falkii foosha xumaa ee lagula kacay Xog-haye Mustafe Maxamed Yoonis, ee lagu burburiyay Baabuurkiisa inaanu wax ka ogaano sida ay wax u dhaceen ilaa iyo intii aani nimidna waxaanu galnay shirar googoos ah caadifadihii oo dhamina way dageen waxaanaanu ugu mahad naqaynaa Illaahay waxa aanu si gaar ah ugu mahad naqeynaa Xog-hayaha Mustafe oo door laxaad leh ka qaatay sidii aanay dhibaato u dhici lahayn nabad gelyadana wax wayn ka tartay anaguna waanu sii qaad qaadnay xaaladuna way dagantahay.”

Xildhibaan Qabile, waxa uu ka hadlay tirada dadka u xidhan kiiskan ee ilaa hadda Boolisku hayaan, “falkan lagula kacay Xog-hayaha waxay Bileysku qabteen Saddax kamid eedaysanayaashii falkan geystey isla galabtii falku ka dhacayba waxaanay Bileyska iyo Xeer ilaalintuba u gudbiyeen Xabsiga Dhexe ee Berbera Sedexdii Dambiile ee falkan geystay kuwii kalena Bileyska ayaa ku daba joogaan qabashadooda.” Ayuu yidhi.

Xildhibaanku waxa uu u mahadnaqay Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu sheegay inay balan qaadeen sidii kiiskani aanu noqon mid Qabiil, balse mara dariiqa sharciga ah, isagoo arimahaa iyo cabashooyin ka imanaya Ganacsatadda Berbera wax kala soo degta, waxaa uu yidhi, “Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Xeer Ilaalinta, Taliyaha Qeybta Booliiska, iyo Taliyaha Sirdoonka, oo dhamaantood balan qaaday in arinkaasi aanu noqon mid Qabiil dhex mara ee uu noqdo mid mara dariiqa sharci ee ku haboon aad iyo aad baanu marka talaabada sharci ee ay qaadeen Madaxdda Gobolku eek u saabsan arinkan ama Danbigan lagula kacay Xog-hayaha waxa kale oo aanu Magaaladda Berbera kula kulanay cabashooyin kale oo ka imanaya dhinaca Ganacsatadda oo ku saabsan kordhinta tacrifada Maraakiibta iyo dad soo samaystay Dhukumantiyo been abuura arimahaas oo dhan waa arimo dhalin kara xasaasiyad xiliga kala guurka ee labada Xukun ee Saacaduhu inaga xigaan aanay la kala wareegin xukunka Dalka.

Arimahaas ayaad moodaa in Dekadda Berbera ay ka hor dhacday waxaana la sheegayaa in shaqaale kordhin iyo wax la mida maamulka Dekadu inuu waddo sida Dokument aanu gacanta ku hayno lanagu soo gaadhsiiyay, kuwaas oo dhamaantood loo baahan yahay wax waliba in sidii loogu talo galay ama ay ahaan jireen loogu yimaado.

Gudidii ilaalinta Hantidda Qaranku sidii ay u dabartay dakhli ahaan shaqaale ahaan inaan la kordhin karin, la eryi karin, la dalacsiin karin Darajadiisa, hoosna loo celin karin, wax kastoo halkoodii laga bedelaana waxay keeni karaan kacsanaan.

Gebogebadii waxa uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ka digay dhaq dhaqaaqyo kastaa oo nabadgelyo darro oo gudaha ka jiraa inay gacan siin karaan cadowga Somaliland, “Sida aynu wada ognahayna wadanka cadowyo fara badan ayaa ka jira sida weerarka ciidan maleeshiyo ah oo sheeganaya inay Gobol dabada ku soo weerareen Ciidanka Qaranka hayaan oo Ciidanka Qaranka isku muteen jiida widh-widh sida aad ka wada daawanayseen habeenadanba TVga sidaa daraadeed dhaq dhaqaaq kasta oo gudaha ka dhacaa waxa uu taageero siinayaa cadowga Somaliland, sidaa daraadeed waxaanu Madaxdda Gobolka ee arimahan Xog-hayaha lagu wax yeeleeyay laga soo sheegayo talo ugu soo jeedinaynaa inay raacaan hab dhaqanka loo dajiyay Xiliga kala guurka ee Dalka oo dhan ka dhaxeysa taas oo ay Hay-Addaha Dawladda intoodii badnayd u hogaansan yihiin in yar mooyaane, taas oo Qaranimadeena Curdinka ku keeni karta Xagal-daac.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.

Wariye Cabdi kariin Axmed (warhaye768@yahoo.com)

Buraoonline.com

Telesom Oo Mar Kale Raaligelin Ka Bixisay Cilladii Isgaadhsiinta Deegaamada Hawdka

http://kalabaydh.ipower.com/xubnaha/iur/pics/telkk.jpg

Widhwidh (Buraoonline.com) 24.07.10 Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa mar kale ka hadashay cilad isgaadhsiineed oo soo wajahday deegaamada Hawdka.Masuuliyiinta shirkada ayaa sheegay in maalinamadii Isniintii gelinkii danbe ay hawada ka maqnayd Isgaadhsiintii Deegaamada Widhwidh sidoo kale ay cilad ay sababtay Dabaylaha Xooga leh ee dhacayaana ay wareejisay Taawarkii Buuhoodle.

Ciladan oo ah markii labaad ee ay soo noqoto ayaa Masuuliyiinta shirkadu si ay shacabka u qanciyaan waxay geeyeen taawarkii degmada Widhwidh Odayaal deegaamadaas u dhashay iyo sidoo kale 4 tiin oo kasoo kala baxay Buuhoodle,Laascaanood,Hargeysa iyo Burco kuwaasoo tiim walba isku dayay inuu ciladaas wax ka qabto.

Maamulaha shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom ee magaalada Laascaanood ayaa isagoo u waramayay warbaahinta kala duwan wuxuu si wayn cabasho uga muujiyay ciladan iyo xilliga ay kusoo beegantay isagoo sheegay in ciladani ay tahay mid farsamo,balse aynan noqon karin mid shirkadu ay u xidhay isgaadhsiinteedii sababo la xidhiidha wax ka dhacaya dhulkaas.

''Shirkad Ganacsi oo faa'iido doona ayaanu nahay,mana jirto sabab aanu ku hakino shaqadayada cid joojiya na tidhina ma jirto,mar walbana waxaanu diyaar u nahay inaanu shacabkayaga ka qancino wixii cilad farsamo ah oo nasoo gaadha,Ayuu Yidhi C/risaaq Dhabayaco.

Maamuluhu wuxuu intaa ku daray in 4ta Tiin ee halkaas gaadhay uu lahaa go'aanka ugu horeeya ee ah in Tiim halkaasi uu u diro anoo madaxdayda kala tashan si ay usoo xaqiijiyaan khasaaraha gaadhay Taawarkaas.

Dagaaladii ka dhacay Widhwidh habeenimadii ilaa aroortii ayay dheceen balse isgaadhsiintu waxay go'day gelinkii danbe iyadoon wax dagaala ah jirin,markii aanu ka war helnayna waxba anagoon sugsugin ayaanu gaadhnay halkii ciladu soo gaadhay.

Odayaasha dhaqanka ee deegaamadaas ayaa gaadhay taawarkii ciladu soo gaadhay,iyagoo ku qancay sidii wax dheceen.

Shirkadan isgaadhsiinta ee Telesom oo ah shirkada ugu wayn ee isgaadhsiineed ee bixisa isgaadhsiinta deegaamada SSC ayay soo gaadhay cabasho dhanka shacabka SSC taasoo la xidhiidha ciladii isgaadhsiineed ee ka dhacday deegaamada Hawdka markii ay dhacayeen dagaaladii Widhwidh kii horre iyo kii danbaba.

Balse shirkadu kamay aamusin ee waxay warbaahinta u soo bandhigtay sidii wax u dheceen iyo khasaarihii soo gaadhay,

Maamulaha shirkada Isgaadhsiinta Telesom Qaybteeda Laascaanood C/risaaq Dhabayaco wuxuu sheegay in hada ay qorshaynayaan in taawarada Hawdka ay badiyaan mid walbana mid laga dhinac taago si marka mid ciladi soo wajahdo ka kale loogu baxsado.

Shirkadan waxaa sheerar ku ah dad aad u badan waxaana sheerarka ugu waawayn ku jira dad kasoo jeeda SSC,kuwaasoo aan iyagu ogolaanayn in arrimo siyaasadeed loo adeegsado ganacsigooda.

Togga Togdheer Oo Si Aan Hore Loo Arag Daad Ugu Soo Rogmadday Uuna La’Tegay Laba Gawaadhi Iyo Bas Yar

Burco (Buraoonline.com) 23.07.10 Waxaa Shalay abaaro 10:00 subaxnimo si lama filaan ah u soo rogmadday Daad aad iyo aad u xoogan Fatahaadiisu gaadhay dacalada ee Xaafadaha ka agdhow Togga in yar uun u jirsaday halka Biriijyadana uu gil-gilay kaasoo markii la’la yaabay Socodkiisa ama Muujadiisa iyo Xawaaraha uu jarayo ayaa Dad farabaddan ay isu soo baxeen si ay u daawadaan Xawaarihiisa ayaga oo ka yaabay Biyahaa socda cabsina geliyay naftooda oo ay ugu gudbi kari-waayeen Biriijka dushiisa Dadkaa tirada badan ayaa kala taagnaa Biriijka labadiisa dacal kaasoo aan cidi waxba u gaysan.

click to zoom

Hadaba ayada oo ay dhacdo Biyaha Togga Togdheer in ay soo rogmadaan iyada oo aan cidiba filayn ama Magaaladda Burco Rooba helin, Biyahan ayaa ka soorogmada Buuraha ku teetsan ee dhanka Barri ka xiga Burco, marka uu Roobku hello islamarkaana oo uu soo gaadhaa Magaaladda Burco, Halis ku ah wax yeelana u geysta Dad iyo Duunyaba, marka uu soo rogmado, geesta kale shalay subax ayaa ka da’ay Roob aan badnayn Gobolka Togdheer ee Magaaladda Burco.

click to zoom

Daadka ku soo rogmaday Togga ayaa la sheegay in uu qasaare gaystay sida warar ku inagu soo gaadhen in uu la tagay Laba Gawaadhi waaweyn ee noocoodu yahay Iskaroge ayaga oo Niista Aqalada lagu dhisto ka guranaya uu ku soo kadiyay Daadkaa soo rogmaday sidaana ay iskaga carareen Dadkii watay iyo kuwii ka ag-dhowaaba, halka Bas ka yar la sheegay in laga lahaa Dawladda Hoose ee Burco ayaa waxa la yidhi isaga oo dhex maraya Togga badhtamihiisa ay ciladi ku heshay loogana tegay kadibna Daad ka oo xawli ku socdaa uu sidaa ula tagay Bas ka yar.  

Wariye Cabdi kariin Axmed (warhaye768@yahoo.com)

Buraoonline.com

Burco

Marxmuum Sh. Xariir Sh. Cismaan Nuur Oo Si Heer Qaran Loogu Aasay Magaalada Burco

Burco (Buraoonline.com) 23.07.10 Alle ha unaxariistee waxa saaka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer lagu aasay Marxuum Xariir Sheekh Cisman Nuur oo 7 maalmood ka hor ku geeriyooday dalka Ingiriiska, iyadoo maydka marxuumkana la keenay magaalada Burco shalay.
Aaska Marxuum xariir sheekh cisman nuur ayaa ahaa aas qaran oo la isaga yimi dal iyo debedba waxaana aaska marxuumkaasi ka soo qayb galay Xildhibaano ka mid ah Golayaasha Guurtida, wakiilada iyo deegaanada Saaxil iyo Togdheer, Badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer Guled Dahir Samatar, salaadiin culculus oo uu ka mid ahaa Suldaan Maxamed Maxamud Xandulle(Indho case) Culimo awdiin iyo weliba Qurbo joog Tira badan.

Marxuum xariir sheekh cisman Nuur oo ahaa wiilkii uu dhalay Sheekhul baladkii Magaalada ee Sh. Cismaan Nuur , waana mid ka mid ah ragga fara ku tiriska ahaa ee ka sii noolaa ubadkii sh.cisman Nuur.
 
Alle ha u naxariistee marxuum xariir sh.cisman nuur ayaa saaka si weyn loogu aasay Masjidka weyn ee sheekh Cismaan Nuur oo ku aasan yahay Aabihii Sh.Cismaan Nuur iyo qaar ka mid ah ilma sh.cismaan Nuur oo hore u geeriyooday.
 
Alle ha u naxariistee Marxuum Xariir Sheekh Cisman Nuur ayaa muddooyinkii u danbeeyey Dalka Ingiriiska ugu maqnaa arrimo caafimaad waxaana dhowr sano kadib markii loo qaaday ingiriiska uu todobaadkii hore ku geeriyooday carriga ingriiska.
 
Qaar ka mid ah qurba joogi culimo awdiinkii iyo siyaasiintii ku sugnay Xabaasha Marxuum xariir oo shebekedda Berberanew wax ka waydiisay dabeecadihii iyo akhlaaqiyaadkii marxuumka ayaa sheegay in aanay ka gayoonayn haddii ay is yidhaahdaan ka sheekeeya balse waxa keliya ee hadda si kooban u sheegi karaan uu yahay inuu ahaa Sheekh weyn oo diinta ka dhaxlay aabihii Sh.cisman Nuur, iyo inu odayaynta iyo arrimaha dhexdhexaadinta ku galay isagoo aan 20 jir gaadhin, waxay sheegeen ooo kale inu soo maray marxalado kala duwan sida baayac mushtari, kana soo qaybgalay qayb lixaad leh na ku lahaa halgankii dalka lagaga xoreeyey Dawladdii berigaas Guumaysan jirtey dalka ee Ingiriis.
 
Aaska marxuum xariir sheekh cisman Nuur ayaa markii ciida lagu rogay muddo dheer laga kor ducaynayey waxaana dhammaanba dadkii halkaas isugu yimi ilaahay uga baryeen inu naxariistii janno ka waraabiyo, khayrkii iyo wannaagii uu lahaana ku abaal mariyo qabrigana u nuuriyo, iyadoo ugu danbayntii laga soo dareeray xabaasha marxuumka.
 

Quruxda iyo Barwaaqada Degaanka Caynaba ee Gobolka Saraar Halkan Ka Daawo

Abwaan Hadraawi Oo Madaxweynaha La Doortay Ugu Baaqay Inuu Ka Midho Dhaliyo Dedaal Uu Sheegay Inay Ummadu Ku Soo Jirtay Ilaa Lixdankii

http://www.falaar.com/images/Hadraawi.jpg

Burco,(Buraoonline.com) – 21.07.2010, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, ayaa tilmaamay in Bulshadda Somaliland dedaal badan oo muddo soo taxnaa ku bixisay in la hello, Qaran taam ah oo waxtar leh, islamarkaana ay rajo ka qabaan in Hogaanka Cusub ee ay doorteen ka midha-dhaliyaan.

Abwaan Hadraawi, oo ka mid ah Xubnaha ugu mudan ee calanka u sida Suugaanyahanka ku maansooda Af-Soomaaliga oo ka qayb-galay munaasibad lagu qabtay todobaadkan Jaamacadda Magaaladda Burco, oo lagu soo dhaweeyay Madaxdda Cusub ee Somaliland, islamarkaana talooyin looga soo jeedinayay.

Kulankan oo ka sokow waxgaradka ka hadlay ay ka qayb-galeen qaar ka mid ah qurba-jooga howlaha Doorashadda u yimi Dalka iyo Ardayda Jaamacadda Burco,ayaa waxaa Abwaan Hadraawi, ku soo qaaday arimo door ah oo ku saabsan isbedeladda dacay, waxaana Abwaanku salaan uu ku bariidshay ka qayb-galayaasha madashaa fadhiyay ka dib, hadalkiisa ku furay oo uu yidhi mar haddii kulanku ku saabsan yahay talo bixin la siiyo Dawladda aynu doonayno inay ka hawl-gasho danta guud, laba arimood ayaa muhiim ahaa waa ta hore’e, waxaa muhiim ahaa in Dadka talabixinta soo jeedinaya waqti badan ka hor lagu sii war-geliyo si ay u soo diyaariyaan tala bixin waxtar leh.

Dhinaca kalena, maaha in aynu mudnaanta siino wakhtiga ee waa in mudnaanta la siiyaa ujeedada, waayo, waynu garanaynaa in qof isa soo taagay madal oo la yidhi shan daqiiqo haddal aanu odhan karayn wax macna leh, anigana Hadraawi ayaa la I yidhaahdaayoo weligayga shan daqiiqo ma hadlin”

Abwaan Hadraawi waxa uu iftiimiyay in Bulshaddu guud ahaan gaar ahaan Dhalin-yaradu qaybta ugu wayn ka qaadatay Dooradhadii Dalka ka dhacday, “aan u mahad celiyo Ardaydii kulanka soo qaban-qaabisay aan ku labeeyo oo aan idhaahdo, waa markii ugu horaysay Taariikhda Doorasho noocaas ah oo Dalka ka dhacday waa loo dhamaaye ay door sidaas ah ka gasho Ardaydu… Sidaas ayuu yidhi Hadraawi.

Waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in mahadnaqu Ardaydu u yahay dhiiri-gelin iyo aqoonsi muujinaya xoogooda iyo inay yihiin awood wax tar u leh waddanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in guusha hirgelinta Doorashadan Madaxtooyadda loo dhamaa ayna ku timid dedaalkii Rag iyo Dumar dadweynuhu galay, “waxaan uga jeedaa in guushaas in si wanaagsan oo aan dhib lahayn oo raganimo leh inay inoogu dhamaatay Doorashaddaasi cidkastaaba ha heshee inay inoogu dhamaataa waa illaahay mahadii ayuu yidhi.

Abwaan Hadraawi waxa uu tilmaamay in laga sugayo Maamulka Cusub, Jawaabta dedaalkaas Dadwaynaha waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “intaasoo dedaal ah ummadu waxbay ku doonaysaa, waayo 1960 ilaa maanta ummadii dedaal ayuunbay soo wadday oo ku jirtay, hase ahaatee ilaa intaa wixii ay dhisaysay iyo dedaalkaas wax uga soo noqday oo ay ka kasbatay lama hayo. Illaahay waxaan ka baryaynaa inaanay ummadu ku guuldaraysan dedaalkaas maanta, hana la ogaado in bulshadu wax ku doonayso. Mida kale, tobankii goor ee aynu kufnay hadba waxaynu lahayn markalena tijaabiya oo kaca.”

Maxamed Ibraahim Warsame, waxaa uu wax ka iftiimiyay Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo uu sheegay in uu goob joog u soo ahaa dhacdooyinkii kala danbeeyay iyo dedaalada umaddeed . “Madaxweynaha maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa la doortay markii ugu horeysay 1984-kii wakhtigaas oo uu noqday Gudoomiyihii Ururka SNM oo Jig-Jiga lagu doortay, intii ka horeysayna waxa uu ka mid ahaa Dawladihii jiray, sidoo kale intii danbe waa uu joogay oo wuu la socday wixii dhacay iyo wixii Dalka soo maray oo faa’iido ayay insha-allaahu u noqon doontaa, maantana malahaa wuu garan karayaa sababaha loo doortay, in loo doortay xaaladaha jirta, in loo doortay ibtilooyinka jira, faro-madhnaanta jirta, iyo inaynu dhaqan iyo dhaqaalaba maanta faro-madhnaan ka taaganahay wuu ka war hayaa, lama laha dawladda Cusub ilaaba ilaa waa inaad dhashaan waxaa la doonayo, laakiin waxaa la doonayaa in la dhiso qaran taam ah, qof iyo doonistiisa maahee, waxaa la doonayaa in horta la dhiso qaran.

Kaasoo marka la taago ee dhismihiisa loo dhamaystiro laga soo diirto waxa la doonayo, ummadina haddii ay doonayso horumar waa in marka hore la dhisaa Qaran, markaa ka dib ayaa laga soo dheegtaa danta gaarka ah.”    

Wariye CabdiKariin Axmed (Buraoonline.com)

Burco

Maamulka Majeerteniya oo Masaakinti Reer Konfureedka aha Degaankoda Xoog Kaga Saaraya

http://www.pri.org/theworld/files/images/somali%20refugees.jpg

Bosaaso (Buraoonline.com) 21.07.10 Laba askari oo ka tirsanaa Booliska maamul-gobolleedka Puntland, ayaa shalay lagu dilay magaalo-xeebeeda Boosaaso.
Labadaa askari oo si gaar gaar ah loogu kala dilay badhtamaha Boosaaso, waxay ka mid ahayeen ciidamo hawlgalo raaf ah ka waday magaaladaas, kaasoo lagu qaaday dadka Koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay.
Waxa la sheegay in dilkaas ay geysteen rag hubaysan oo aan la aqoonsan, mana cadda sababta keentay dilalkaas.
Hase yeeshee, siday wararka qaarkood sheegeen, dilka askartaasi waxay la xidhiidhaa raaf xoogan oo lagu qaaday dadka ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kaasoo ay ka xumaadeen shacabka ku dhaqan Puntland oo maamul-gobolleedkaas ku dhaliilay qaabka ay dadkaas u raafayso.
Dilkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii labaad ay ciidanku wadeen hawlgalkaa raafka ah oo lagu qabqabanayo dadka u dhashay gobollada Koonfurta, kuwaasoo laga qabqabanayo suuqyada, jidadka iyo goobaha ganacsiga ee Boosaaso.
Hawlgalkan oo Puntland ugu yeedhay mid amaanka lagu sugayo, waxay shalay oo keliya ciidanku ku qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu xidhay saldhigyada Booliska magaaladaas.

Buraoonline.com

Yamaniyiin iyo Ugaadh ay wateen oo gacanta lagu dhigay 

http://www.topnews.in/files/leopard-rescue.jpg

Saylac (Buraoonline.com) 21.07.10 Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox Kalluumaysto ah oo u dhashay dalka Yemen.
Kooxdan ugaadhsatada ah oo Isniintii gacanta lagu dhigay, waxay doonayeen inay si sharci-daro ah ugaadh kaga dhoofiyaan degmada Saylac ee Galbeedka Somaliland. Warku wuxuu intaa ku daray, in kooxdan kalluumaysatada ahi ay ugaadhsanayeen xawayaanka loo yaqaano Harimacadka.
Taliyaha ciidanka Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar, ayaa sheegay in kooxdaasi ka koobnayd afar kalluumaysto Yemeniyiin ah, laba doonyood oo ay wateen, laba nin oo Soomaali ah oo abbaan u ahaa iyo 9 Harimacad, laguna qabtay degmada Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal. Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkaas ay qabteen ay si dhakhso ah Maxkamad u gayn doonaan.

Buraoonline.com

Shacabka Reer Gabiley oo Cusbitaal Caalami ah Ka Hirgeliyay Magaalada Gabiley

http://gabiley.net/files/images/20100720065705.jpg

Gabiley (Buraoonline.com) 21.07.10 Munaasibad lagula kala wareegayey mafaatiixdii dhismayaasha kala duwan ee Cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley oo in muddo ah dhismihiisu socday ayaa lagu qabtay hoolka cusbitaalka Gabiley.
Munaasibadan ay shirkada dhismaha ee Almis ku wareejinaysay mafaatiixda dhismayaasha oo si heer sare ah loo soo qorsheeyay ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka magaalada, Caafimaadka, Guddida horumarinta Gobolka, Saraakiil ka tirsan Axsaabta Qaranka, madaxdhaqameedyo, Qurbe-joogta, Garabka Haweenka iyo marti sharaf kale oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada,
Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf X. Cabdi oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hir-galinta Cusbitalkan, waxana uu si qoto-dheer uga war bixiyey heererkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha cusbitaalkani, isagoo xusay in caqabado badan oo ka hor yimid ay u dhabar adaygeen oo muddo badan ay ku qaadatay in ay mar uun kaga dhabeeyaan riyada reer Gabiley ay inta badan naawilayeen, oo uu ku sheegay in ay tahay Cusbitaalkan hada lagu wareejinayo Mafaatiixdiisa.
Wax isaguna Munaasibadan ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw-Cabdi (Xabiib) oo ugu horayn ka waramay guud ahaan xaalada uu ku suganyahay Gobalka Gabiley iyo muhiimada wayn ee uu cusbitalkani u yeelan doono Gabiley, ayaa sheegay in Gobolkan ay ku soo kordheen Degmooyin cusub oo Madaxwaynihii hore u magacaabay Gobolkani oo sida uu sheegay Gobolkani yahay Gobol korodhka Dadku aad u socdo oo cidhiidhi ah. isagoo xusay in dhibaato badani ka taagnayd Xaga Cusbitaal la’aanta. Waxaanu sheegay in hirgalinta Cusbitalkani wax badan ka tari doonto baahiyaha Caafimaad ee Gobolkani muddada dheer la il-darnaa.
Wax kale oo uu aad ugu canaantay Dadwaynaha reer Gabiley gudo iyo dibadba dib u dhaca ku yimid hir-galinta dhismaha Cusbitalka oo qaatay muddo labaatan sano ku dhaw, isaga oo arrintaa ka war bixinayana wax uu yidhi:- “Waxaan leeyahay Dadwaynaha reer Gabiley meel kasta oo ay joogaan waad la-habsaanteen hawshani sababta oo ah, waxaanu ka war qabnaa Cusbitaalada ka shaqeeya Gobalada kale ee dalka sida Burco, Boorama iyo magaaloyinka kaleba waxa dhistay Dadkooda, oo tusaale ahaan dadka qurbo joogta ahi waa xooga kaydka bulshada, dadka guduhu iyagu mahaystaan awood sidaa u sii badan, laakiin Tog-ba Taagii ayuu rogmadaaye Gobalkeenan Gabiley waxaynu leenahay ganacsato waawayn, aqoonyahano, kuwaasoo aan leeyahay u soo jeesta dadkiina oo wax gashada, hore waad u gabteene”, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Cusbitaalkani cusub guddi baanu u samayn doonaa, taasi oo isugu jiri doonta ganacsato, aqoonyahano, culima’udiin iyo cidii kale ee looga maarmi waayo, maanta inaga ayaa la ina sugayaa waxaana la inooga baahan yahay in aynu wax dhisno dhaliisha hala daayo oo ha loo soo jeesto wax dhisid iyo ka shaqayn aynu ka shaqayno horumarka gobalkeena”.
Waxa isagana Isla munaasibadan in uu furaha u kala wareejiyo lagu maamuusay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo si wayn ugu mahad celiyey Cid kasta oo ka qayb qaadatay hir-galinta Cusbitalka, oo ay ka kaw tahay Ururka MAANDEEQ iyo qurbajoogii ka qayb qaatay dhismahan Cusbitalka sidii wanaagsanayd ee ay u bilaabeen
hawshan, waxana u sidoo kale sheegay xoghayuhu in Gobolkan Gabiley uu muujiyay horumar uu kula tartamayo Gobollada kale, waxaanu xusay in ay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo Guddi maamusha cusbitalkan si looga war-hayo oo ay iskugu xidhmaan Bukaanka jiifa, Hawl-wadeenada Caafimaadka iyo Cid kasta oo caawin lahaydba, si hawshu u kala socoto.
Waxa iyaguna ka hadlay Munaasibadan oo dhinacyo kala duwani ka soo qayb galeen Guddomiyaha Jaamacada Gabiley Dr Cismaan Aw-yuusuf Magan, Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Dr Axmed Ismaaciil Nuur, Dr Maxamed Cilmi (Culimo) oo ka mid ah Dhakhaatiirtii dhawaan ka qalin jabisay Jaamacada Hargaysa, Guddoomiyaha Ururka Maandeeq Marwo Safiya Aw-Aadan Meecaad, iyo Boqor Muxumed Geele Seed oo dhamaantood iska daba maray muhiimada ay leedahay Iskaashigu iyo wax wada qabsiga iyaga oo si wayn u muujiyey wax-tarka uu ku soo kordhin cusbitalkani guud ahaan Gobolkan gaar ahaan Magaalada Gabiley, iyaga oo qaarkoodna si wayn uga warbixiyey in muddo horeba uu hir gali lahaa Cusbitalkani, laakiin ku andacooday in sababo badan oo jiray xilliyadii la soo maray darteed uu dibu dhaca intan leegi ku yimi, wixii u qabsoomi lahaa.

Buraoonline.com

Xukamaddi Hore oo Hantidi Dalka iyo Umadda Boob Xoogan Ku Haysa


Hargeisa (Buraoonline.com) 21.07.10 Guddidii Ilaalinta hantida qaranka xiligan kala guurka ah ee uu Magaacabay Madaxweynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyey hawlgalo ay ku dabo galayeen hantida qaranka oo la sheegay in leexsi baahsan lagu hayo, waxaanay sheegeen inay jiraan hanti qaran oo la boobayey oo ay badbaadiyeen.

Guddidan Ilaalinta hantida qaranka ee xilligan kala guurka ah oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo ay digniin culus ugu direen cidkasta oo isku dayda in ay booboo hantida qaranka ka dhaxaysa in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.


Guddoomiyaha Guddidan Md. C/Raxmaan C/Qaadir Faarax kana Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye eek u guulaystay doorashadii madaxtooyada, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa uu sheegay in 25-ka bishan aynu ku jirto soo bandhigi doonaan xogaha la xidhiidha baadhitaanadoodii ilaalinta hantida qaranka, waxaanu yidhi “Shirkan jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay sidaad la socotaan waxaanu ahayn Guddi Madaxweynaha cusubi magacaabay xilkayaguna wuxuu ahaa mudadan kala guurka ah ee dawladii horena wakhtigii ka dhamaaday dawlada cusubina aanay wali la wareegin waa muddo khatar ah oo aan hore inoo soo marin. dad badan oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha dawladu ayay ka qasnayd oo aan garanaynin waxa xilkoodu yahay.


dad kale oo tiro yarina waxay doonayeen mudadaasi xasaasiga ah ee xilka lala kala wareegayo inay ka faa’iidaystaan oo hantida ummadda ay bililiqaystaan.” Waxaanu intaa raaciyey “Guddidayadan waxa loo magacaabay in hantida ummadda laga ilaaliyo bililiqada iyo in dawlada Daahir Rayaale Kaahin hantida ummada loogala wareego si nidaam ah, Ilaahay mahaddii waxaanu u mahad celinaynaa Ummada reer Somaliland oo Guddi ahaan indhahayaga iyo dhegahayaga ahaa waxa kale oo aan u mahad naqayaa ciidanka Booliska oo iyaguna si fiican hawshaasi noogala shaqeeyay, waxa kale oo iyaguna mahad leh Wasaarado badan oo iyaguna naga taageerayay akhbaarta hantida qaranka.” Md. C/Raxmaan C/Qaadir, waxa uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Hawlaha Guud waxaanu yidhi “Waxaan xalay (Habeen hore) daawanayay laba Wasiir oo ka tirsan xukuumada Rayaale ee wali xilka sii haysa waxaanan Wasiiradaasi ka dareemayay xooggaa cabasho ah waxbana kuma sii tiigaalayo oo kama hadlayo waxaan idiin sheegayaa 25-ka Bishan July waxaanu soo bandhigaynaa warbixintii dhamayd oo la xidhiidha wixii aanu soo qabanay iyo hantidii aanu badbaadinay oo aanu ku guulaysanay inaanu dhaca iyo boobka ka joojino. Markaa shacbiga Somaliland ayay u taalaa oo arki doona in wax la bililiqaystay iyo in kale.umana baahnin faa’iidana ma leh inaanu Anaga iyo Wasiiro sii socdaa wada hadalno. hantida aanu ilaalinaynay waxay ahayd sadex nooc midi waxay ahayd kharashka iyo lacagta qaranku leeyahay ee baananka ku jiray. Ta labaad oo ahayd Gaadiidka dawlada inaan la bililiqasan iyo ta ugu weyni waa boobka lagu hayo Guryihii dawlada oo lacag badan lagu kala iibsanayo. Go’aan adag ayaanu ka gaadhnay Madaxweynaha la doortayna wuu nagu taageeray.” Sidoo kale, Md. Axmed Xaaji Cali Caddami oo ka mid ah xubnaha guddidaasi oo ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa sheegay inuu aad ula yaabay hadalkii Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha guud oo ku dooday inaanay jirin wax gaadiid dawladeed ah oo la dhacay waxaanu yidhi “Dadka been baa dishootay oo muddo dheer ayaa wax muuqda oo la cunayo la odhan jiray lama arag oo lama maqal shacbigu way arkayaan xaqiiqda jirta Booliska ayaa hore u sheegay oo taliyahoodu si cad u qiray in ay jiraan gaadiid badan oo la biliqaystay oo ay qabteen.Markaa xalay (habeen hore) markii aan arkay laba Wasiir oo hadlayay waxaan moodayay inay beeninayaan warkii Taliyaha.”


Waxa kale, oo ka hadlay shirkaasi Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Guddidan ayaa sheegay in wax isbedelayaa aanay jirin oo ay shaqaalaha dawlada sidoodii u shaqaynayaan waxaanu u soo jeediyay inaanay dheg u dhigin wararka been abuurka ah ee lagu jaha wareerinayo, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa “Qolyaha Hantida Qaranka la wareegayaa waa laba kooxood, qolo waa qolo bililiqo doon ah oo doonay inay Hantidii Qaranka bililiqaystaan. Qolodaasi fikrad khalad ah ayay qaateen, waxa maskaxtooda ku qafilan dawladii Siyaad Barre markii ay dhacday, waa tii xooga lagu burburiyey oo dawlad bedeshaa may jirin. Dabeeto dadbaa bililiqaystay oo ka taajiray. Tii oo kale ayaa dad badan caqligooda galay, tani maaha tii oo waa laba xukuumadood/laba xisbi oo taladii dalka la kala wareegaya, oo markii xisbiga talada haya lala tartamay ayaa laga helay oo labadii madaxweyne ayaa xilka la kala wareegaya, oo wax kale ismay bedelinoo wax kastaa sidoodii ayay ahaanayaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte. Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Hantida ma guurtada ah ee dhulka iyo guryuhu ay ka midka yihiin ay siyaabo mucayin ah oo shircigu baneeyey loo kala wareejiyo, isaga oo sheegay dhulka dawladuna inuu sharci gaar ah leeyhay oo cidina aanay iska qaadan karin, ciddii qadatana laga daba-tegayo. Waxa uu hoosta ka xariiqay dadka ganacsatada ah ee iibsanaya Hantida ma guurtada ah ee dhulka iyo guryuhu ku jiraan inay ka lacagtooda bullaacad ku daadilayaan oo ay xaaran iibsanayaan, isla markaana aan hadhow laga hadhi doonin.


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Ibraahim oo iyaguna ka mid ah xubnaha guddida, ayaa iyaguna ku nuuxnuuxsday boobka iyo dhaca lagu hayo Hantida Qaranka, isla markaana waxa ay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda lunsiga Hantida Qaranka.

Buraoonline.com

Rag Ku Hubaysan Budhadh Iyo Tooriyo Oo Weerar Ku Qaaday Xoghayaha Fulinta KULMIYE Ee Berbera

The Vehicle Carrying Chairman Silanyo Of Kulmiye by yusuf dahir.

Berbera (Buraoonline.com) 21.07.10 Xoghayaha Gudida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis, ayaa ka badbaaday isku day in naftiisa wax lagu yeeleeyo, Mustafe ayaa sheegay in uu ka warhelay rag ku hubaysan Budhadh iyo Tooreeyo, kuwaas oo waxyeelo u gaystay Gaadhigiisii oo Budhadh la dhaceen islamarkaana Muraayada Baabuurka dhulka soo dhigay, nasiib wanaag Xoghayaha ayaa ka warhelay Nimankan Budhcada ah, islamarkaana iska difaacay oo xabad kor ugu riday, ka dibna ay dib u yaaceen. 

Xoghayaha Fulinta ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis, ayaa wakhtigaa ku sugnaa Kaalin uu ku leeyahay Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil, taas oo la yaab ku moqotay Dadkii meeshaa ka dhowaa, taa soo ay Dadweynuhu ku tilmaameen inay tahay wax bilow ah oo ku Cusub Somaliland haddi aan wax laga qabana keeni kara dhibaatooyin horleh.

Dadaka qaar ayaa sheegay in arintani tahay mid la damacsanaa in lagu khaarajiyo Xoghayaha balse uu Illaahay ka badbaadiyey.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Berbera ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in ay iminka u xidh-xidhan yihiin Sadex Nin fal dambiyeedkan, islamarkaana ay ku wahlan yihiin baadhista arintan, asagoo leh baadhista ka dib ayaa dib la’idiinka soo sheegi doonaa.

Xoghayaha Fulinta ee Xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed yoonis ayaa ka mid ahaa raga ugu fir-fircoonaa wakhtigii Ololaha lagu guddo jiray.

Ilaa iyo hadda lama garankaro sababta loo bartilmaamsanayey Xoghayaha Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, waana markii ugu horaysay ee fal noocan oo kale ahi ka dhaco guud ahaan Dalka gaar ahaan Magaaladda Berebera.

Wariye Cabdikariin Axmed Buraoonline.com

Berbera

The defeated UDUB supporters started cheap progaganda against the N........

http://web.d261.k12.id.us/Teachers/jacobsen/images/stories/graphics/warning.gif

Article (Buraoonline.com) 20.07.10 Attention Kulmiye about these defeated UDUB supporters

The defeated corrupt  UDUB supporters get used to misrule the country, misuse of public funds, incompetence and mismanagement. Before the new government has even taken the office, the supporters of the defeated and vanguished UDUB are demanding the new government to give them positions.

They lost as a party and now they are resurfacing as a clan and demanding positions in the government. These are the same people who have been waging a relentless, reckless and baseless campaign against Kulmiye for the last 12 years. They are changing into warlords and sending threats and other baseless lies against the new government which did not take office yet. I am telling these people you have misruled the country for so long and people were waiting for their time. They were trying to remove you through the ballot. You have done so many things that would have caused violent public revolt against your corruption, tribalism and misrule, but they choose to remove through free and fair elections.You have no voice today. The cheap and baseless propaganda against the new government won´t help. You lost public trust in the long you misruled the country. You have no power now because you lost the electionso you need to keep quite and wait for your time.

Dumistii UDUB waxa ka danbeeyey is abaabul hoose iyo been abuuro badan markaa Kulmiye ha ka tigtoonaado! UDUB oo og dhibaatada ay u geysatay dalka 12 sano ee lasoo dhaafay- ayaa hadana wali joogsan la´ markaa Kulmiye iyo dawlada xusubi waa in ay dib u falan qeeyaan wixii ay ka yeeli lahaayeen marka la gaadho 26 July oo xukunka ay la wareegaan.

Long life Republic of Somaliland

Saylicipress staff writer

Borama: Republic of Somaliland

xaqgargaare@gmail.com

Hadraawi Oo Daboolka Ka Qaaday in Madaxweyne Siiraanyo Uu Hogaanka Wadanka Ku Guulaystay By WARYATV

Maraykanka oo Sheegay inay Wadaan Qorshe lagu Kala Qaybinayo Xoogaga Al-Shabaab

http://halganka.files.wordpress.com/2009/08/al-shabaab14.jpg?w=468&h=304

Moqadisho (Buraoonline.com) 20.07.10 Mareykanka ayaa darsaya hab uu ku kala qeybin karo kooxdii fulisay qaraxyadii Uganda ee Al-Shabab Al-Mujaahidiin, sarkaal sare ayaa sidaasi sheegay Isniintii.

Sarkaalka oo magaciisa qariyay ayaa weriyayaal ugu sheegay magaalada London in Maryekanka uu taasi fulin doono isaga oo aan abuurin dareen shisheeye neceb, taasi oo sida uu yiri isku soo dhoweyn karta Islaamiyiinta.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd qorshaha Mareykanka uu doonayo inuu kaga guuleysto Al-Shabab, ayaa sarkaalku waxa uu yiri in Mareykanka uu isku dayi doono inuu kala qeybiyo, inkasta oo uu qiray inay adkaan doonto sababo la xiriira naceybka dadka Soomaaliyeed ee ku wajahan fara gelinta shisheeye.

“Waxaan iminka ka shaqeeneynaa habka ugu wanaagsan iee aan kala qeybintaas ku sameyn karno, inaga oo islamarkaana iska ilaalineyna inaan qalad galno, waayo taasi ayaga ayay mideyn kartaa” ayuu yiri.

Marka laga reebo khilaafka kala dhaxeeya Xizbul Islaam, Al-Shabab waa shabakado isku tagay oo ay ku jiraan shisheeye badan oo jecel habka dagaal ee Al-Qacida iyo Soomaali waddaniyiin ah oo taas kasoo horjeeda, waana meesha Maryekanka ka raadinayo kala qeybinta, sida ay le yihiin dadka fallanqeeya siyaasadda gobolka.

“Al-Shabab xilligan ma Soomaali dhab ahaa mise koox xagjir oo dibedda ka timid? Waa taas su’aasha aan sida aadka ah u faaqideyno ayuu yiri.

Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa horey ugu guuleystay inay  kala qeybiyaan xubnihii ku wada jiray Maxkamadaha Islaamiga ah oo loo kala saaray qunyar socod (Shariif iyo kooxdiisa) iyo xag jiriin (Al-Shabaab).

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale qiray in xulufada Dowladda Somalia ay wadaan qorshe mandate-ka loogu balaarinayo ciidamada Amisom, looguna ogolaanayo inay dagaal qaadaan, maadaama iminka ay ku kooban yihiin kaliya nabad ilaalin iyo inay is difaacaan marka lasoo weeraro.

Buraoonline.com

Wararki Dagaalki Ka dhacay Degaanka Widhwidh iyo Dhaawac la Keenay Cusbitaalka Magaalada Burco

Widhwidh (Buraoonline.com) 20.07.10 Kooxda Maleeshiyaan Soomaali ah oo la Magac baxay SSC iyo Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore ee Faranta ayaa Dagaal Culus uu dhex maray Habeenkii Xalay ahaa ayadoo ay Weerarku lahaayeen Kooxdda Falaagada ah kadib markii ay weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen fadhiisimaha Ciidamadda Somaliand  Habeenkii Xalay ahaa ayaa mar labaad Maalinimadii ay weerar labaad ku soo qaadeen.

Kadib markii Dagaal culus layswedaarsaday ilaa iyo hada lama hubo dhimashadda iyo dhaawaca sida ay tahay xaqiiqadu balse sida ay wararku inagu soo gaadhayaan la sheegayo in ay labadda dhinacba dhimasho iyo dhaawacba jiro, dhanka kale mar ay  Ciidamadda Somaliand Weerar Culus ku qaadeen ayaa waxaa la sheegay in Falaagada SSC,da laga qabtay Maxaabiis Farabadan islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Hub, iyo Saadba, sida Taliyaha Gaashaandhiga ee Somaliland mar arinkaa wax laga waydiiyay in uu sheegay dhinacooda ka dhintay Sarkaal laba kalena ay ka dhaawacmeen sida uu waraysi ku siiyay Laanta BBC,da ee Afka Soomaaliga.

Hadaba sida wararka inagu soo gaadhayaan ayaa la sheegayaa in Ciidanka Somaliland  dhaawacoodii loo soo qaaday Dhaqtarka Guud ee Magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer.

Kooxdan Nabadiidka ah ayaa dalka ka wada Qalaaqal iyo iska hor imaadyo aan sal lahayn mana aha markii ugu horaysay ee ay ku soo qaadaan weeraro noocan oo kale ah  kuna dhaqma weeraro dhuumaaleysi ah islamarkaana dhinacooda uu jiro dhimasho iyo dhaawacba welina aan laga war hayn xaqiiqada dhabta ah sababtuna ay tahay meesha uu dagaalka ka socdo oo aan lahayn Isgaadhsiin fiican welina ay is horfadhiyaan labadda Ciidan.

Wariye Muse Maxamoud Abyan

Buraoonline.com

Widhwidh

Burco:Dawlada Hoose ee Magaalada Burco oo Bilawday wajigii U Danbeeyey  ee wadada  ay ka Dhisayeen Badhtamaha Suuqa Magaalada Burco

http://img840.imageshack.us/img840/4950/new1.jpg

Burco (Buraoonline.com) 19.07.10 Dawlada hoose ee degmada Burco ayaa waxa ay labadii bilood ee u danbeeyey ay  fulinaysay dhisitaanka wadada  hor marta saldhiga dhexe

Ee magaada Burco taasi oo isku xidhaysa Labada laami ee suuq bari iyo suuq galbeedka Magaaladani

http://img828.imageshack.us/img828/7872/new3.jpg

Wadadni oo ah mid ka mida wadooyinka ku yaala badhtamaha suuqa magaalada Burco ayaa waxa ay hakad ku keentay ganacsigii suuqaasi,waxaana gabi ahaanba istaagay  gaadiidkii faraha badnaa ee mari jiray wadadani. Wadadni ayaa waxa ay ahayd markii hore  wado ciida  ayaa waxay waxbadan ka beli doontaa bilcda iyo muuqaalka magaalada,waxaana  hada bilawday wajigii u danbeeyey  iyadoo Maanta la dhigay  jagii iyo daamurkii.

http://img841.imageshack.us/img841/3226/new2.jpg
Wadadni oo dhererkeedu dhan yahay 1KM  ayaa waxa ku baxay lacag dhan 100,kun oo Dollar sida uu Buraoonline u xaqiijiyey Xoghayaha dawlada Hoose ee Degmada Burco C/raxmaan Maxamuud Xasan,waxa kale oo uu Xoghayuhu sheegay in marka todobaadkani inagu soo fool leh ay dhamaato wadadni ay dawlada hoose ee Degmada Burco ay Bilaabayso dhisitaanka wado kale oo dhererkeedu dhan yahay 1km kuna bixi doonto mid lamida lacagta ku baxaday

Wadani hore,wadani uu sheegay Xoghayhu ayaa iyuaduna waxa ay isku xidhi doontaa inta u dhaxaysa laamiga siirooga ilaa hotel Badha Badha.

http://img830.imageshack.us/img830/6311/newg.jpg


Dhisitaanka wadooyinkani ay dhisayso dawlada hoose ayaa wax ay ku soo beegmaysaa xilli ay soo dhaw yihiin doorashooyinkii deegaanka taasi oo ay dadbadni aaminsan yihiin in ay ujeeda ay dawlada hoose u dhisayso ay  tahay

Si ay shacabka cod uga helaan,waxayna noqonaysaa waxqabadkii  ugu horeeyey ee la taaban karo ee ay dawlada hoose ka fuliso mudadii sideeda sano ahayd ee ay joogeen Golaha Deegaankaasi

Reporter: Yaasiin Digfeer
Burao Office
Buraoonline.com

“Haddii MadaxweynuhuYidhi Madaxdii Xisbiga Xukuumadda Ku Dari Maayo Waa Fikir Fiican Oo Uu Keenay”

http://www.somalilandtimes.net/sl/2008/324/fuad_haji_aden_rural_minister.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 19.07.10 Wasiirkii hore ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo hadda ka mid ah Saraakiisha Xisbiga dhawaan Talada Dalka ku guulaysay ee KULMIYE Md, Fu’aad Aaden Cadde, ayaa fakir fiican ku tilmaamay wararka sheegaya in Madaxweyne Axmed Siilaanyo, aanu Xukuumada Cusub ee uu soo dhisi doono ku dari doonin hogaanka Xisbiga. 

Md, Fu’aad Aaden Cadde, waxa kale oo uu wax ka tilmaamay waxa sababay in Xisbiga mudada Sideeda Sannadood ah Dalka soo xukumayay ee UDUB laga guuleysto, waxaanu sheegay inay sababtay waxqabad la’aan katimi Xukuumadii Madaxwayne Rayaale oouu xusay in aanay Dalka ku sheeganayn hal Malcaamad oo ay hirgalisay, balse ay jireen Wasiiro Maqasyo dhaadheer ula diyaar noqon jiray inay ku furan Iskuuladda ay Hay-Addaha Ajaanibka ahi Dalka ka sameeyaan.

Md, Fu’aad Aaden Cadde, oo xalay wareysi kooban siiyay Saxaafadda, ayaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kula dardaarmay in aanu isku mashquulin inuu raali galiyo shakhsiyaad iyo Beelo toona ee uu go’aankiisa gaadho, wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan.

Fu’aad Aaden Cadde, ka waran xaalada guud ee Wadanku wakhtigan kala guurka ah marayo,?

Xaalada guud ee wadanku way fiican tahay, ILAAHAY ayaanuna u mahad naqaynaa ee Doorashadii sida nabadgalyada ah inagu dhaafiyay labadii Xisbi ee kalena si gobonimo leh ayay u dhiibeen dhakhsana waa look ala tirsanayaa markaa xaalada guud ee Dalku aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waana Barwaaqo oo Abaarihii ILAAHAY wuu inaga kiciyay, markaa aad iyo aad ayaanu Dadku u wanaagsan yahay.

Maadaama oo aad Xisbiga KULMIYE ee Doorashadii ku Guulaystay aad ka mid tahay, howlihii loogu diyaar garoobayo Xil wareejinta maxaad kala socotaa,?

Wax alaale iyo wax aan ka warhayaa ma jiro, waxaanse ku talin lahaa Madaxweynaha inuu go’aankiisa qaato hebel baa cadhooday ama Qabiil hebel baa cadhooday hadduu u joogsado wax alaale wax u soconayaa ma jiro, Qabiilka Somalida waad ogtahay ma joogsado oo hadii la yidhaahdo reer hebel waa kuwaa ilaa hoosta ayay soconaysaa oo cid raaligalin kartaa ma jirto, taladayda aan doonayo in Madaxweynuhu ku socdo inkasta oo aan taladaa gaadhsiinin waataa, waana inuu hor ILAAHAY u sameeyaa (Xukuumadda) oo uu fuliyo Dawlad kooban ee uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu soo dhiso ayaa jecelahay.

Fu’aad sidee ayay adiga kuula muuqataa haddii ay dhab noqoto in Madaxweyne Siilaanyo aanu Xukuumadda ku darin Madaxdda Xisbiga KULMIYE,?

Haddii uu yidhaahdo Madaxdii Xisbiga Xukuumadda ku dari maayo waa fikrad fiican oo uu keenay oo ah Xisbigii uu noqdo mid Madaxdii u joogta oo raandhiis (Jiritaan ama Waarid) yeesho oo aanu noqon Xisbigii Afrikaanka ee marka Doorashada lagu helo laga tagi jiray, markaa haddii uu sidaa ku fikiray wuu hagaagsan yahay.

Xukuumadda Kooban ee Madaxweyne Siilaanyo soo wado sidee ayay kuula muuqanaysaa adiga ka siyaasi ahaan.?

Anigu sida aan qabo Wadanku waxa uu u baahan yahay 15-kaa Madaxweynaha loo soo gudbiyay ee Madaxweynuhuna aqbalay aad iyo aad bay u fiican yihiin Dawlad kooban oo wada shaqayn karta oo wax qabanaysa, tii hore waxay ahayd hebelna Mushahar sii reer hebelna Mushahar sii, meesha maaha in Mushahar loo doonto, maaha in lagu noolaado ee waa in Dalka la nooleeyaa, waayo marka Dalka la nooleeyo ayay cid walba noolaanaysaa, Madaxweynuhu isaga ayaa ikhtiyaarka leh oo Dadka soo doortay iyo Dastuurkuba waxa ay xaq u siinayaan in isagu sidaa uu rabo inuu Dawladiisa u soo dhiso, laakiin aniga jacaylkaygu waxa weeyaan inay koobnaadaan oo 15-kaa ka badan ILAAHAYNA waxaa ka baryaa inaynu mar uun aragno Dawlad dhab ah oo Somaliland Dawlad dhab ah loo raadiyo oo wax qabad leh, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inaynu mar uun aragno Dawlad dhab ah oo Somaliland ah oo Dadkeedu ka naxayaan.

Maadaama oo ay jiraan warar sheegaya in Madaxdda KULMIYE aan lagu darayn Xukuumadda Cusub, markaa haddii ay taasi dhacdo oo adigana lagaa reebo ma ku qancaysaa,?

Wax alaale iyo wixii Madaxweynahaasi garto aniga oo la I yaqaano oo been iyo munaafaqad ku hadal wixii u garto ee Dalka wanaagiisa uu u garto ayaa anigana ii wanaag ah.

Xisbiga UDUB ee dhawaanta laga guulaystay Dadku wax yaabo kala duwan ayay ku sababeeyeen guul daradiisa, adigu maxaad u malayn lahayd.?

Horta dunida oo dhami waxa ay iska jeceshahay inay wax isbadbadalaan, Shan Sannadood ayaa la doortay Xisbiga UDUB Sagaal Sannadood oo khasab ah ayay marayaan, Laaluush, Balaayo, iyo Isku dir, iyo Musuq-maasuq ayay intaaba ku fadhiyeen in kasta oo aanay ahayn in wax la iska sheego, wadanka anigu waan ka war hayaa meel aanan tagin waa dhif wax dad loo qabtay haba yaraatee ma jirto, Maqasyo dhaadheer ayaa la sitay oo marka Hay-Addi Iskuul sameyso ayaa uu furi jiray nin la yidhaahdo Wasiir hebel, laakiin anigu Dawladaasi malcaamad ay wadanku ku leedahay ma garanayo, markaa dabayl ayaa socotay dadkuna isbedel ayuu u baahday, wax qabad ayuu u baahday, cid ka naxaysa ayuu u baahday.

Markaa waxaan ILAAHAY ka baryayaa Wasiir wax xaday oo la sii jiidayo, ILAAHAY waxaan ka baryayaa Agaasime guud oo la xidhay, waa in Sharciga iyo Xaqu shaqeeyaa.

Tusaale ahaan, Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay leedahay Wasiir, Wasiir Ku-xigeen, waa Wasiiru-Dawle, waa Agaasime,waa Saddex Agaasime waaxood, Gaadhi ay meel ku gaadhana malaha, markaa Dadku aad buu u samir badnaa.        

Wariye CabdiKariin Axmed- BUraoonline

Buraoonline.com

Suldaan Naasir oo Culimada ugu Baaqay Inay Bulshada u Caddeeyeen Waxa Diinta Islaamku ka Qabto Hayb-sooca

http://www.gabooyenews.com/imgs/P007152009123031247852776.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 19.07.10 Suldaanka guud ee Beelaha Gabooyaha, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi, ayaa sheegay in culimadda Somaliland ka gaabisay sidii ay kaalin adag uga istaagi lahaayeen takoorka loo geysto Beelaha la hayb-sooco, isla markaana bulshada ugu cadayn lahaayeen waxa diinta islaamku ka qaybto takoorka.

 

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo shalay u waramay shabakada wararka ee Gabileynews, waxa uu rajooyin ka muujiyey xukumadda cusub Axmed Silaayo oo uu sheegay in uu isagu hore u taagiire jiray siddii dalku isbedel ku heli lahaa, isaga oo si weyn u ammaanay Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin indheer garada, Beelaha la hayb-soocana xaqooda siin doono.

 

“Run ahaantii isbedelka dalka ka dhacay oo aanu marka horeba filaynay annagu xukumadan maanta la doortay shacabka reer Somalilandbaanu ula simanay, anaga oo maanta wada dareemayna jawaabta idiidilada leh ee Beesha caalamka inagaga soo noqonaysa, hadday tahay deeq bixiyayaasha iyo dawladaha waaweynaba, aanigu suldaan ahaan doorashadii hore iyo tu danbaba waxaan u ololaynaayey inuu dalka isbedel helo, isbedelbaan taagna una coddeeyey, oo aannu u codaynay aniga iyo intii ila aragtida ahayd, anniguna ma ahi salaadiintii xukuumada hore ka hoos malafsan jirtay, maqifkayguna kaas ayuu ahaa.

 

Markaa waxaan ku dhiiri galinayaa in ay ka fiijignaadan inay shakhsiyad shalay inoo soo shaqa tagay iyagoo Gaal-kacayo iyo Soomaaliya ay ina xukumaan, sidaas awgeed waxaannu uga digaynaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba la doortay iyaga oo indheer garad ah oo Somaliland kala garanaaya in aanay xil u dhiiban Beelaha la hayb-sooco cid aan u dhalan Somaliland,” ayuu yidhi Suldaan Naasir.

 

Waxa kale oo suldaanku ammaan u jeediyey abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo uu ku tilmaamay inuu yahay abwaan xilweyn iska saaray sidii uu u taageeri lahaa bulshada la hayb-sooco.

Buraoonline.com

Gaadhi Yaro TAXI Ah oo Ka Yaabiyay Reer Burco oo La Keenay Magaalada

http://img833.imageshack.us/img833/6949/gaadhi.jpg

Burco (Buraoonline.com) 19.07.10 Waxa Magaalada Burco La Keenay Gaadhi Yar oo Sadex Shaagle ah oo dadki ka yaabiyay, Gaadhigan oo ah gaadhi yaro Taxi ah oo u kala dhex baxa Xaafada iyo Suuqyada Magaalada, waxaana gaadhigan aad loogu isticaamala dalalka Hindiya, Pakistan iyo weliba Ethiopia, waxaana Dhowaan nin Ganacsato reer Somaliland ahi keenay Magaalada Boorame, halkaas oo ay aad uga hirgeshay Ka dibna waxu keenay dhowr xabo oo tijaabo ah Magaalada Burco.  

Magaalada Burco aya lagu arkayay ayaamahan dambe gaadhigan yare Taxiga ah, Haddana dadki ka yaabiyay, Taxigan yar aya waxo uu kala gooshaya Xaafada Kala Fogfog iyo kuwa dhow dhow'ba ee Magaalada si deg deg, waxaano aad uga jabanyahay Basaski hore ee Magaalada uu kala Gooshi jiray, halka dhinaca kalena uu aad uga jabanyahay Patrolkiiso.

Dadweynaha Magaalada Burco aya aad uu soo dhoweeyay Gaadhigan Yar, waxaanay sugayaan inay ku soo bataan Magaalada Burco Bilaha soo socda.

Muse Maxamoud Abyan
Buraoonline.com
Burco

Weerar Gaadmo ah oo Lagu Soo Qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland ee Degaanka Widhwidh

http://boocameonline.com/w-p/wp-content/uploads/2010/07/356.jpg

Widhwidh (Buraoonline.com) 19.07.10 Kadib markii dagaal gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidamadda Kooxda ssc ayaa lagusoo waramayaa inay ciidamadda jamhuuriyadda somaliland  ay iska caabiyeen isla markaasna ay meesha ka saaareen ciidamadaasi.

sidaasna waxaa noo xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka qaranka jamhuuriyadda somaliland waxaanna uu sheegay in aanay ogayn ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo soo gaadhay labadaasi ciidan .

dhankalenna qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inay soconayaa rabshadda  ay weheliyaan rasaas kuwaasi oo ay sameynayaan 
dadka deegaanka ah .

dhankalenna mar aanu la xidhiidhnay masuulyiinka tirsan Kooxda SSC ayaanay noo suurogalin ilaa iyo haatan macadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ee dhexmarayu ciidamadda ssc iyo
kuwa Jamhuuriyadda somaliland .

si kasta ahaatee wararka ayaa sheegaya inay hadda xaaladda magaaladu aad u kacsan tahay waxaanna laga maqlayaa gudaha magaaladda widhwidh rasaas taasi oo aan la garanayn cidda ridaysa waxaase loo malaynayaa inay rasaastaasi  ridayaan dad deegaanka ah .

Source IftinNews

Fadeexad Xukuumadii Madaxweyne Rayaale Kala Soo Deristay Boobka Hantida Qaranka, Iyo Taliyaha Booliiska Oo Sheegay Inay Qabteen Labaatan Baabuur

Hargeisa (Buraoonline.com) 19.07.10 Tan iyo markii si rasmi ah ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ugu in Xisbiga KULMIYE ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland waxa soo baxayay qaylo dhaan sheegaysa in Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Rayaale ay Boob ba’an ku hayaan Hantida Qaranka ee kala duwan ee ay Masuulka ka ahaayeen Boobka Hantida oo ay Umaddu hadal haysay inuu dhacayo xiliga kala guurka, waxa uu u badnaa dhinaca Gaadiidka Dawladda oo la sheegay in la bedelay Nambaradii Baabuuro Dawladeed oo lahaa Sumadda Gaadiidka Dawladda ee GT, laguna xidhay Taariko Shicib ah, arintaasina waxay keentay in Taliyaha Booliiska Md, Maxamde Saqadhi Dubad, ka digo iyadoo sidoo kale uu Madaxweynaha la doortayna magacaabay Guddi ilaalisa Hantidda Qaranka xiliga kala guurka, Laakiin ma jirin Hanti rasmi ah  oo la helay iyadoo la Boobay amaba Gaadiid Dawladeed oo loo bedelay Gaadiid Shicib. 

Hase yeeshe Wargayska Geeska Afrika waxa u suurto gashay inuu shalay helo Gaadhi ah nooca Fatuurada loo yaqaan oo ay lahayd mid kamida Hay-Addaha Xukuumadii Madaxweyne Rayaale oo laga bedelay Nambarkii Dawladda laguna xidhay Nambar shicib, Gaadhigan oo uu ku yaalo Nambarkii Dawladdu waxa lagu dul dhejiyay Nambar Dadweyne, waxaana loogu dul xidhay si farshaxanimo leh oo aan si fudud lagu garan karin in Gaadhiga ay Laba Nambar ku dul yaalaan, balse Baabuurkan oo shalay yaala badhtamaha suuqa Hargeysa ayaa waxa si kadis ah uu Bilaytka safeexada ka samaysan ee Nambarkiisu u qabsaday surwaalka nin Baabuurka agtiisa marayay, kaas oo dabadeedna sababay in Bilaytka Gaadiidka Dadweynaha oo sareeyay uu ka feydmo, markaas oo la arkay Bilaytka Gaadiidka Dawladda oo hoosta ku jira.

Gaadhigan oo ah nooca ay Dadka Reer Somaliland aadka u isticmaalaan ee loo yaqaano Indhacade, si rasmi ah looma garanayo Hay-Adda lahayd, noomana ay suurto gelin inaanu sawirno Nambarkiisa Dawladeed, waxase aanu sida ka muuqata Sawirkan akhristayaasha u soo bandhigaynaa Labada Nambar oo isku dul xidhan oo uu sareeyo kii Dadweynuhu, kii Dawladuna hoosta marsan yahay.

 Wasiirka Howlaha Guud Saciid Sulub, oo isagu masuul ka ah Hantidda Qaranka iyo Ilaalinteeda oo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Md, Maxamed Saqadhi Dubad, oo shalay u waramay barta Internetka ee Berbera News, ayaa xaqiijiyay inay qabteen Baabuur badan oo la bililiqaystay, “Waxaanu helnay Baabuur badan oo aanu ka soo helnay Geerashyo,” ayuu yidhi Taliyaha Booliisku, waxaanu intaas raaciyay, Baabuur badan baa laga furtay alaabtii Mishiinka amaba alaabtii muhiimka ahayd ee uu Gaadhigu lahaa, imikana sidii baanu u wadaynaa, Labaatan ku dhawaad Baabuur ayaanu gacanta ku haynaa,” Arintani waxa ay markhaati u noqonaysaa sida ay Masuuliyiinta Xukuumadii hore ugu foojiganyihiin Boobka Hantidda kala duwan ee Qaranka inta lagu jiro xilliga kala guurka, waana arin halis ku ah Xukuumadda Cusub iyo Guud ahaan Qarankaba.

Cabdi kariin Axmed (warhaye768@yahoo.com)

Buraoonline.com

Burco

Nin Ganacsato Ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Burco

http://t3.gstatic.com/images?q=tbn:YUjzjvbCTN0p2M:http://thenextweb.com/google/files/2010/06/News.jpg

Burco (Buraoonline.com) 18.07.10 Waxaa xalay lagu Dilay Magaalada Burco nin isagu ka ganacsan jiray waxyaaba caddarada kadib markii isaga oo xilli abaaro 1100pm isaga oo maraya  suuqa Magaalada  Burco
nin uu xabad kudhuftay kadib halkaasi uu ku naf baxay halka uu gacan ku dhiiglihiina uu is geeyay Saldhiga  dhexe ee Magaalada Burco lama oga hadda sababta keentay Dilkan Foosha Xun ee Lagula Kacay Ninkan Ganacsatada ah.

Dilalka aya beryahan aad ugu soo badanayay Gobolka Togdheer, halkaas ila hadda 3 qof lagu dilay aayaamahi uu dambeeyay.

Xabsiyada Magaalaa Burco aya ayana beryahan dambe La ciirciireya  Dambiilayaal laga soo qab qabtay falal noocan oo kale ah..

Muse Maxamoud Abyan 

Buraoonline.com

Burco

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Fadhiistay Kalfadhigoodii 41-Aad

http://boorama.files.wordpress.com/2009/08/guddoonka20guurtida.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 18.07.10 Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa manta uu u furmay Kalfadhigoodii 41 aad iyaga oo  aan soo dhamaysan Fasaxoodii caadiga ahaa.

Fadhigan manta oo uu guddoominayay Guddooyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa Mudanayaasha ku wargaliyay in sababta ay u soo dadajiyeen kalfadhigan ay tahay iyada oo ay soo dhawdahay Bisha barakaysan ee Ramadaan. Guddoomiyaha oo Hadal dheer u jeediyay Saakaa Mudanayaashii ka soo qayb gala fadhiga oo aad u badnaa ayaa waxa uu aad ugu dheeraadyay Habkii wanaagsanaa ee ay u dhamaatay Doorashadii dhawaan Dalka ka qabsoontay isaga oo si wayn ugu Mahadnaqay qaybihii kala duwanaa ee Doorashada ka qayb qaatay, sida : Bulshada Reer Somaliland, Komishanka Doorashooyinka, Axsaabta Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Madaxwaynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo uu tilmaamay in uu uu si sharaf leh yeelay markii uu ogolaaday in uu wareejinayo Tallada hadiiba laga guulaystay. Mudane Sleebaan, waxa kale oo uu xusay in ay soo ay Gole ahaan soo dhawaynayaan Madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa Cusub Golahana uu u soo jeedinayo in si wanaagasan loola shaqeeyo.

 Waxa kale, oo uu Guddoomiyuhu, sheegay in loo hawlgalo Gobolada Sool, Sanaag bari iyo Degmada Buuhoodle. Mar hadii aanay ka qabsoomin Doorashadii Madaxtinimo ee guud ahaanba Dalka intiisa kale ka qabsoontay.

Saleebaan Maxamuud, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in ay beesha Caalamku dhagaha ka furaysatay oo indhaha ka lalisay aqoonsi buuxda oo ay siiso Somaliland mar hadii ay Somaliland buuxisay shuruudihii Dal aqoonsi ku heli lahaa.

Fadhiga manta oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa waxa uu guddoomiyuhu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii fadhiyada danbe ee Goluhu ay uga qabsoomi lahaayeen Xarunta Guriga Shaqaalaha Hargeysa tan iyo inta uu dhammaanayo dib u dhiska lagu samaynayo Xafiisyada iyo Hoolka Guurtida.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu u soo jeediyay Mudanayaasha guurtida in loo baahan yahay in meesha laga saaro muddo kordhinta loo sameeyo golayaasha Qaranka taasi oo sabab u ahayd dib u dhacyadii badnaa eek u yimid qasboomida Doorashada Madaxtinimo.

Waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Sheekh Axmed Sh. Nuux Fure oo isaguna si wayn ugu Mahadnaqay qaybihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay Doorashadii Madaxtinimo ee dhawan Dalka ka qabsoontay. Waxaanu xusay in ay Xukuumada cusub la shaqayn doonaan, khaladna ay ahayd Dadkii markii hore odhan jiray Xukuumadii hore ayay la jireen oo ay tahay uun Dawlad wada shaqaysanaysa, xukuumad kasta oo timaadana ay waajib tahay in lala shaqeeyo.

Mudanayaasha ka soo qayb galay fadhigan Maanta ayaa loo qayb qaybiyay Ajandahaha Kalfadhiga 41 aad. Laba Qodob oo ugu Mihiimsanaa Ajandahah Kalfadhigan ayaa ah:

1.    kaalinta uu Goluhu ka qaadan karo Marxalada Cusub ee Dalku galay.
2.    samaynta Xeer Cusub oo Golaha Guurtidu yeelan doono, marka ay soo dhamaadaan Kulano iyo Shirar loogu googol xaadhayo arintaaasi.

Ansixinta ajandaha ayaa Mudanayaashu u balameen maalinta sabtida ee horaanta Todobaadka soo socda.

Buraoonline.com

Shaqaalahi Xawaalada IFTIN Express ee Kala Baxsaday Lacagta Somali Tahriibayaala oo Magaciisi La Shaaciyay

http://puntlandpost.com/xayeesiisyo/iftinuk.gif

Athens (Buraoonline.com) 18.07.10 Khaalid Xuseen oo lacago fara badan kala goostay qaar ka mida qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka gariiga ayaa la xaqiijiyay in horaantii bishii May ee sanadkaan laga eryay shaqadii Wakiilnimo ee Xawaaladda Iftin kadib markii la ogaaday inuu ku shaqeeyo Muqalasnimo.

Sacdiya Ali oo ka mida tahriibayaasha uu lacagta kala goostay ninka Athens looga yaqiin Sheekh Khaalid oo kaliya ayaa Saxaafada u sheegtay in tahriibayaasha badankood lacagahooda u dhiiban jireen.

"Markii Maamulka Iftin shaqada ka joojiyay,cidna uma sheegin,wixii sii watay shaqooyinkiisii muqalisnimada,waxaa ka muuqatay wejigiisa salaad badan,wuxuu u ekaa Sheekh aamina laakiin markii ay soo shaac baxday inuu lacagahii oo dhan la goostay ,qofkasta waxay ku noqotay amakaag iyo filanwaa" ayey tiri Sacdiya Ali.

Khaalid Xuseen ayaa la xaqiijiyay inuu tegay dalka Finland oo ay xaas u degan tahay hasse yeeshee faahfaahin lagama helin sababta ku kaliftay inuu tahriibayaasha qaxootiga dhaco xoolahooda.

"Nin garka deystay,oo surwaalka gaabsaday ayaa xoolaheeyga u calaf yeeshay inuu dhaco,waa markii labaad,sanadkii 2000 ayuu mid lagu magacaabo Shariif sidaan oo kale iigu dhacay suuqa Bakaaro oo wixii aan shaqeeystay oo dhan koofur Afrika ula goostay,ayaan daradeeyda maxaa Oowliyo alle iiga dhigay Mooryaan Gareeyda,waheey wah"ayuu yiri Mohamed Abukar oo ka mida dhalinyarada tahriibka ku jooga Gariiga ee lacagtii uu heystayna lagala baxsaday.

Buraoonline.com

Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

http://www.dayniile.com/imagesj/Imperial%20Hargeysa1%202010.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 18.07.10 Madaxa hay’adda sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur oo uu wehelinayo Sarkaalka Maxamed Cali ayaa doraad ka soo degay madaarka Cigal International Airport kadib markii ay ka soo laabteen Caasimada dalka Itoobiya ee Adis-Ababa oo ay horaantii todobaadkan u tageen shaqo saddex cisbo ah.
Taliyaha sirdoonku waxa uu galinkii hore ee shalay la kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyada oo uu labada masuulba uga xog waramay wixii u soo qabsoomay muddadii ay hawsha ugu maqnaayeen Addis-Abab.

Buraoonline.com

Dowlada Cusub oo Durbaba Dalka Ka Bilowday Qorshaha Dhamaynstirka Wadooyinka Magalooyinka Waaweyn

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_16363d_2010-7-17-15-8-0f_DSC01646.JPG
 
Burco (Buraoonline.com) 18.07.10  Waxaa si weyn uga socday magaalada Burco Muddo ka badan 2 Bilood ka shaqaynta iyo bannaynta Laba laami ama waddo oo waaweyn isla markaasna dhex mara badhtamaha suuqa weyn ee Burco.

Waddooyinkan oo ay maalgelinyso Dawlada hoose ee Burco isla markaasna aan la sheegin cid la taageraysa dawladda hose ayaa iyagu istaagay muddadii ay socdeen doorashada iyo ololayaashoodu, waxaanay dhammaanba istaaga waddooyinkaasi saamayn weyn ku yeesheen ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka iyadoo waddooyinkaasi ay illa muddadaasi qaarkood xidhnaayeen.

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_16363d_2010-7-17-15-9-51f_DSC01650.JPG

Hadaba waxa saaka Gebo gebo ku dhoweyd mid ka mid ah wadooyinkaasi oo dhex mara Bacadlayaasha suuqa weyn ee Burco, iyaddoo saaka Daamurkii iyo Jaygiiba lagu shubayey, waxaana la filayaa inay maalinta berri ah ku soo gobo gobawdo gebi ahaanba waddadaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid si toosa uga war bixisay cidda xadhiga ka jari doonta waddoooyinkani iyo cidda Dawladda hose ka saacoday Dhaqaalaha ay ku dhisayso waddooyinkaasi, iyadoo labada waddo ee D/hoose ay ka dhisayso Burco ay yihiin laba waddo oo istiraatiji ah ah, Dadka goobaha ganacsi ku lahaa waddooyinkaasi la samaynayey hareeraheeda ayaa iyagu cabashooyin badan ka muujiyey xidhnanta waddooyinkan muddadii ay xidhnayeen, waxaanay sheegeen in dhaqdhaqaaqoodii ganacsi aad u yaraaday kadib markii macaamiishoodi ay waayeen meelo ay u soo maraan.

Wadadan cusub oo dhererkeedu dhanyahay qiyaastii 1-km ayaa isku xidhi doonta jidka dheer ee hormara saldhiga dhexe ee Bilayska taasi oo markii hore ahayd wado ciida waxaanay wax weynka bedeli doontaa bilicda iyo muuqaalka jidkaasi oo markii hore ahaa mid liita.

"waa mid loo baahnaaa in la qabto arrinkani lakin way la daaheen, kolley annagu shacbi ahaan waan soo dhoweynaynaa tallabada Dawladda hose ay qaaday, waana mid farxad noo ah horumar na u ah Gobolka iyo degmadaba" sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Burco oo saaka dhex taagnaa waddada cusub.

"waar dhaqdhaqaaqii bay naga xidheen oo wallaahi dhaqaalihii naga soo geli jirey meheradaha aadbay isu dhimeen, waayo dee xaggan (Konfur) way xidhantahay, xaggan (waqoyi) way xidhan tahay xaggan kalena(Galbed) way xidhantahay, afarta kooneba way naga soo xidheen oo xattaa dadkii noo soo lugaynayey ba ku caddibnaa, markaa systemka ka khaldanaa qoladan waddada dhisaysay, waxaanan u malaynayaa inay ku waayo arki doonaan waddadan oo kuwo kale si fiican u samayn doonan" waxa isna sidaas ku cawday mid ka mid ah ganacsatada ku dhex lahaa waddada cusub goob ganacsi.

Isku soo wada duuboo Waa markii ugu horaysay ee Maayar ka mid ah maayaradii soo maray Gobolkani Togdheer ay dhisaan jid laamiya oo qiyaas ahaan dhan 1km tanina waxa ay noqondoontaa mid bahal dahab ka geli doonta taariikhda uu uga tagi doono Gobolkani Togdheer Maayarka hada Talada Degmada haya ee Maxamuud Axmed Xasan (Dhegalaab). dhismaha jid kani laamiga ah ee Burco laga hirgeliyay xiligani iyo ka u qorshaysan in maayarkani bilaabo waqtiayada soo oscda ayaa ka mid noqondoona horumarkii balaadhnaa ee uu gaadhay gobolkani togdheer oo iasagu xiligan ah hurmuudka gobolada Jamhuuriayada Somaliland dhanka wax wada qabsiga.

 
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Source Hadhwanaagnews

War-Saxaafadeed Xukuumada Cusub Ku Beenisay Inay Jiraan Wasiiro Hodhac ah Oo Ay Magacawday

 http://www.bar-kulan.com/wp-content/uploads/2010/07/siilaanyo-300x225.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 18.07.10 Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku beeniyey inuu magacaabay wasiirro hordhaca oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee dalku.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Cusub oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka u qaabilsan Warfaafinta iyo Wacyigelinta Xisbiga KULMIYE Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase), ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in wasiirro ka mid noqon doona xukuumadda xusub oo uu madaxweynuhu magacaabay.


Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi Gabiley News soo gaadhay, ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:


Warsaxaafadeed


"Qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa, ayaa daabacay in Madaxweynaha shacabku soo doorteen Mudane , Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabay wasiiro hordhac u ah oo ka mid noqon doona xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo.



Hadaba, waxaan caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee wasiiro si hordhaca loo magacaabay ilaa hada, Madaxwaynaha la doortayna wuxuu ku mashquulsanyahay sidoo uu talooyin iyo afkaaro haboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani leeyahay si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh, dalkana horumar gaadhsiin karta.


Gebogebadii Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku, sidaa daraadeed waxaan warbaahinta kula talinayaa inaanay iska qorim waxyaabaha mala-awaalka ah ee laysla dhexmarayo."


Allaa mahad leh


Maxamed Cilmi Aaden (ilkacase)

Gudoomiyaha Warbaahinta
Xisbiga KULMIYE

Shirkada Casriga Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo Saartay Adeegyo Cusub

http://lughaya.com/wp-content/uploads/2010/03/gudoomiyaha-shirkada-somtel.JPG

Burco (Buraoonline.com) 17.07.10 Warsaxaafadeed ay uu soo saaray Xafiiska War baahinta  shirkadda SOMTEL ee magaalada Hargeysa ayaa lagu faahfaahiyey adeegyo cusub oo shirkaddu u soo kordhisay macaamiisheeda iyo talaabooyinka ay qaaday shirkada SOMTEL mudadii yarayd ee ay jirtay, warsaxaafadeedkaasina waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL oo muddo kooban oo bila ah ka hawlgashay Somaliland, ayaa ku tallaabsatay dedaallo badan oo dhinaca isgaadhsiinta ah iyo khadka internetka, kuwaas oo dadwayanaha Somaliland u qabeen baahiyo xooggan oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta iyo internetka oo haatan dunida casriga ah kala haga.

Dedaallada shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL ku soo kordhisay bulshada Somaliland, ayaa waxa hormood u ah adeegyo aan waddanka hore uga hirgalin ama la dhammaystirin, waxana ugu weyn khadka internetka oo ay ka haqabtirtay inta badan qaybaha kala duwan ee ganacsiga, hay’adaha, shirkaddaha gaarka loo leeyahay meheradaha suuqyada waaweyn ee dalka iyo shakhsiyaadka gaarka ahba.

Internetka shirkadda SOMTEL waxa uu si xawliya ugu fidayaa dhammaan waddanka oo dhan, iyadoo taasina ay keentay baahida dadku u qabaan internet wanaagsan oo ku fushadaan hawlaha kaga xidhan adduunyada inteeda kale, waxaanay bulshada Somaliland u soo jeedinaysaa baaqyo la xidhiidha hambalyada internetka ee bulshada Somaliland ku naaloonayso.

Dhinaca kale, shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL waxay dadawayanaha Somaliland ka haqabtirtay khadka dibad-ka-soo-hadalka ee loo yaqaan VOIP, kaasoo ah in dibadda lagaala soo hadli karo mobilkaaga si lacag la’aan ah, iyadoo shirkaddu kuu diyaarisay lambar lagaala soo xidhiidhi karo oo khaas kuu ah.

Khadka dibad-ka-soo-hadalka ee bilaashka ah, ayaa kaalin weyn ka qaatay kaydinta dhaqaalaha dadka reer Somaliland, kuwaasoo shirkaddu ugu talogashay inay u ilaaliso dhaqaalaha kooban ee soo gala. Waxa kaloo khadka dabad-ka-soo-hadalku u fududeeyey dadwayanaha Somaliland ee dibadda ku maqan inay si hagar la’aan ah ula soo xidhiidhaan dadkooda ku sugan waddanka iyagoo aan istcmaalayn kharash culaysinaya jeebkooda.

Khadka dibad-ka-soo-hadalka ee shirkadda SOMTEL waxa uu kuugu diyaar yahay dhammaan xarumaha shirkaddu ku leedahay dalka gudihiisa, waxaanad u istcmaali kartaa mobilkaaga Iyo laynka gurigaaga amma xafiiskaaga.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL oo leh shaqaale firfircoon oo dedaal xooggan ka muujiyay u adeegidda hawlaha bulshada Somaliland iyo sidii looga haqabtiri lahaa baahiyaha dhinaca isgaadhsiinta casriga ah, ayaa waxay sii wadi doontaa hirgalinta ballanqaadyadeeda la xidhiidha inay u dhammaystirto dadwayanaha Somaliland adeegga rasmiga ah ee u baahan yihiin, waxana shirkadda SOMTEL ilaa hadda ku guda jirtaa ballaadhinta hawlaha ay u hayso ummadda, iyadoo ah shirkadda kaliya ee wadniya ee si dhammaystiran markeliya si xawliya u wada gaadhay dhammaan lixda gobol ee Somaliland ee ku adeego SOMTEL,”

Miiga Ruushka hoos haloo dhigo magacyada shuhaddaddana meel sare halagu qoro

http://wpcontent.answers.com/wikipedia/commons/thumb/a/a0/Hargeysa_memorial.jpg/200px-Hargeysa_memorial.jpg
Article (Buraoonline.com) 17.07.10 Wixii la jecelyahay baa inta la qurxiyo meel sare lasaaraa,wixii la necebyahayna hoos baa loo dhigaa.waxaan had iyo jeer is weydiiyaa waxa diyaaradii laysay shacabka reer somaliland ee magaalooyinkooda dumisay meel sare oo magaalada dhexdeeda ah loo saaray.iyadoo bilicda magaalada la degtey.
 
waxay ku wanaagsanaan lahayd hadii taariikhdan xun ladoonayo in loo sharaxo caruurta iyo dadka qalaad in meel lagu xereeyo oo la ilaaliyo,la dayactiro si mudo dheer ay u muuqato,hadiise ay halkaa saaraato lama dayactiri karo,foolxumo ayay magaalada ku tahay,bir aan laga ilaalin inay daxalaysatona waxay halis u tahay inay kala jabto oo khasaare nafeed geeysato.
 
Dadkii usoo joogey xiligii ay diyaaradaha noocaas ahi magaalada iyo shicibka duqaynayeen,markay qurbaha ay maganta iyo qaxoontiga ku yihiin ka noqdaan ee ay hargaysa iyo sawirkaa xusuusta xun arkaan waxay habeenkii ku qarwaan riyooyin aad u xun.
 
Waxay ku wanaagsanaan lahayd hadii aan meesha laga qaadayn in hoos loo dhigo,oo la dayactiro.halka ay saarantahayna laga sameeyo taalo qurux badan oo lagu magacaabo taalada shuhaddadda,ama hadii la kari karo in lagu qoro taalada magacyadii mujaahidiintii dalkan naftooda u hibeysay ee midhahay dhiigooda ku beereen aynu maanta guranayno.
 
Bashiir Tarabi

Qaran news oo Lasugi Wayday Baq Iyo Buqdeedii Dawlada Cusub

http://c.markosweb.com/screenshots/2/3/5/235652.jpg

Article (Buraoonline.com) 17.07.10 waxaa baryahan warar aan sal iyo raad toona lahayn ka soo burqanayeen shabakada qudhun news oo looga bartay inay ku hadasho afka quruuntii jabtay ee ciidankii musuq maasuqa aabaha u ahaaa ayaa waxay bilowday saylici ayaa guri kiraystay  shirkada biyah boorame lacag amaahisay bal akhristoo shabakadaa eega aniga yaabaye shabakadan oo looga bartay qolo iyo qabyaalad oo ku haboonayn bahda saxaafada ayaa iminkan waxay ku dartay buqdi madax aan wali xilba la wareegin inay ku bilowdo hebel ayaa guri kirays tay hadaba waxaan u sheega ninka qola shabakadan ee jooga wadan uk garahaan magalada liverpool oo aanu nagaano wuxuu yahayba hadaad joojin waydo waxyaabah aad been abuurkaa in laga qadi doono talaabo aad arki doonto waxaan kaloo akhrista yaasha u sheegay inayd naan dhagaysan  buqdiga ka socda halkaas oo aan maskaxdaada  ku siinay inaad akhrido waxaan leeyhay waar udub ku daysay ee iimaanso wax danbe oo aad helaysa ma jirto hadii lacagta dawlad akugu socotay  hadab waxaan waydiinay maamulka qudhun news miyaad ogayn in saylici iyo riyaale yihiin dad is ah kaad shalay udaba shabeelinaysay dadkan iaga iska ka ogye afkiina ka dhiga madaxwayne ku xigeen Cuqdad reernimo idin haysana iska daaya Silaanyo Iyo Saylici Dadka Ayaa Doortay oo deeday kuwaad daba shabeelin jirteen dad u doona u codeeya lakiin wali samir la.aan ayaan idin haysee Dee samra

ahmed aar muumin suudi

Hargeisa somaliland

Wakiilka Xawaalada Iftin Express ee Dalka Greece oo Lacag Kala Baxsaday Dad Somali ah


Athens (Buraoonline.com) 17.07.10 Dad fara badan oo Tahriibayaal ahaa ayaa dhibaato ku qabsatay Magaalada Athenis ee dalka Greeca kadib markii Wakiilkii Shirkadda Xawaaladda Iftin ee Greeca la goostay Lacago fara badan.

Sheekh Khaalid, oo ahaa Wakiilka Xawaalada Iftin ee Magaalada Atenis ayaa la waayay maalintii shalay ahaa isagoo la baxsaday lacago dad tahriibayaal ah laahayen, iyagoo doonaya dadkaas in ay ku iibsadan boosas ama leyman ay ku tagaan dalalka Yurub.

Habeenkii xalay ahaa ayaa Ciidamada Booliska ee Greeca waxay tageen daarta ay deganayd Xawaaladaas Iftin,waxayna gudaha u galeen xafiiskii Maamulka iyagoo qabqabtay dad halkaas ka shaqeyn jiray iyo dad kale oo lacago ka maqnayd oo halkaas ka sameynayay fowdo iyo rabsho.
Waxaa la waayay Sheekh Khaalid oo madax ka ahaa Xafiiskaas, waxaase markii dambe laga war helay in Sheekh Khaalid ka dhoofay Athenis.
Maanta ayaa dad lagu qiyaasay ilaa iyo 40 meeyo waxay isugu yimaaden xarunta Xawaaladaas ee Magaalada Athenis.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in ay ka maqan tahay lacag dhan 3500 Euro, sidoo kale Haweenay soomaaliyed ayaa halkaas ku suuxday ooyan darteed, waayo wixii lacag ah oo ay haysatay waxaa la goostay Sheekh Khaalid.
Dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan Magaalada Athenis ayaa welwel ka qaba xawaaladaha ka furan Athenis, maadama aysan lahayn xawaaladaha sharci ku saleysan jiritaankooda ayna dhici karaan wax walba.
Lacagta uu Sheekh Khaalid kala goostay Somalida qaxootiga ah waxaa lagu qiyaasay konton kun oo Euro.
Xawaaladda Iftin hadii aysan celin lacagaha laga dhacay Masaakiinta waxaa laga yaabaa inay dhaawacdo kalsoonida ay macaamiisha ku qabaan.

Buraoonline.com

Boqollaal Dadweynaha Reer Burco ah oo si Xoog leh ugu Qulqulaya Hargeysa Intii la doortay Madaxweynaha Cusub

http://www.somaliland.org/images/b/2007/12/ciidul_adxa_burco_2007_2.jpg

Burco (Buraoonline.com) 17.07.10 Goobaha kala duwan ee bulshadu ku kulmaan gudaha magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga hadal-hayey boqollaal qof reer Burco ah oo maalin walba sida daadka ugu qulqulaya dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Dadweynaha reer Burco, ayaa la sheegay inay si xad-dhaaf ah ugu sii qulqulqayaan dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa tan iyo intii la doortay Madaxweyne cusub ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.

Waxa mashquul badani ka muuqdaa goobaha laga raaco gaadiidka ee loo yaqaan istaamada, gaar ahaan kuwa looga baxo caasimadda Hargeysa. Waxa kordhay tirada gaadiidka u baxa dhinaca magaalada Hargeysa oo aan markii hore ka badnaan jirin laba iyo saddex, balse hadda gaadhay inay maalintii ka baxaan gaadiid kala duwan oo gaadhaya ilaa tobaneeyo gaadhi maalin kasta.

Haddaba, qaar ka mid ah kaariyiinta ka hawlgala istaanka Burco ee looga baxo magaalada Hargaysa, ayaa Jamhuuriya uga warramay isbeddelka cusub ee ku soo kordhay istaankooda iyo sida dadweynaha Burco ugu sii qulqlayaan dhinaca caasimadda.

“Magacaygu waa Cabdiqani Maxamed Xasan waxaan ka mid ahay kaariyiinta istaanka, maalintii magaalada Burco waxa ka baxa ilaa 10 gaadhi, waxayna u baxaan Hargeysa. Waxa soo gala ilaa saddex ilaa afar gaadhi. Garman mayno dadkaasi halkay ku socdaan ilaa labaatan casho sidaas ayey ahaayeen. Maalmahan dambe baabuurta guryahooda ayaannu ugu taganaa si ay dadka u qadaan, markii la kala waayay gaadiid la raaco. Waxaannu leenahay dawladda cusub ma Hargeysa oo keliya ayay noqotay, miyaanay na soo gaadhayn?”

“Magacaygu waa Axmed Siciid Cabdillaahi, waxaanan ahay nin istaanka ka rara baabuurta rakaabka, dadkuna waxay ku socdaan caasimadda. Gabaadhida halkan ka baxdaa waa ilaa 10 baabuur oo isagu jira tagaasi iyo basas, waxaanan filayaa dadwaynaha halkan ka baxaa inay doonayaan xilal iyo kuraas, waxana si weyn u kordhay suuqayagii oo gaadiidkii waa widhiidh maalin iyo habeenba, shaqadayaduna way korodhay intii la doortay Madaxweynaha cusub, balse magaaladii dadkii waa ka sii qulqulayaan, waxay raadiyanaa wali maanu fahmin iyo hogosha Hargeysa ka hoortay.”

Dadwaynaha kala duwan ee ku sii socda magaalada Hargaysa ee caasimadda ah, ayaa isgu jira kuwo xilal doonaya oo huguri badani ka hayo ka mid noqoshadd masaabyada kale duwan ee xukuumaadda cusub laga dhawrayo iyo kuwo jibbo farxadeed madax-martay oo la dhacsan guusha u soo hoyatay xisbiga KULMIYE.

Waxa kaloo albaabada u xidhan yihiiin dhamaan xarumihii iyo xafiisyada saddexda xisbi qaran, kuwaasoo masuuliyiintoodii u sarreeyey ilaa kuwii u hooseeyay u dhaqaaqeen dhinaca Hargeysa.

Sidoo kale, gobollada Sanaag iyo Sool ayaa iyagana si weyn looga dhaqaaqay, iyadoo loo kicitimay dhinaca caasimadda Somaliland, waxana la sheegay in magaalada Hargeysa la ceeryoomayso dad iyo gaadiid badan, isla markaana buuxsameen huteellada la seexdo.

Source Jamhuuriya

Saldhigyadda Burco Oo Buux Dhaafiyay Maxaabiis Dambiilayaal Ah, Kuwaa Soo Laga Soo Qab Qabtay Guddaha Magaaladda Iyo Nawaaxigeeda

http://i.ytimg.com/vi/bzqM_mEG4Ic/0.jpg

Burco (Buraoonline.com) 17.07.10 Saldhigyadda Magalamadaxdda Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa sida wararka inagu soo gaarayaan la sheegay in ay Buux Dhaafiyeen Maxaabiis u kala Xidhan Dambiyo kala gaar gaar ah oo ay galeen ayna isugu jiraan Dambiyo Culus iyo Mid Fududba, waxaa jira Maxaabiistan Xidh Xidhani inay dhaafeen xiligii loogu tala galay in ay ku jiraan Gacanta Booliska, taa soo ahayd in loo gudbiyo Maxkamad si loo Xukumo Maxbuuska isla markaana loo dhaadhiciyo Jeelka Wayn iyo in wax Dambi ah lagu waayo oo sidaa lagu sii daayo. 

Hadaba markaanu soo ogaanay Maxaabiis tiro badan lagu hayo Saldhiga Booliiska, ayaga oo dhaafay mudadii uu Sharcigu dhigayay ee ahayd 48 Saacadood in Booliisku gacantoodu ku jiro, intaa kadib waxa ilo xog-ogaal ah aanu ka helnay in Booliisku sidii Sharciga ahayd inuu maro oo uu Subax weliba u gudbiyo Maxkamadda si loo Xukumo, ayaa waxaa dhacda in Maxabiista la Xukumay halka laga gayn lahaa Jeelka, sida warku inagu soo gaadhay la sheegay in Madaxdii Jeelka yidhaahdeen anagu uma hayno Maxbuuska Raashin aynu siino isla markaa dib u soo celiyaan Eedaysanayaashii ee Maxkamadu ay Xukuntay, sidaa aawgeed ayay Maxaabiistu Saldhigyadda Buux Dhaafiyeen ayagoo isugu jira qaar ay Maxkamadu Xukuntay iyo qaar Xukunsugayaal ah.

Geesta kale ayaa la sheegayaa in Maxbuuska loo la’yahay Raashinka uu sabab u yahay ayadoo lagu jiro Xiliga kala guurka.

Wariye CabdiKariin Axmed

buraoonline

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Silaanyo oo Doortay Wasiiradiisi ugu Horeeyay

http://www.bar-kulan.com/wp-content/uploads/2010/07/siilaanyo-300x225.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 17.07.10 Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay labadii wasiir ee u horreeyey xukuumadda cusub ee la filayo inuu soo dhiso.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sida Wargeyska Jamhuuriya oo xiganaya ilo xogogaal ahi uu baahiyay, waxa uu si hordhac ah u sii magacaabay labada wasiir, kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga KULMIYE, halka Proff. Ismaaciil Muumin Aar uu u magacaabay Wasiirka Wasaarada Biyaha, Tamarta iyo Macadanta.

Inkasta oo aannu jirin qoraal rasmi ah oo Madaxweynuhu ku shaaciyey magacaabista wasiiradan oo warbaahinta loo gudbiyey, haddana waxa wararku sheegayaan inuu si hor dhac ah u sii magacaabay labadan wasiir, iyadoo Wasiirka loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi uu hadda ku sugan dalka Kenya, isla markaana uu shir halkaasi ka dhacay kaga qaybgalay maamuuska xilka wasiirka Khaarajiga.

Tan iyo intii ka dambaysay markii xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dhacday 26-kii June, waxa si weyn looga foolinayey xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hase ahaatee waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu si dhammaystiran ugu dhawaaqo golihiisa wasiiradda xukuumadda cusub, iyadoo guddi Madaxweynuhu u saaray inay ka soo talo-bixiso qaab-dhismeedka dawladda cusub soo jeedisay in golaha wasiirada laga dhigo 15 xubnood, halkii ay markii hore ka ahaayeen 26, arrintaas oo si weyn dadweynuhu soo dhaweeyeen.

Buraoonline.com

Qiimaha Sonkorta iyo Dhuxusha oo Kor uga )  Kacay Burco iyo Ceerigaabo

http://t2.gstatic.com/images?q=tbn:eK3ulMHzdbgjcM:http://www.saaxil.net/sawirka/ab/daqiiqda%2520oo%2520ka%2520degeysa%2520markabka.jpg

Burco (Buraoonline.com) 15.07.10 Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga dareemayey kor-u-kac ku yimi qiimaha lagu iibiyo sonkorta iyo dhuxusha.

Korodhka sicirka ee ku yimi qiimaha sonkorta iyo dhuxusha oo ka mid ah baahiyaadka aasaasiga ah bulshada, waxa uu saamayn weyn ku yeeshay nolosha guud ahaan shacabka ku nool magaalada Burco.

Qiimaha kiishka sonkorta ah markii hore lagu iibin jiray $34 doollar, ayaa haatan gaadhay $40 doollar iyo dheeraad, taasoo si weyn u taabatay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Burco.

Ganacsatada yaryar ee raashinka tafaariiqda ah iibiya, ayaa Jamhuuriya u sheegay in aanay jirin sonkor yaraatay ama kala go’day, balse kor-u-kaca xawliga ah ee ku yimi qiimaha sonkorta waxay u xambaariyeen inay masuul ka yihiin tujaarta waaweyn ee wax soo dejiya oo sicirka maceeshada kordhiyey.

Sidoo kale, waxa magaalada Burco laga dareemayaa sicirka iibka dhuxusha wax lagu karsado oo isna cirka isku shareeray, isla markaana gaadhay heerkii ugu sarreeyey, waxana kiishka dhuxusha ah lagu kala iibsanayaa lacag dhan 80 kun oo Shilling Soomaaliga laga isticmaalo magaaladaas, halkii uu markii hore ka ahaa 60 kun Sh.Somali.

Lama garanayo sababta keentay qiimo korodhka dhuxusha, laakiin waxay dadweynuhu ku macneeyeen mid ka dhalatay dhuxushii loo iibkeeni jiray suuqyada Burco oo loo weeciyey dhinaca Maamul-goboleedka Puntland.

Qiimahan dhuxusha ee kor u kacay ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshada, taasoo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Burco, maadaama dhuxushu kow ka tahay baahiyaadka nolosha shacabka magaalooyinka.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee qiimaha dhuxushu ka gaadho gudaha magaalada Burco.

Dhinaca kale, magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa la sheegay in iyana kor-u-kac weyn ku yimi qiimaha sonkorta oo gaadhay halkii ugu sarreeyey.

Sidoo kale, waxa Ceerigaabo waxa kor uga kacay sarrifka lacagta dollarka ah, iyadoo hore boqolka dollar gudaha magaaladaas loogu kala sarrifan jiray saddex milyan iyo boqol kun oo shillin Soomaali ah, haatanna uu gaadhay saddex milyan iyo afar boqol oo kun.

Ilaa hadda si cad looma oga asbaabaha keenay kor-u-kaca sarrifka lacagaha qalaad, balse waxa loo aanaynayaa inuu ka dhashay magaalada Ceerigaabo oo laga isticmaalo lacagta kun-kunka shillin ah ee lagu soo sameeyo Maamul-goboleedka Puntland, taasoo had iyo jeer lagu tilmaamo inay abuurto sixir-barar iyo kor u kac dollarka.

Arrimahan oo dhan ayaa ku soo beegmay wakhti dhowaan shacabka Somaliland doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen cusub oo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010, kuwaasoo rajo weyn laga qabo inay wax ka qabtaan arrimaha dhaqaalaha

Source Jamhuuriya

Cidiyaha iyo ilkaha ayaanu ku difaacaynaa madaxbanaanida Soomaaliland.‏

 
Article (Buraoonline.com) 15.07.10 Dadka reer Somaliland waa dad ilbaxa oo xadaarad leh,waa dad nabada jecel oo yaqaana macaanka iyo midhaha ka dhasha,waa dad colaada iyo dagaalada neceb oo wax ku qaatay wixii soo maray,hadana ogoow inay yihiin dadka ugu dagaalka iyo adkaysiga badan ee aan hadhin ilaa ay guulaystaan waxay doonto haku kacdee.waxkastoo ka burbura iyo inkastoo ka dhimatana markasta inta badan baa soo hadha.
 
Reer somaliland way ka aqoonyahano,geesiyaal,hawlkaro,abwaano iyo guurti badan yihiin hadii afarta kale ee soomaaliyeedba la eego.waxay dalkooda iyo dadkooda udifaacayaan waxay aaminsanyihiin oo ah xoriyad iyo cadaalad aanu aadanuhu la'aantii noolaan karin.waxa ay somaliland ugu mintidayaan waa iyagoo aaminsan inay qabankaraan wax ka badan waxa ay qaban karaan kuwo leh dawlado la aqoonsanyahay,waanay xaqiijiyeen.
 
Dadka reer Pakistaan iyagoo weligoodba sagaal jeer kayaraa dadka Indiya hadana weligood lagama guulaysan.xiligii Pakistaan ogaatey in Indiya samaysanayso Nukliyeer,maadaama aanay Paakistaan dhaqaale ku filan haysan dawlad ahaan,shacabka Paakistaan waxay balan qaadeen in qofkii sadex jeer wax cuni jiray inuu laba jeer wax cuno,cuntadii markii sadexaadna uu lacag ahaan dawlada ugu deeqo,taasi ayaa layidhaahdaa wadaninimo,waana ta gaadhsiisay inay la tartamaan waxkasta oo Indiya hindisto.
 
Sanadkii hore ayaan nin Oroma ah oo aanu saaxiib nahay ku idhi maxaad idinkoo ah qowmiyada ugu badan ee Iitoobiya degta aad uga ogolaateen in Tigree oo reer yar ahi idin maamulo oo aad idinku umaamuli weydeen,wuxuu yidhi sidaanu taa usamaynaa,waxaan ku idhi hadaanu doorasho xalaala qaban ku dagaalama.wuxuu yidhi doorasho xalaal ah ma ogola,markaa inaanu isbedel iska sugno goor uu yimaadoba iyo in Iitoobiya la waayo oo ay burburto waxaan doortay inaan iska sugo intay rabto ha qaadatee.tanina waa waddaninimo kale.
 
Hadaba dadka reer soomaaliland waa dad labadaba kasii fog xaga wadaniyada oo kara inay waxkasta uhibeeyaan dhulkooda hooyo haday muruq,maal,maskax iyo inay naftooda iyo dhiigooda uhuraanba.
 
Qof reer somaliland ah oo ogolaanayaa majiro inuu cadaw debeda ahi soo galo gudaha dalka ama xitaa isku dayo,maantana maalin ay ka rajo weyn yihiin ma jirto shacabka reer somaliland,iyagoo markasta uheelan dalkooda horumarkiisa iyo difaaciisaba.
 
Dawladihii hore waxaa jira dad cadaalad daro ka tirsanayey,dawlada kulmiye ee lasoo dhisi doono waxaanu ka rajaynaynaa inay cadaalada xooga saarto siday balanqaadeen,taasoo isukeensoo jiidi doonta,iyagoo heelan shacabka wanaagsan ee somalilandna ka kasbato inay iskood maalkooda iyo muruqoodaba u hibeeyaan dalkooda iyo dadkooda ay jecel yihiin.
 
Bashiir Tarabi

HAMBALYO HAMBALYO‏

http://www.xoghaye.com/wp-content/uploads/2010/03/hambalyooo.jpg

Hambalyo (Buraoonline.com) 15.07.10 Waxaanu halkan hambalyo meher oo aan lasoo koobi karin uga diraynaa lamaanaha kala ah SAADAAD CABDIRAXMAAN CABDILAAHI SAALAX IYO AAMINA XIRSI CALI oo uu meherkoodu wiigan ka dhacay Huteelka Barakaat ee magaalo madaxda wadan Kenya Nairobi taariikhdu markii ay ahayd   waxaana halkan hambalyo aan lasoo koobi karin uga diraya  sxbdiisa iyo ehelkiisa qaraabadiisa kala ah
 
Maxamed Cumar Xaashi
Cumar Xaashi Saalax
Maxamed Ismaaciil Saalax
Axmed Faarax Saleebaan
Cabdiraxmaan Cumar Xaashi
Cabdikariim Axmed Cali
Cabdiraxmaan Axmed Cali
Yuusuf Maxamed Dubad
Bashiir Xirsi Nuur
Maxmed Yuusuf Dhaqtar
Cabdirisaaq Axmed Maxamed
Farxaan Axmed Faarax
Farxaan Xaashi Saalax
Subeer Saxardiid
Ibraahim Baashe Xaaji Xasan
Maxamed Cismaan Xirsi
Cabdinaasir Maxamed Xuseen
Khadar Jaamac Dheere 

Dhamaan dadkaasi ee kala jooga USA,UK, SOMALILAND, FINLAND, FRANCE, SWEDEN, iyo Adisababa waxay hambalyo meher oo aan lasoo koobi karin udirayaa Boqorka iyo Boqorada is calmaday ilaahayna uga baryayaan inay bashbash iyo barwaaqo ku gaadsiiyo arooskooda....
 
      A A M I I N.........A A M I I N.................A A M I I N.....................

Mohammed Hashi (maxamedhaye@hotmail.com)

"Rumble In Hargeisa" SIILAANYO VS RAYAALE(2009)

Shirkadda Dhoofinta Iyo Suuqaynta HilibaXoolaha Ee Burco Oo Ay Iska Kaashadeen Muwaadiin Iyo Malaysiyaan Oo Xalay Lagu Dhawaaqay Cida Qandaraaskeeda Ku Guulaysatay

http://www.goorden.be/wp-content/Adieu%20Le%20Monde/Meat%20factory.jpg

Burco (Buraoonline.com) 14.07.10 Shiradda dhoofinta iyo suuqgeynta Hilibka xoolaha ee Burco ayaa xalay lagaga dhawaaqay Hotel imperial ee magaalada Hargeysa, cidda ku guulaystay qandaraaskeeda dhismaha iyo Saamiyo (shares) ay u soo bandhigtay dadweynaha.

Qandaraaska dhismaha Shirakadan oo ay ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha Warsame Siciid Construction Company oo uu qof waliba ku darsan karo Shares, Shirkadda Dhoofinta iyo Suuqgeynta Hiliba Ee Burco ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee la doortay C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Marwo Edan Aadan, Faadumo Siciid, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Safiirka Somaliland u Fadhiya Maleesiya Mr. Cabdirasaq iyo C/casiim Mustafe oo u dhashay dalka Maleeshiya kana mid ah masuuliyiinta shirkadda iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Maamulka Shirkadda Mr. C/rasaaq Xaaji Xuseen, kaas oo hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Markaa insha’alaahu Tacaalaa Shirkaddani waxa ay dhoofin doontaa Hilib la qalay oo loo iibgeyn doono caalamka Hilibka u baahan, heshiiska ay labada daraf ku shuraakoobeen waxa uu ku shalaysan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed yeeshaan warshada Boqolkiiba 51%, Darafka Maleeshiyaanka ahina waxa uu yeelan doonaa boqolkiiba 49%, heshiiskan aanu la galay Maleeshiyaanka waxa ay nalagu la heshiiyeen in aanu bil walba u dhoofino dalka Maleeshiya 20,000 Kontaner oo Hilib ah, Kontaner-kiiba waxa uu ka kooban yahay 26,000Kg oo Hilib ah, waxa kale oo iyana heshiiska ku jirta in aanu Bil walba u dhoofino 10-Kontaner oo Hilib ah oo Hilibka Adhiga ah, kii horena waa ka Lo’da, labada sano ee u horeeya waxa maamulka warshada wadi doona khubaro ku takhasustay warshadaha oo ka socota dalka Maleeshiya, marka labada sano dhamaato waxa inoo tababi doonaan shaqaalaheena u dhashay Somaliland, isla markaana xilka Warshada iyo wadidiisa ay la wareegi doonaan, Maleeshiyaan waxa ay inaga caawin doonaan dhismaha iyo  warshada iyo qalabaynteeda, baadhistaanka xoolaha la qalayaha oo ay baadhi doonaan Dhakhaatiir ku takhasustay Cilmiga Xoolaha, waxa ay ina siin doonaan Sayntifik, taas oo cadayn doonta in xoloolaheena Hilibkooda loo iib geyn doono caalamka oo dhana lagana isticmaali doono, waxa ay inaga caawin doonaan tobabarka shaqaalaheen, dhismaha warshadu waxa uu socon doontaa muddo toban bilood ah sida qorshuhu yahay Kadib waxa ay warshadu bilaabi doontaa qalistii iyo diyaarintii iyada oo eegaysa xoolaha Soomaalida, maantana waxa aanu halkan ku bixin doonaa qandaraskii lagu dhisayey Warshada, run ahaantii waxa aanu dhagax dhiga warshada ku samaynay dabayaaqadii bisha January mudadaa ka bacdi waxa aanu sugaynay oo Maleeshiyaanku sugayeen in doorashadu inoo dhacdo oo maalgashiga ay samaynayaan uu noqdo mid ay ku kalsoon yihiin dawladd dhisan oo muddo dheer shaqaynaysa ay la sugayeen”.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay C/casiis Mustafe oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda isla markaana ka soo jeeda dalka Maleysia, kaas oo ugu horayn u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay xalfadda, kana waramay hanaanka ay shirakadu u shaqayn doonto.

Madaxweyne ku xigeenka Cusub C/raxmaan Saylici ayaa isaguna hadal uu halkaasi ka jeediyey sheegay in xisbiga uu dhiiri galinayo Ganacsiga iyo Shirkaddaha Gaarka ah Privete Sectors sida ku cad Barnaamujka Siyaasada Xisbiga Kulmiye.

Buraoonline.com

Reer Togdheer Maxey Ka Sugayaan Xukumada Cusub ee Ka Dhalatay Jamhuuriyada Somaliland? By Jaamac C/Laahi Biime

http://www.gabooyenews.com/imgs/kulmiye_boorama1239688009.jpg

Burco (Buraoonline.com) 14.07.10 Shacabka Reer Togdheer iyo weliba Gobolada Bariga Somaliland oo Gebi ahaanba la iloobay Sideedi (8) sano ee ugu dambeeyay, ama aan idhaaho ay la degeen Koox Wasiiro oo Ka soo wada jeeda Gobolada Bariga Somaliland, oo ay Hormood uga ahaayen Wasiir Sulub, Dhoolayare iyo Cawil. Intaas ka bacdi ilaahay waxo ka Aqbalay Ducadi shacabka masakiinta aha ee Cashuuraha Xaqdarada Jeebabka laga buuxsanayay haddana iyago waxba dib ugu soo celinayn Dadkan dhibataysna 20 sano ee ugu Dambeeyay.

Mar haddi Kooxdan shuftada aheyd ilaahy dalki ka qabtay, oo inoo dhaliyayna dowladi aan sugaynay ee Ictraafka iyo Dhaqaalaha Keenaysa ee uu Hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Silaanyo) oo Khibrad, cilmi iyo Waayo aragnimo'ba uu leh sida dowlad loo maamulo Waxaan leeyahay somaliland oo dhan aya Guul gaadhay!

Qodob,1!Haddaba aan uu soo jeesto Gobolka Togdheer oo si ba'an uu dayacna sanadihi ugu dambeeyay, waxay shacabka reer Togdheer ka Sugayaan Madaxweynaha Cusub, ino sida ugu Dhakhsaha Badan in uu uga Bedelo Lacag Ku sheegta Gimbaarta ee Dadka Gacmaha Bacteriyada kaga riday, Wayeelkina Dhabarka ka jebisay. Lacagtan Gimbaarta oo ah Lacag aan laga isticmaalin Somaliland ama Somalia oo keliya Laga isticmaala Burco Gudaheeda oo aan Yiroowe gaadhin aya dhaqaalahi Togdheer Gunta la gashay, Dhaqaalaha Gobolka ayaan is bedelin 20 sano ee ugu dambeeyay, waxaano uu hoorseed ah Lacgtaas Gimbaarta ah.

Qodobka Labaad waxa weeye Qodobka Labaad ee ugu Muhiimsan Gobolka Togdheer Maanta, Kaaso ah Airport'ki Magaalada Burco oo uu ahayd Gate way ( Gobolada Bariga Somalilad dhan, sida Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle ayay Albaabada Loo Laabay Muddo hadda laga Joogo 4 Sano, Waxaana ka Dambeeyay Regimeki Hore ee Haystay Dalka, oo uu Hormuud uu aha Wasiir Waranncadde! Isago Madaarka Gobolka Togdheer ee Burao Airport, dhulkiisa Boob Ku Xaraashay, Maanta Airportki magaalada Burco, Guryo laga wada  dhistay oo Diyaaradahi soo Fadhiisan kari waayen. Taasina waxey ku kaliftay Qurbo-jooga Faraha Badan ee Dalka had iyo jeer yimaada inay ka soo Degaan Berbera ama Hargeisa, hadhow'na Gaadhiyaal ama Basas ka soo Raacan iyago Qaadan kara 6 saacadood ila iyo Burco, Haddi aad ku socotidna Ceerigabo Ku Xisaabtan 2 Maalmod.

Waxaan Kula Talin laha Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Mujaahid Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Silanyo) Ino Labadaas arrimood Ugu Horeysiiyo Gobolka Togdheer, weliba waxa Jirta Hadda Muwaadinin Qurbo-jooga oo ku wada inay Sameeyan Guddi ka Hawl gasha Arrinka Airportka Gobolka Togdheer, Muwdiniintan aya Hadda ku Hawl Jirta Siday Airport Cusub oo Caalami ah Uga Dhisi Lahaayen  meel Magaalada Ka Yara Baxsan, Madaama Kii Hore Bartamaha Magaalada Noqday, Dad badani Guryo ka Dul dhisteen, Muwadiniintan Qurbo-joogta ah ee aya Hadda Gacanta Ku Haya meel aad ugu Wacan ooo Laami leh, oo ah Strategi Ku Haboon Aiport Caalami Laga hirgelin karo, Goobtan oo ah Meel uu Dhaxeysa Burco iyo Yirooowe oo Wado Laami ah Marto, una Jirta Magaalada 10Minutes, waxaanay Shacabko sugayaan, inay Dowlado Labadan Qodob ee ugu Muhiimsan Gobolka Togdheer inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga Qabato...

Jaamac C/Laahi Biime
Buraoonline.com
Burao@live.com

Dhaqdhaqaaq Horumarineed oo Laga Dareemaya Dowlada Cusub ee Axmed Silaanyo

http://www.bar-kulan.com/wp-content/uploads/2010/07/siilaanyo-300x225.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 14.07.10 Dawlada Hoose ee caasimada Somaliland, Hargeysa, ayaa bilawday dayactirka wadada isku xidha guriga madaxweynaha la doortay iyo xarunta madaxtooyada. Dawlada Hoose ayaa maalintii doraad bilawday dayactirka wadadaasi taas oo shalayna si rasmi ah ay shaqada dayactirku uga bilaabantay.

Hawsha dayactirka wadada ayaa ku soo beegantay xili ay ka hadhan yihiin 13 maalmood wakhtigii sharciga ahaa ee ay madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweynaha xilka ka degaya, Daahir Rayaale Kaahin, la kala wareegi lahaayeen hogaaminta dalka.

Wadadan oo  isku xidha badhtamaha caasimada iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada

Ayaa dhibaato ka haysatay gaadiidka isticmaala oo inteeda badani dil dilaac iyo godad fara badan ku lahayd badhtamaha taasoo gaadiidka waxyeelo ka soo gaadhi jirtay.

Dayactirka waddadan Dawlada Hoose bilawday ayaa sidoo kale  waxay ku soo beegantay, iyadoo doraad uu madaxweynaha la doortay, Axmed Siilaanyo uu la kulmay maayirada magaalooyinka,Hargeysa,Burco iyo Berbera, inkastoo kulankooda aan si rasmi ah looga war hayn arrimaha ay ka wada hadleen hase ahaatee warar ku dhowaa kulankaasi maayirada iyo madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsanaa wada hadalkoodu ku saabsanaa siddii xaflada xil wareejinta labada madaxweyne loogu agaasimi lahaa si heer qaran ah.

Si kastaba ha ahaatee bilawga dayactirka wadadan xidhiidhisa Madaxtooyada iyo guriga madaxweynaha la doortay ayaa dadka qaarkood ku macneeyeen inay qayb ka ahayd kulankii dhex maray maayirada iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wadadani waxay burburka ka muuqday kala sinayd wadooyin badan oo isku xidha xaafadaha caasimada iyo badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa, kuwaasoo intooda badan godad iyo dil dilaacyo dhibaato ku haya gaadiidka, dadweynaha lugaynaya labadaba iyo bilicda magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland.

Inkasta oo Dawlada Hoose ee Hargeysa mararka qaar dayactir ku sameyso wadooyinka burbursan qaarkood hadana wax ka qabashadaasi mid muddo sii jirta ma noqoto, waxaana baab’iya roobabka xiliyada guga ka da’a magaalada kaddib marka ay wadooyinka ku soo fatahaan laagaha hareeraha ka xiga oo soo saara dhagaxaanta iyo daamurka wadada oo dadka intooda badani arrintaas ku sababeeyaan tayada dayactirka dawlada hoose ku sameyso wadooyinka oo aad u liita.

Dhanka kale sida ay Haatuf u xaqiijiyeen warar xogogaal ah oo ku dhow dhow madaxweynaha la doortay, ayaa tibaaxay in aanu qorshaha ugu jirin Axmed Siilaanyo in xarunta madaxtooyada uu habeenkii u hoydo. Waxana la sheegay in xiliyada shaqada oo keli ah uu ku madaxweynaha la doortay ku sugnaan doono madaxtooyada, isagoo habeenkii u hoyan doona gurigiisa.



Dagaal Beeleed Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Kana Dhacay Tuuladda Gaad-La-Yaal Ee Bariga Burco

 

 http://gobolada.files.wordpress.com/2006/12/dagaal.jpg

Burco (Buraoonline.com) 14.07.10 Dagaal Beeleed oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa dhexmaray Laba Beelood oo Wadda Dega Tuuladda Gaad-La-Yaal oo ku taal War-Cimraan, iyo Qoryaalle, badhtamahooda. 

Dagaalkan oo ka dhashay Guri ama Aqal labadda Beelood ee wadda dega ay Beelwaliba gaarkeed damacday inay dhisto ayaa dhalisay in Rasaas lisku adeegsado, islamarkaana gaystayna qasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh, ayna ku baxeen Ciisanka Booliika, qaar ka mida labadda Beelood lagu soo xidhay Saldhiga Magaaladda Dhaawiciina la keenay Dhaqtarka Guud ee Burco

Sida wararka shabakada Buraoonline.com ku soo gaadhayaan ayaa la sheegayaa si Colaadaa loo qaboojiyo loona kale dhex galo labadaa Beelood ee ay dirirtu ka dhexayso ayaa  Odayaal Dhaqameedyo iyo Waxgaradba si ay u soo afjari lahaayeen ka ambabaxay Magaaladda Burco iyo Ciidamadda Amniga oo geestooda kaga hawlan nabad ku soo dabaalista arintan foosha xun.

Waxaa jirta had iyo jeer in ay ka dhacaan falalkan oo kale Tuulooyinka miiyiga ah taa soo ay badanaa ka dhashaan Baraagaha,iyo Dhuldaaqsinka, geestana qasaarooyin isugu jira Naf, iyo Maalba., 

Wariye Cabdikariin Axmed 

Buraoonline.com

Video Naxdin Leh: Somali Haraad iyo Gaajo ugu Dhimatay Sahaaraha uu Dhaxeeya Sudan iyo Libiya

Madaxweynaha La Doortay Oo Aan Xukuumadiisa Ku Soo Dari Doonin Hoggaanka Sare Ee Kulmiye

http://www.bar-kulan.com/wp-content/uploads/2010/07/siilaanyo-300x225.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 13.07.10 Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu xukuumadiisa ku soo darin cid ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga uu ka soo baxay KULMIYE.
Ma jiro war rasmi ah oo arrintan xaqiijinaya, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu arrintan go’aan ku gaadhay ka dib markii uu dhinacyo badan ka eegay. Warku waxa uu intaas ku darayaa inaanay hoggaanka xisbiga oo marka laga reebo isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ay tiradoodu tahay afar aanay ka qayb gelin doonin xukuumadda cusub, waxaana arrintan ka taagan dareen isa soo taraya oo ka dhex taagan hoggaanka xisbiga iyo Madaxweynaha la doortay. Haddii uu Madaxweynaha la doortay hoggaanka ka qayb gelin waayo xukuumadda, waxa la filayaa inuu hoggaanka xisbigu ka madaxbanaanaado xukuumadda, taas oo keeni karta in mararka qaarkood ay xisbiga iyo xukuumadu arrimaha qaar ku kala aragti duwanaadaan.

ilahani waxa ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen  inay arrimahan maanta ka balsanyihiin hoggaanka xisbiga iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, kuwaas oo la filayo inay kulankaas ku lafo guraan mawduucan.

Hoggaanka xisbiga ayaa marka laga reebo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la doortay waxa ay kala yihiin:

1.                   Md. Muse Bixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka

2.                   Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Guddoomiye ku xigeenka 2aad

3.                   Md. Cabdiraxmaan Talyanle, Guddoomiye ku xigeenka 3aad

4.                   Md. Kayse Xasan Cige, Xoghayaha guud ee xisbiga

Xukuumdda cusub ee Madaxweynuhu soo dhisi doono oo la filayo inay noqoto mid aad u kooban, waxa ka mid noqoshadeeda naawilaya dad tiro badan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxaana la dareemayaa culays arrintan la xidhiidha oo dusha ka fuushan Madaxweynaha la doortay. Waxase ay dad badani kartida hoggaamineed ee Madaxweynaha la doortay ku tijaabin doonaan hadba sida uu uga dabaasho dhismaha xukuumadiisa u horaysa iyo muuqaalka ay yeelato.

Xigasho Geeska

Shirkad Shisheeye Ah Oo Heshiis Kula Jirtay Xukuumaddii Hore Oo Dalbatay In Xukuumadda Cusub Ee Mucaaradku Tixgeliso Heshiiskeeda

http://www.ennex.at/images/logo.png

Hargeisa (Buraoonline.com) 13.07.10 Shirkad shisheeye ah oo Magaceeda la yidhaahdo Ennex-Somaliland oo qayb ka ah Shirkadda weyn ee Enex ee xarunteedu tahay Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka ayaa soo dhawaysay gush Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ka gaadhay Doorashadda Madaxtinimada Somaliland, waxaanay sheegtay in ay Xukuumadda Cusubi tixgelin siin doonto Heshiiskii ay Xukuumaddii hore la galeen.

Sida ay warsaxaafadeed ay kaga warantay waxyaabaha cusub ee Somaliland ku soo kordhay.

“Waxa ay xaggiisa dambe ku sheegtay inay rajaynayso in Xukuumadda Cusub ee Somaliland hoos u eegi doonto heshiiska ay kula jirto Somaliland.

Markii uu Sarkaalkii noo qaabilsanaa xagga aqoonta Macdanta iyo Shidaalka Mr, Ed Pudry uu dhamaystiri warbixintiisii Gobolka , isla markaana nagula taliyay in Gobolkani leeyahay Khayraad Dabiici ah oo ku duugan, waxaanu la xidhiidhnay Safiirkii Ingiriiska u joogay Magaaladda Addis-Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, halkaasi oo aanu ka helnay Taariikhda iyo Macluumaadka la xidhiidha Dadka iyo Dalka Somaliland, halkaasi oo aanu uga sii gudubnay Dalka gudihiisa, waxaananu markii ugu horeysay heshiis la galnay Somaliland 17 September 2005.”

Hase yeeshee Shirkadda Enex-Somaliland iyada oo ka hadlaysa isbedelka ay sameeyeen Dadka Reer Somaliland waxa ay tidhi “Waxaanu si diiran u soo dhawanaynaa isbedelka Dimuqraadiyadeed ee ay Dadweynaha Reer Somaliland ku bedeleen nidaamkoodii Dawladnimo.

Somaliland waxay rajayn kartaa in isbedel wanaagsan oo ay ku timaado Dawlad Ixtiraamta Saaxiibadii Dawladdii hore iyo Maalgashadayaasha danaynaya inay helaan kalsooni wax lagula qabsado, iyo weliba Shirkad daneyneysa inay si xalaal ah oo waafaqsan derejada caalamiga ah ee Dunidda, isla markaana ula dhaqmaysa Somaliland sida Dal la Aqoonsan yahay inay ixtiraamto (Dawladda Cusubi), taasi oo Somaliland Dadkeedana horseedi doonta in heerka nololeed ee Dadku sare u kaco, isla markaana ay u mari karaan wadadeeda Aqoonsi Caalami ah, iyada oo ay isbedeladani ay qayb ka qaadan doonaan.” Ayay Shirkaddu Warsaxaafadeedkeeda ku tidhi.

Xidhiidhka aanu la lahayn Somaliland iyo Xisbiyadeedu way badnaayeen, balse waxay ahayd mid qarsoodi ah, ilaa haddana weli qarsoodi ah balse qaar ka mid ah ka qayb qaadashadayda Somaliland waxaad ka heli kartaa halkan.”

Wariye Cabdikariin Axmed (warhaye768@yahoo.com)

Buraoonline.com

Waraysi Md Siilaanyo lala yeeshay intii aanu samayn Xisbiga Kulmiye

http://www.bar-kulan.com/wp-content/uploads/2010/07/siilaanyo-300x225.jpg

Hargeisa (Buroonline.com) 13.07.10 Waxa igu Dhaliyay inaan Siyaasadda Dib ugu soo Noqdo Mandaqaddeenna oo Meel Xaasaasi ah Maraysa oo…’Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo intii aan KULMIYE la samayn
Jamhuuriya la Yeelatay Axmed Siilaanyo
Feb 05 2002 London (Togdheernews)- Waraysi aad u xiiso badan oo dhinacyo badan
taabanaya oo 4 February 2002 wargeyska Jamhuuriya la yeeshay
madaxweynaha talada dalka loo doortay shanta sanno ee soo socda Md.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo uu xilligaas kaga hadlay
hamigiisa siyaasadeed ee ku waajahnaa inuu mar uun talada dalka qabto.
Waraysigan oo Md. Axmed Siilaanyo magaalada London kula yeeshay
weriyaha Jamhuuriya Times Cabdikaxiin Maxamed Sheekh, muddo ka bacdi
markii uu iska casilay xilka wasiirka Qorshaynta Somaliland, waxa uu
kaga hadlay waxyaabihii xilligaa ku kalifay inuu siyaasadda dalka ku
soo laabto. Maadaama markii uu iska casilay xilkii wasiirnimo uu
sheegay inuu ka fadhiisanayo hawsha siyaasadda.



Waraysigan oo la qaaday muddo hadda laga joogo 8 sanno iyo dheeraad,
waxa uu isagoo faahfaahsan u dhacay sidan:
Su’aal: Mudane Axmed; waxaad hore u sheegtay inaad siyaasadda ka
fadhiisanayso markii aad xilka wasaaradda iska casishay, maxaa iminka
kugu dhaliyay inaad siyaasadda dib ugu soo noqoto?
Jawaab: Waxa igu dhaliyay inaan siyaasadda dib ugu soo noqdo laba
arrin oo kiisa hore yahay cadaadis igaga yimi dadweyne aad u fara
badan oo isugu jira aqoonyahan, culimaa’udiin, dhallinyaro, odayaal
iyo haween ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada oo iga dalbaday in
aanan ka fadhiisan siyaasadda ee aan ku soo noqdo si an uga qaybqaato
dhismaha qarankayga. Qodobka kale ee igu dhaliyay inaan dib ugu soo
noqdo arrimaha siyaasadda waa iyadoo aan arkay in mandaqaddeennu
iminka marayso meel xaasaasi ah oo aan ii saamaxayn inaan indhaha ka
qarsado, taasoo waajib igaga dhigaysa inaan wixii awoodayda ah ku
biiriyo inaan u shaqeeyo dadkayga iyo dalkayga, iyada oo aanan lahayn
dal kale iyo dad kale toona oo aan ahayn Somaliland.
 

Su’aal: Markaad noqoto halkee baad doonaysaa inaad wax ka bilawdo?
Jawaab: Taasi waa su’aal wanaagsan. Waxaan aaminsanahay in dalkeenu
marayo meel xaasasi ah oo u baahan in si xikmadi ku jirto wax loo
maareeyo. Waxaan doonayaa in la bilaabo wadahadal oo si caafimaad
qabta looga wada shaqeeyo danta qaranka, isla markaana xal loo helo
khilaafaadka jira, iyadoo loo marayo xallintiisa wadahadal iyo
nabadgelyo, mawqifka iyo aaraahda lagu kala taggan yahayna waxaan
qabaa in lagu xalliyo oo loo furo wadahadal, taasoo aan maanta muuqan,
markaas ta aan doonayo inaan wax walba ka horraysiinaa waxa weeye in
wadahadal bilaabmo, taasi ayaan aaminsanahay in lagaga badbaadi karo
dhibaato iyo mashaakil Ilaahay ha innaga hayee.
 

Su’aal: Waxaa maalmahan danbe la isla dhex marayaa inaad
Madaxweynanimo isu soo sharraxyso, maxaad arrintaas ka leedahay?
Jawaab: Horta anigu waanigii kuu sheegayoo marxaladda iminka la marayo
waxa loo baahan yahay in la wada hadlo oo la isa soo horfadhiisto, ka
dibna meel la isla dhigo halka loo guurayo. Marka hore taas meel ha la
isla dhigo, kadib ayaa is-sharraxaad iyo doorashooyin la guda gali
karaa, illeyn oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala
guraaye, balse marka xilligaas la gaadho anigu siyaabo kala duwan ayaa
looga qaybgali karaa, haday noqoto inaan madaxnimo isu sharraxo iyo
hadday noqoto inaan mid nabad ka shaqayneed uga qaybgalaba, taasina ka
qaybgalka aan sheegayo kuma soo koobayo meel keliya oo cayiman sida
madaxnimo keliya iyo wixii la mid ah.
 

Su’aal: Waxaad ahayd Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa xiligii SNM maxaa
isbadal kugu dhacay ilaa wakhtigaas?
Jawaab: Runtii waxbadan baa iska kay beddelay ilaa wakhtigaas aad
sheegtay oo da' iyo cimri labada oo waayaheeda iyo waayo-aragnimadeeda
leh, aniguna kii hore ee aad taqaaneen uun baan ahay, xiligii aan
madaxda ka ahaa ururkii SNM iyo ilaa maantadaa aan joogo waxaan
aaminsanahay isku wadidda bulshada gudaheeda iyo talowadaagga ummadda
dhexdeeda oo marwalba loo marayo wadahadal iyo isku duubni, taasna
waxaa daliil u ah maalintii Jigjiga la igu doortay 1984kii waxa xaalka
ururka SNM ahaa mid taagan meel aad u adag, balse maalintii xilka aan
wareejiyay wuxuu ururka SNM ahaa ka kaliya ee ka soo hadhay ururradii
mucaaridka ahaa ee jiray, taasoo ururka u soo jiiday sumcad aad u
sarraysa, taasina waxaan ku gaadhnay isu tanaasul, wada-tashi iyo
wadahadal lagu dhammeeyo wax aaminsan, haddana ay wadashaqayn fiicani
ka dhaxaysay iyada oo wax walba laga horraysiinayo danta guud. Khilaaf
kastoo yimaad, iyadoo xataa madaxda SNM ee kala afkaarta ahayd ay had
iyo goor iyaga oo kale.
 

Su’aal: Waxa jirta in muddo sannad ah Golaha Guurtidu xilka u
kordhisay xukuumadda hadda jirta, iyadaoo xisbiyada mucaaridka ah
qaarkood taageereen, qaar kalena ka soo horjeedaan, sideed arrintaas u
aragtaa?

Jawaab: Sidaan horeba u sheegay muwaaqiif kala duwan ayaa la kala
taagan yahay oo dhinac kastaaba si wax u arko, anigu waxaan
aaminsanahay in wada-hadal uu furmo oo mawaaqiifta la isu soo
dhaweeyo, iyada oo la eegayo danta guud, maadaama dalka la wada
leeyahay oo aan qofna qof ka maarmi karin.
 
Su’aal: Waxaa laga joogaa muddo 11 sannadood ah ilaa maalintii lagu
dhawaaqay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, ilaa maantana
lama aqoonsan, markaa maxaad u aragtaa in aynu aqoonsi ku heli karno.
Jawaab: Runtii arrinka aqoonsigu wuxuu leeyahay laba weji, wajiga
koowaad waa in ictiraafka gudaheena iyo wadajirkeena la adkeeyo lana
xoojiyo nabadgelyada iyo walaalnimada shacbiga dhexdiisa. Wejiga
labaad waa kan dunida la rabo in laga dhaadhiciyo qaddiyaddeena, loona
sharraxo rabitaanka shacbigeena, taasi ayaa aasaas u ah raadinta
aqoonsiga, iyadoo waliba ay muhiimadda weyn leedahay inaynu xoogga
saarno ilaalinta midnimada shacbiga reer Somaliland.
 
Su’aal: Dadweynaha reer Somaliland waxay ku guulaysteen inay dalkooda
ka dhaliyaan nabadgelyo iyo horumar dhinaca dhismaha iyo dhaqaalaha
ah, balse waxay khaatiyaan ka joogaan muranka siyaasiyiinta
Somaliland, iyadoo muranka siyaasiyiintu qaranka iska hortaagay
horumar badan oo la gaadhi lahaa, maxaad arrinkaas ka leedahay?
Jawaab: Marka u horraysa waxa horumarka sal u ah nabadgelyada iyo
wadajirka ummadda, waxaana hubaal ah in dadweynuhu uu ku amaanan yahay
horumarka fiican ee ay sameeyeen, iyagoo aan wax kaalmo ah ka helin
dalalka deeqda bixiya ee dunida.
 
Waxa haddaba siyaasiyiinta la gudboon
inay dadweynaha kala shaqeeyaan horumarka, dawlad kastana waxa looga
baahan yahay inay mujtamaca ku dhiirrigaliso dhinaca aqoonta iyo
dhisidda maskaxda ee muwaadiniinta. Sidoo kale waxa lagama-maarmaan ah
in xukuumaddu ku shaqayso daacadnimo iyo wada tashi caddaalad ku
dhisan, iyada oo loo baahan yahay in bulshoweynta laga talogaliyo
talada qaranka iyo aayaha dalka, sidoo kalana waa in awoodad dalka
debaddiisa ku nool oo aad u ballaadhan lagu dhiirrigaliyaa ka
qaybqaadashada dhismaha dalka.
Su’aal: Goormaad dalkii ku laabanaysaa?
Jawaab: Haddii uu Allah oggolaado waxaan ku laabanayaa dhawaan.
Xigasho Jamhuuriya

Khilaaf Balaadhan oo Soo Kala Dhex Galay Kooxda Argagixisada Ah ee SSC Isko Magacaabay

http://www.hiiraan.com/news/2008/aug/images/Bulshada%20deegaanka.jpg

Buuhoodle (Buraoonline.com) 13.07.10 Kadib khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka Saleebaan Ciise Ahmed (xaglatoosiye ) Taliyihii Ciidanka SSC Maxamed Mire Cali  ayaa waxaa xilkii laga qaaday taliyaha ciidanka beeleedka SSC   khilaafkan oo mudabe ka aloosnaa ururka SSC  ayaa waxaa sidoo kalenna khilaaf soo kale dhexgalay cali maraykan iyo hogaamiyaha golaha khusuusta .

Khilaafkan ayaa inta badan waxa u lug ku leeyahaya qurbajooga oo doonaya inay maamulaan hogaanka SSC waxaanna ka kow ah sado cali warsame oo ka mid ah ururka SSC .

Sidoo kalenna waxaa lalunsaday lacago laga soo diray wadanka maraykanka kaasi oo lagu taasi oolagi taageerayay dagaaladda SSC. Hogaanka SSC ayaa magacaabay xisaabiye iyo khasnaji .

Si katsaba ha ahaatee khilaafkan soo kale  dhexgalay ururka SSC ayaa waxa lu ku leh qurba jooga waxaanna la filayaa in la aas aaso urura kale ka madaxbanaan ururka SSC  Kuwaasi oo horseedi kara burburka ururka SSC.

Iftinnews/buuhoodle

Madaxweynaha La Doortay Oo Kulankii Ugu Horeeyay La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Mayorada Somaliland

Hargeisa (Buraoonline.com) 13.07.10 Madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta kulan la yeeshay mayorada Hargeysa, Burco iyo  Boorama.

Kulankan oo uu madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Siilaanyo la yeeshay mayoradan ayaa ahaa mid uu doonayay  in uu ugu kuur galo xaaladaha ay ku sugan yihiin magaalooyinka ay arimayaan isla markaana ay kaga wada hadaleeyeen sida ugu fiican ee ay hawlahooda u dardar gelin lahaayeen.

Waxa kale oo ay ilo wareedyo ka ag dhawaa kulankaasi u sheegeen hadhwanaagnews in sida ugu quruxda badan ay ee ay dhacayso xaflada xil wareejinta ee la filayo in ay dhawaan ka qabsoonto dalka, taas oo ay madaxweyneha la doortay iyo Madaxweynihii hore xilka kula kala wareegayaan.

Mayoradan ayaa balan qaaday  in ay la shaqayn doonaan xukuumada cusub,   waxaanay tilmaameen in ay xilka cusub ku hambalyaynayaan Madaxweyne siilaanyo.

Madaxweynaha la doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna uga mahadnaqay mayorada hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, waxaanu u soo jeediyay in ay halkaas ka sii wadaan oo ay ku dedaalaan in ay hawshooda sida ugu fiican uga soo baxaan.

Si kastaba ha ahaatee kulanka uu madaxweynaha la doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la yeeshay mayoradan ayaa noqonaya talaabadii ugu horaysay ee uu ilaa hada qaaday, waxaana lagu wadaa in inta ka hadhay maalint xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka

Source Hadhwanaagnews

Guddida ilaalinta Hantida Xilliga Kala Guurka oo ka Warbixiyey Hawlahooda

http://www.dhahar.com/images/sawirada_waaweyn/gaarisa%20kenya%20(3)_1.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 12.07.10 Guddiga ilaalinta hantida qaranka xilliga kala-guurka lagu jiro, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay. Guddigan oo 13 xubnood ka kooban oo dhowaan Madaxweynaha la doortay magacaabay, doraadna shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay u mahadceliyeen ciidamada oo ay sheegeen inay gacan ku siiyeen hawshooda.

“Shaqadayadu waxa weeyaan inaanu ilaalino cidii hantida umadda ku xad-gudbinaysa, arrintaasna taageero wayn ayaanu ku haysanaa oo Boolisku way na taageeraan, ciidanka qaranku way na taageeraan, taageerada ugu wayna waxaanu ka helnaa dadka shacabka oo noo soo sheega,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay meelaha ay sida gaarka ah hawlgalkooda ugu wajaheen.

“Saddex meelood ayaanu wax ka qabanaa, ta ugu horeysaa waa dhulka qaranku leeyahay inaan la biliqaysanin oo uu ka mid yahay dhulka baaxadda wayn ee dawladaha Hoose ay siiyeen wasaaradaha oo ay ka mid yihiin wasaarada Ciyaaraha, Caafimaadka, Gaadiidka iyo Waxbarashada, dhulkaas inaan la biliqaysan oo siday ahaayeen ay dawladda cusubi ugu timaado, taasina waa xil sidiisa noo saaran.

Xilka wayn ee is na saarani waxa weeye, gaadiidkii wasaaraduhu lahaayeen inaan iyagana la bililiqaysan oo dadkii gacanta ku hayay aanay iyagu u qaadan waxay iyagu leeyihiin. Gaadiidku waa kii qaranka, Madaxweynihii horena malaha, ka cusubna malaha, balse qarankaa leh – waa in sidaa loo ilaaliyaa. Waxaanu haynaa waraaqo ay ku kooban yihiin gaadiidkaas oo dhami, kuwii lagu waanu haynaa wax qarsoomaya maaha, cida markaa maanta istidhaahda gaadhi baad lunsan karaysaa way khaldan tahay, si dhakhsaha ayaa loo qabanayaa, talaabana waa laga qaadayaa,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in cida isku dayda lunsiga hantida qaranka in sharciga lala tiigsan doono. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay la xidhiidheen masuuliyiinta goobaha dakhliga, kuna dardaareen xilka iyo hawsha ay hayaan ay adkeeyaan, masuuliyad culusna ay iska saaraan ilaalinta hantida qaranku leeyahay, wuxuuna tilmaamay in dhowaan guddigoodu u kala bixi doonto gobollada dalka. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in loo baahan yahay inay ilaalinta hantida doorkooda ka qaataan, guddigana gacan ku siiyaan hawshooda muddada kala-guurka.

Buraoonline.com

Ardayda Somaaliyeed ee Wax Ka Barata Dalka Uganda oo Werwer ka Qaba In La soo Weeraro

http://theurbanearth.files.wordpress.com/2008/04/kampala740.jpg

Kampala (Buraoonline.com) 12.07.10 Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u jooga dalka Uganda oo ay xalay qaraxyo ruxeen ayaa walaac ballaaran ka muujiyey weeraradan iyo in lala xiriirin karo dad Somali ah oo taageersan Xarakada Al-Shabaab.

Qaar badan oo ardayda kamid ah waxay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in la beegsado iyaga, lana xir-xiro iyagoo eed aan jirin loogu saarinayo in ay qaraxa wax ka ogaayeen, ”Aad baan uga xunahay in ay waxaan dhacaan, haddii aan nahay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaan waxbarashada u joogana waan cambaareyneynaa”, ayuu yiri Jibriil Xasan Cali oo Jaamacadda ka dhigto Kampala, una waramayey BBC-da.
 
Waxaa soo baxayo warar sheegayo in shaqsiyaad Somali ah oo lala xiriirinayo falalka qaraxyada ah ay ciidamada booliiska Kampala xabsiga dhigeen.

Dadka ku dhintan weeraradan oo ahaa saddex qarax oo daqiiqado isku xiga dhacay ayaa waxaa ku dhintay 64 qof oo daawanayey gabagabada Ciyaaraha adduunka.

Buraoonline.com

Hotel'ada Caasimada Hargeisa oo Qurbojoogi Buuxdhaafiyen iyago Aad uu Camiray

http://maan-soor.com/maan%20(31).JPG

Hargeisa (Buraoonline.com) 12.07.10 Hudheelada hurdooyinka ee Caasimada Hargeysa ayaa beryahan dambeeyay-ba aad u camiran, oo suuuqoodu xaami yahay, taas oo ka dambeysay ka dib markii bishii ina dhaaftay ee June 26-keedii ay dalka ka qabsoontay doorashadii madaxtooyada, isla markaana uu guulaystay tartankii madaxtinimada dalka murashaxii xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo.

Hudheeladan Caasinada ayay carimreen dad aad u fara badan oo intooda badani ka yimid qurbaha, kuwaas oo ka koobnaa aqoonyahano ajanabi ah, suxifiyiin iyo muwaadiniin u dhashay Somailand oo ka kala yimid wadamada Yurub, America iyo Canada., Kuwaas oo marka laga reebo kuwa ajnabiga ah oo dalka u yimid inay indhahooda ku soo arkaan xaaladda guud ee Wadanku ku sugan yahay iyo nidaamka dimuqraadiyada ee ka hana qaaday Somaliland, islamarkaana ay doorashada madaxtooyada goob joog ahaadaan.

Dadkan ka kala yimid dalalka dunida ee u dhashay Somaliland ayaa qaar badan oo ka mid ah ay ugu dambaysay dalka xilligii taliskii Siyaad Barre Sii Dhacayey ee 1991-kii iyo xilliyadii 1988s, uu socday dagaalkii halganka ee dib u xoraynta Somaliland ee ay horseed ka ahayd ururkii xaq u dirirka SNM, dadkaasi oo wakhitadii ka dameeyayna xaalada dalka kala socday warbaahinta had-ba marxaladaha uu dalku ku sugan yahay

Wakhtigii doorashadu ay soo dhawaatay ayay dad badan oo qurba joog ah ay iskugu beegantay xiligii Xagaaga ee inta badan ay dalka ku soo guryo noqon-jireen, oo bilahaasi xagaagu socdo dalka iman jiray iyo doorashadii madaxtooyada.

Dadkan oo u badan aqoonyahano, dhalinyaro, haween, isla markaana aad u quudaraynayey inay noqoto doorashada Somaliland mid cadaalada ku salaysan oo si iyo xor iyo xalaal ah u dhacda sida wadamada Horumaray ee ay ka yimaadeen, kuwaas oo xaqiijiyey doorashadii dalkooda ay asal ahaan ka soo jeedaan in uu la jaan-qaaday dalalkaasi, taas oo ay aad ugu farxeen.

Dhanka kale dadka qurbo jooga Somaliland ayaa inta badan waxay ad uga warhayaan xaaladaha dalka ka jira, islamarkaana dadkaasi ayaa waxay qayb ka qaataan horumarka dalka, iyadoo ay ku tiirsan yihiin dhaqaale ahaan qoyasas aad u fara badan gacanta ku haya, taasna waxa u dheer halka ay kaga jiraan wadinayda oo dalalka qurbaha ay ka dhaadhiciyaan qadiyada Somaliland ee ku jjihaysan aqoonsiga.

Dhanka kale waxa caasimada Hargeysa ku sugan Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad reere Somaliland ah oo ka soo baqoolay gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo ujeedooyinka ay u yimaadeen kala duwan yihiin, qaar waxay waxay u yimaadeen caasimada sidii ay ugu hambalyeyn lahaayeen madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, qaarna waxay u yimaadeen ilaa inta la magacaabayo wasiirada inay joogaan caasimada si ay ugu hambalyeeyaan ka bacdina ku noqdaan magaalooyinkii ay ka yimaadeen ee gobollada iyo dagmooyinka.

Dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa ayaa si weyn ugu dheg taagaya maalmaha soo socda magacaabista wasiirada xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo u magacaabi doono, taasoo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland aad u soo dhaweeyeen qaabka ay noqonayso xukuumada cusub ee 15-ka wasaaradood ay ku soo talo bixiyeen guddidii loo xilsaaray ka soo talo bixinta, si loo helo dawlad tayo leh.

Markaan Seefta xereda ku Tuuraybaan Sarbiye meel iska dhigay (Abwaan C/salaan Maxamed Xirsi (Caara-Dhuub)

http://img190.imageshack.us/img190/7849/abwaancaaro.jpg

Burco (Buraoonline.com) 12.06.10 Aniga oo ah C/salaam Maxamed Xirsi oo loo Yaqaano Ina Caara-dhuub kuna faraxsan guusha Somaliland u soo hoyatay ayaan jeclaystay inaan ka hadlo isdiidooyin iyo tabbo loo bartay oo maanta aan soconayn ummadeenuna aanay u baahnayn codkeedana ay geed iyo gole kaga sheekaysay intii camaradaha ka muuqan jirtayna laga yaabaa in ay kaga cadhaysiiso, marka hore madaxwaynuhu ha ogaado hawl wadeenada xisbigee dhabta ah inaanay ahayn inta isaga u timaada ee ay yihiin, labadaba  qaar u taga iyo kuwo aan u tegin laakin wuxuu galo iyo wuxuu guddo yaqaana sidaana codka ku siiyey, dadwaynuhu waxay codsadeen gudiduna soo saartay barmaamushka xisbiguna qorayaa anaguna aanu codka ku bixinay in la sameeyo dawlad kooban oo tayo leh mana aha in maalintiina la yidhaahdo madaxwayne dawlad kooban dhis habeenkii goyaal la hagoogto oo la yidhaahdo reerkayaga wax soo sii ama hebel wax soo sii taasi waxay noqonaysaa afka iyo uurkoo kala leexsan.

Hadaba waxaa jiri jiray nin leh boqol sac iyo caruur badan dabadeed waxa dhacay abaar aad u ba’an lodiibaa waxa soo hadhay tobankii sac ee gabadhiisu ugu jeclayd xaga caanaha, adkaysiga, quruxda iyo laxiibnimada caruurtiibaa markay laba habeen qatanayd ayuu is yidhi tobanka sac mid uga qal   kii uu is yidhaahdo qalba intay mindida ku dhegto ayay qaylo iyo sawaxan ka toshaa oo tidhaahdaa ma hebel baad bir u quudhaysaa sheekadii markii ay caruurtaan wax u qalayaa iyo ma hebel baad bir u quudhaysaa laysku cel celiyey ayuu yidhi naa anaa garanaya “Seeftaydaa ayaan xereda ku tuurayaa ee tay ku dhacdo ayaan caruurta u qalayaa” dabadeedna waxay ku dhacday Sarbiye oo aanay mid ka sita soo godlin dabadeedna waxay tidhi “alla sarbiyey ku dhacday” wuxuu yidhi “Naa markaan seefta xereda ku tuuray ayaan Sarbiye meel iska dhigay”

Waxaan arintaa uga jeedaa madaxwayne markii shacabkii iyo gudidii farsamo ay isku raaceen in dawlad kooban oo tayo leh la dhiso ayay noqotay in hebel iyo reer hebel meel la iska dhigo sidii ninkaasiba Sarbiye meel isaga dhigay.

Adigana waxaan kaa codsanaynaa inaad noo tixgeliso codka gudiga, codka hawl wadeenada dhabta ah iyo codka shacabka oo u baahan adeeg, horumar, ictiraaf, cadaalad, magac iyo maamuus waan kaa rajaynayaa inaad guul ummada u soo hoyso adna aad la hoyoto hadaad nooshahay iyo hadaad dhimataba lib ay kuu qiraan oo hadal hayaan aad mutaysanayso (Dumaal nin ka xishooday kama ilma dhalo).

Intaas baan ku soo gebagebaynayaa afkaartayda.

Abwaan: C/salaan Maxamed Xirsi (Caara-dhuub)

Caasimada Dalka Uganda ee Kampala oo Qarax weyn Gilgilay Kuna Dhimatay in Ka Badan 50Qof

http://1.bp.blogspot.com/_QfVWU-2pVL4/S2wxeIbihwI/AAAAAAAAL-A/iWPWsqUwjGU/s640/girl+cries+over+her+dead+mother+at+the+scene+of+a+bomb+blast+outside+a+hospital+in+Karachi+February+5,+2010.jpg

Kampala (Buraoonline.com) 12.07.10 Taliyaha booliska magaalada Kampala wuxuu sheegay in qaraxyadan ay ka dambeyn karto kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Labo qarax oo kala duwan ayaa habeenkii Axada ahaa ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, inka badan 50 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen.

Boolisku waxay sheegeen in qaraxa koowaad uu ka dhacay baar ay leeyihiin dad Itoobiyaan ah, dad gaaraya 20 ayaana halkaasi ku dhimatay.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay xarun ay leeyihiin Naadiga ciyaaraha rugby-da ee Uganda, waxaana halkaasi ku dhintay ku dhowaad 20 qof. Dad badan ayaana ku dhaawacmay labada qarax.

Taliyaha blayska magaalada Kampala, Jeneraal Kale Kayihura ayaa sheegay inay baaritaan bilaabayaan, wuxuuna farta ku fiiqay in qaraxyadan ay ka dambeyn karaan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Taliyuhu wuxuu sheegay in weeraradaasi ay u muuqdaan kuwo loola dan lahaa in lala beegsado isu imaatinka dadka ee daawashada ciyaartii Finalka ee Koobka Adduunka.

Si rasmi ah looma garan ilaa iyo hadda cidda ka dameysa weerarkaasi.

Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya waxay ku hanjabeen inay weeraro ka geysan doonaan magaalada Kampala, taasoo ay sabab uga dhigeen ciidamo ka soo jeeda Uganda oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taageerada ay u fidiyaan dowladda KMG.

Hogaamiye ka tirsan al-Shabaab oo ku sugan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Sheekh Ciisa ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu ku faraxsan yahay qaraxyada ka dhacay magaalada Kampala. Wuxuuse ka gaabsaday inuu qiro ammase uu beeniyo in kooxda al-Shabaab ay ka dambeyso qaraxyadaasi.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ee magaalada Washington waxay sheegeen in madaxweyne Barack Obama uu ka xun yahay weeraradaasi arxan darrada ah. Waxayna sheegeen in Maraykanka uu diyaar u yahay inuu u fidiyo Uganda taageero kasta ooay dalbato.

Buraoonline.com

Spain oo hanatay koobka Ciyaaraha Aduunka ee ka soconayay dalka Koonfur Africa

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2010/07/09/article-1293321-0A5C7646000005DC-986_468x353.jpg

JOhannesburg (Buraoonline.com) 12.07.10 Xulka dalka Spain ayaa ku guuleystay koobka kubadda cagta ee Aduunka kadib markii ay cawa ka adkaadeen Xulka Holland.

Cayaarti ka dhacday  Garoonka  Soccer Staduim ee Magaalada Johannesburg  ayaa ku dhamaatey 0-0 90- kii daqiiqo, iyadoo  lagu daray 30 daqiiqo  ayaa xulka Spain  heshay fursad qaali ah oo u dhaliyay Cayaari  yahanka   Iniesta daqiiqadii 26-aad.
 
Kaarka jaalaha ah ayaa sida hadiyad oo kale uu u bixinayay aarbitaraha, waxaana laga safay inta badan ciyaaryahanada labada dhinac.
 
Damaashaad iyo farxad ayaa hareereeyay garoonkii lagu ciyaarayay ciyaarta kadib, waxaana xulka Spain lagu gudoonsiiyay halkaasi Koobka dahabka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Xulka Spain  ayaa   markii ugu horreysay taariikhda qaaday Koobka Kubadda cagta ee sannadkan lagu qabtey dalka koonfur Africa.
Buraoonline.com

Reer, Somaliland Cashar Dimuqraadi Ah Ayey U Dhigeen Dalalka Mandaqadda, Siiba Djibouti

http://www.andyworthington.co.uk/wp-content/uploads/somaliland.jpg

Brussels,(Buraoonline.com) 11.07.10  Belgium, Gudoomiyaha Xisbiga Ugu Da’da weyn Xisbiyada Mucaaradka Dalka Djibouti, Daahir Axmed Faarax, ayaa ku ammaanay Reer Somaliland, heerka ay Dimuqraadiyadda ka gaadheen kadib Doorashadii madaxtooyadda ee 26-kii June,2010 ka dhacday Somaliland, waxaanu taas ku tilmaamay mid ay Reer Somaliland Cashar ugu Dhigeen Dawladaha Mandaqadda Geeska Afrika ku yaal, gaar ahaan Waddankiisa Djibouti, oo uu ku tilmaamay mid Hoggaamiye keli ahi ka taliyo. 

Sidaana waxa uu guddoomiyaha Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Dib-U-Soonooleynta Dimuqraadiyadda iyo Horumarka oo loo soo gaabiyo marka afka Faransiiska uu ku qoran yahay (MRD), Daahir Axmed Faarax, oo uu ku sheegay warsaxaafadeed Bishan horaanteedii asagoo ku sugan Xarunta Dalka Belgium ee Brussels, oo uu Deganyahay.

Sidoo kale oo uu Hambalyo ugu diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland loo doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu Daahir Axmed Faarax, ugu baaqay Wadamadda Mandaqadda Geeska Afrika ku yaal inay wax ku qaataan Doorashadda Somaliland ka dhacday oo uu ku tilmaamay dhacdo Dimuqraadi oo Weyn.

War-Saxaafadeedka Gudoomiyaha Xisbi-Mucaaridka MRD, oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sedan. “Aniga oo ah Daahir Axmed Faarax, kuna hadlaya Magacayga gaarka ah iyo ka Xisbiga MRD, ee ugu Da’da weyn Axsaabta Mucaaradka Djibouti lana odhan jirey PRD ayaa u soo jeedinayaa Hambalyo Kashka iyo Laabta ka soo Go’day Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, oo ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda ee Dalka Somaliland ka dhacday 26-June,2010 iyo waliba Xisbiga KULMIYE ee uu Madaxa ka yahay.

Waxa kale oo aan Hambalyeynayaa Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland oo muujiyay Nabad jacayl Waayeelnimo iyo Bisayl Siyaasadeed, taas oo suuragalisay Doorasho Nabdoon oo Dimoqraadi ah.

Runtii Cashar Dimoqraadi ah ayay Reer Somaliland u dhigeen Mandaqada, sida Djibouti oo uu Madaxweyne Geele ku tumanayo Dimoqraadiyadda isagoo raba inuu Taladda sii joogo ilaa uu qabri ka galayo, mar labaad Hambalyo waxna Mandaqadu ha ku qaadato dhacdadan Dimuqraadi ee Weyn.”

Buraoonline.com

Qalab Cusub oo Laga soo Dejiyay Dekadda Berbera iyo Cali Xoorxor oo ka waramay

http://www.maerskline.com/localfile/?path=/africa/somalia/index/Berbera%20port%20quay

Berbera (Buraooonline.com) 11.07.10 Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali xoorxoor) ayaa f aahfaahin ka bixiyey qalab usoo degay Dekedda todobaadkii ina dhaafay qalabkaas oo ka kooban Hal Crene (Wiish) iyo laba cagaf oo kala ah Baldosar D9 iyo BobCat ah nooca wax lagu raro gaar ahaan kuwa qaada badeecadaha ay kamika yihiin raashinka aan kiishka ku jirin sida qamaidiga IWM.

Qalabkan

 "qalabkan waxaanu ugu tala galay in lagaga howl galo dekeda, marka hore iyo wixii kale ee howlo ah ee ay qaban karaan looga baahdo Gobolka laakiin ku talogalkayaga kowaad waaxa weeye Cagafta weyn ee D9-ta ah iyada waxaanu kaga howl gelaynaa bacaadka Ciida ee ay dabayluhu keenaan oo soo gaadha Dekedda qodnaanteedana Gaabinaya hadaan laga hortegin Dooxyadana wixii aanu kaga qaban karo hadii loo baahdo waa u diyaar wiishka iagana Xoolaha ayaanu ugu talo galay sida geela iyo lo'da ka dhoofa dekeda cagafta yar qudheedu ma yara howlaha ay qaban karto waxaana kamid ah raashinka aan kiishashka ku iman sida qamadiga oo kale waxay gelaysaa gudaha markabka waxaanay sahlaysaa ururintiisa xiliga la rogayo BobCat ayaa la yidhaahdaa qalabkan iyo kuwo hore oo ka horeeyayba wuxuun bay ka mid yihiin qorshayaasha dhinaca horumarinta iyo tayeynta Adeega Dekedda kaas oo marwalba loo baahan yahay" ayuu yidhi maareeyaha dekedda berbera Eng. Cali XoorXoor.

Buraoonline.com

Maxkamada Sare ee Somaliland oo Natijaadi Doorashada Somaliland ku Dhawaaqay iyo Gudoomiyaha Maxkamadaha oo Ay Magaca Somaaliya kaga dhegtay

http://static.guim.co.uk/sys-images/Travel/Pix/pictures/2010/2/25/1267131874270/The-Constitutional-Court--001.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 11.07.10 Maxkamada Sare ee distooriga ah ee Somaliland ayaa maanta soo saartay Natiijada rasmiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay. Waxaanay Maxkamadu meel-marisay Go’aankii Komishanka doorashooyinka qaranku ay soo saareen 1-dii bishan July.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare, oo laba jeer ku khaldamay magaca Soomaaliya oo sharaxaad ka bixinaya natiijada doorashada iyo Qodobada uu u cuskanayo wuxuu yidhi “Maxkamada Sare ee distooriga ah ee Somaliland markay aragtay in sadexda xisbi qaran ee Somaliland UDUB, KULMIYE iyo UCID mid waliba uu helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday  sidan Xisbiga KULMIYE oo helay 266,906 oo u dhiganta 49.59%, Xisbiga UDUB oo helay 178,881 oo u dhiganta  33.28%, xisbiga UCID oo helay 92,450 oo u  dhiganta 17.23%. markay Maxkamada Sare hubisay xisaab ahaan dhammaan qoraalada raad raaca asalka ah ee xafiisyada  doorashooyinka gobolada iyo Natiijada ku meel gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka qaranku 1/07/2010 markii ay maxkamaddu  xaqiijisay inaanu jirin wax  dacwad ama cabasho ah oo ku saabsan dooorashada madaxtooyada aanay soo gaadhin tobankii maalmood ee ka dambeeyay dhawaaqii natiijadii ku meel gaadhka ahayd.”

“Markii ay u cadaatay Maxkamada hawl galada Guddida doorashooyinka qaranku qaaday dhamaan ay waafaqsan yihiin qodobada distoorka Somaliland oo kala ah 80,81, 82 iyo 83 iyo Qodobada xeerka No:17/2000 ee xeerka aasaaska Axsaabta qaranka eek ala ah Qodobka 1-aad fiqrada 5-aad iyo Qodobka 2-aad, Qodobka 7-aad fiqrada 2-aad, Qodobka 7-aad fiqrada koowaad iyo fiqrada 2-aad. Sidaasi darteed Maxkamadu waxay soo saartay qaraarkan waxay ansixiysay Natiijada ku meel gaadhka ah ee  Guddida doorashooyinka qaranka,”Ayuu yidhi Md. Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane).

Guddoomiyaha Maxkamada Sare wuxuu ku dhawaaqay inay sharci tahay  in xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay, isla markaana Murashaxiintiisu ku guulaysteen xilalka kala ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa jagada madaxweynaha Somaliland ku guulaystay Musharaxa koowaad ee Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Aadan uu ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland, Murashaxa labaad Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shire uu isna ku guulauystay Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.mudada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub waa shan sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.Madasha dhaarta  Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub waxay noqonaysaa Xarunta madaxtooyada Somaliland oo ay goob joog ka yihiin  Madaxda Goleyaasha xeer dejinta. Mudada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore waxa xilkoodu ku afjarmayaa  maalinta la dhaariyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub.”

Buraoonline.com

Gudidi Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland U Saaray Kasoo Talo Bixinta Dhismaha Dawlada Oo Soo Bandhigay Tirada Wasaaradaha, Sheegayna Inuu Aqbalay Madaxwaynaha Cusubi

http://sdwo.com/PICT0576.JPG

Hargeisa (Buraoonline.com) 10.07.10 Gudida 15 xubnood ka kooban ee uu madaxwaynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo usoo xulay inay uga soo tala bixiso dhismaha dawlada cusub iyo tirada wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada aya saaka shir jaraaid ku qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa kuna soo bandhigay talo bixintoodii.

 

Gudidu waxay tirade wasaaradaha kusoo koobeen 15 wasaaradood, oo aan lahayn wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal siday ku taliyeen.

 

Waxaanay soo jeediyeen inay wasaaradaha dawlada cusubi ka koobnaato sida soo socota.

 

1. Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah

· Agaasinka arimaha dibada

· Agaasimka iskaashiga caalamiga ah

· Agaasimka qurbo-jooga

2. Wasaarada Arimaha Gudaha

· Agaasinka arimaha amniga

· Agaasinka arimaha qaxoontiga iyo barokacayaasha

· Agasinka arimaha socdaalka

· Agaasinka horumarinta iyo iskaashiga dawladaha hoose

3. Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta

· Agaasinka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha

· Agaasinka lacagta

· Agaasinka maaliyada

4. Wasaarada difaaca

· Agaasinka hawl galinta

· Agaasinka tababarada

· Agaasinka saadka

· Agaasinak naafada iyo agoomaha halganka

· Waaxda ururinta taariikhda halganka

5. Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha

· Agaasinka ganacsiga

· Agaasinka warshadaha

· Agaasinka maalgalinta

6. Wasaarada xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta

· Agaasinka xoolaha

· Agaasinka deegaanka

· Agaasinka horumarinta iyo reer miyiga

7. Wasaarada beeraha iyo khayraadka badda

· Agaasinka beeraha

· Agaasinka khayraadka badda

8. Wasaarada Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

· Agaasinka Biyaha

· Agaasinka Tamarta

· Agaasinka Macdanta

9. Wasaarada Arimaha diinta iyo garsoorka

· Agaasinta arimaha diinta

· Agaasinta arimaha garsoorka

10. Wasaarada caafimaadka

· Agaasinka caafimaadka guud

· Agaasinka dawaynta

· Agaasinka shaqaalaha iyo saadka

· Agaasinka maamulka iyo loojisticska

11. Wasaarada Waxbarashada

· Agaasinka dugsiyada hoose dhexe

· Agaasinka dugsiyada sare

· Agaasinka dugsiyada farsamada

· Agaasinka horumarinta manaahijta iyo tababarka macalimiinta

· Agaasinka tacliinta sare

12. Wasaarada warfaafinta isgadhsiinta iyo tignoologiyada

· Agaasinka warfaafinta

· Agaasinka isgaadhsiinta

· Agaasinka tignoologiyada

13. Wasaarada hawlaha guud guryaynta iyo gaadiidka

· Maamulka dekada

· Maamulka duulista hawada

· Maamulka wadooyinka

· Agaasinka guryaynta

14. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada

· Agaasinka arimaha bulshada

· Hawlgabka

· Naafada

· Agoomaha

· Agaasinka arimaha haweenka

15. Wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka

· Agaasinka dhalinyarada

· Agaasinka ciyaaraha

· Agaasinka dhaqanka iyo taariikhda qaranka

Gudidan waxay ku taliyeen in sidoodii ay ahaadaan hay’adaha distooriga ahi ee dawliga ah iyo gudiyada digreetada lagu magacaabay.

 

Dhamaan wasaaradaha dawlada cusubi waxay shaqayn doonaan 7: 00 subaxnimo ilaa 2 duhurnimo lixda bilood ee hore, marka danbana labada galinba la shaqayn doono.

 

Xunbaha gudidia kamid ka ah eeka hadlay kulanka waxa kamid ahaa gudoomiyaha gudida, Muuse Bixii Cabdi, ku xigeenkiisa Marwo Adna Aadan Dhakhtar, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Dr. Xusein Cabdilaahi Buxlsan. Waxaanay dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen ahmiyada ay dawlad kooban oo tayo lihi u leedahay wadanka horumarkiisa.

 

Gudigu waxay sheegeen inuu madaxwaynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aqbalay soona dhaweeyay talo soo jeedintoodan

Buraoonline.com

Ganacsato Wadaniya Oo Xoolo Dhoofinayay Oo Maxjarka Berbera Laga Hor Joogsaday Si Looga Horeysiiyo Adhi Al-Jaabiri Leeyahay 

http://www.eeaco.com/201.JPG

Berbera (Buraoonline.com) 10.07.10 Ganacsatada Xoolaha ee Shirkada Saleebaan Aamin iyo Ina Garas ayaa Adhi Ilaa 2000 iyo dheeraad neef oo muddo laba ah cisho ku sugnaa Berbera, ayaa laga hor joogsaday inay Maxjarka galaan ka dib markii maamulka Maxajarka Berbera uu xanibay Adhigaasi in lagu xereeyo, taasoo sida ay sheegeen ganacsatada xooluhu, in Adhigaasi laga horaysiiyay xoolo uu Burco ka soo iibsaday Ganacsadaha Sucuudiga u dhashay ee la yidhaahdo Al-Jaabiri, kaas oo xukuumadii Daahir Rayaale hore kooto ugu xidhay xoolaha ka dhoofa Dekada Berbera.

Markabka la diiday inuu qaado xoolaha ganasadatada wadaniga ah ee Sayladaha Sucuudiga loo iib-gaynayay ayaa la sheegay inuu qaadi karo xoolo dhan 70,000 neef oo adhi ah, waxayna ganacsatada xooluhu Markabkaas weyn ee nooca xoolaha qaada ah ku sheegeen in looga dan leeyahay in lagu qaado xoolo 70.000 neef ah. si qiime hoose Sayladaha Sucuudiga oo Badhayse uu u noqdo adhaga Somaliland, arrintaas oo ganacsatada Wadaniga ah laga curyaamiyo isha kaliya ee dhaqaalena tahay dhoofka xoolaha, taana uu ka dambeeyo Ganacsade Al-jabiri.

Yuusuf X. Cabdi Xandulle (Haliil) oo ka mid ah ganasatada xoolaha Somaliland oo shalay Haatuf xogwaran la yeeshay, oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa Berbera Saaka (shalay) ka dhacay shil naxdin leh oo maxkarkii xooluhu ka dhiifayeen Somalilandna dhaqaalaheedu waa xoolaha nool, taas oo carqalad balaadhani ay soo gashay si xoolihii nin qudha loogu raro, waa Al-Jabiri. Waxa hadaba dhacday xoolo ay leedahay shirkada wadaniga ah ee ganacsiga xoolaha oo ay leeyihiin Saleebaan Aamin iyo Ina Garas oo tiradoodu gaadhayso ilaa 2000 neef oo adhi ah oo muddo laba xishi ah ku sugnaa Berbera ayaa laga hor istaagay Maxjarkii, oo ninka Masriga ah ee la yidhaa Dr Sacad uu xoolahaasi si toosa u hor hoogsaday, isaga oo ku yidhi ganacsatadii markabku wuu buuxaa, arinka oo caynkaas ah ayaa Burco laga keenay Xalay (habeen hore) adhi uu leeyahay ganacsade Al-jabiri oo dhan 5000 neef oo adhi ah, ka dibna adhigii Al-jabiri baa shalay markabka la saaray halka shirada wadaniga ahna loo diiday in markabku uu qaado xoolahooda” Mr Haliil waxa uu intaa ku daray “ Sacad ninka la yidhaahdo ee maxkarka u diiday adhiga shirkada wadanig ah, waxa nabar ku dhuftay shalay wakiilkii shirkada wadaniga ah ee ganacsiga xoolaha Maxamed Cismaan Cilmi. Ta kale waxa jirta markabkan hada taagan Berbera ee xoolaha oo magaciisa la yidhaahdo Barako-5 waa markab qaada xoolo dhan 70,000 neef Sucuudiguna uma baahna maanta ee Markab dhawr iyo toban kun qaada ayaa loo baahan yahay, sababtoo ah haddii xoolo aad u badan la geeyo Saylada Sucuudiga xoolaheenii badhayso ayay ku noqonayaan oo qiime aad u hooseeya ayay xoolihii ku dhacayaan. Hadaba waxaan ugu baaayaa dhamaan ganacsatada xoolaha inay shir isugu yimaadaan ay arrinkaas kaga hadlayaan, waana arrin aan loo dul-qaadanayn in nin kaliya loo raro xoolo shirkadaha kalena loo diido”

Dhanka kale Wariyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil  Axned Aadan Dheere, ayaa kusoo waramay Markabkan weyn ee qaadanaya xoolaha aadka u fara badan ayaa u diyaar ah inuu qaado 30,000 neef oo adhi ah iyo 16000 Geel oo hadda ku xaraysan Maxjarka.

Wariyuhu isaga oo dhanka kalena isku dayay, inuu khilaafkan cusub ee dhex maray ganacsatada xoolaha iyo ninka ay ka cabanayaan ee la yidhaahdo Dr. Sacad ayaanay u suuto galin, ka dib markii ninkaasi ka cudur daartay inuu wax war ah siiyo Saxaafada.

Buraonline.com

Guddigii Uu Madaxweynuhu U Xulay Dhismaha Xukuumadda Oo taladii Ku Celiyay 

Hargeisa (Buraoonline.com) 10.07.10 Guddigii uu dhawaan Madaxweynaha la doortay u xulay inay ka soo talo bixiyaan qaab dhismeedka xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono ayaa shalay dib ugu celiyay talooyinkii ay gaadheen.

Guddigan oo uu guddoomiye u yahay Md. Muse Biixi Cabdi, islamarkaana ay ku jiraan dad kale oo muxtarim ka ah bulshada dhexdeedu, waxa ay maalmo dhawr ah ku hawlanaayeen ka baaraan dega talada uu Madaxweynaha la doortay weydiistay inay ka soo fikiraan.

Ma jiro war rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, laakiin warar xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddigu shalay Madaxweynaha la doortay u gudbisay taladooda, waxaana la filayaa inay maanta shirjaraa’id ku cadeeyaan nooca ay tahay talada ay Madaxweynaha u gudbiyeen. Laakiin wararka uu Geeska Afrika helay waxay cadeeyeen in qodobada ay guddigu Madaxweynaha u gudbiyeen uu ugu mihiimsanyahay qodob xadidaya tirada Golaha wasiirada ee xukuumadda cusub, kaas oo ah inay wasiiradu noqdaan 15 wasiir, islamarkaana la laalo waxa loo yaqaan Wasiirul dawle oo ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale caan ku ahayd. Guddigu waxa kale oo ay ka tallo bixiyeen sida loo soo koobi karo wasaaradaha faraha badan ee dalka ka jira, iyagoo qaar tiro badan oo laba loo kala saaray dib isugu celiyay.

Waxa kale oo ay guddigaasi Madaxweynaha la doortay kula talisay inuu xilalka uu magacaabayo u xusho dad meeqaam fiican ku dhex leh bulshada, shantii sannadood ee u dambeeyayna shaqaynayay oo karti iyo ammaano leh.

Lama oga in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo sideeda u qaadan doono tallooyinka guddiga uu magacaabay u gudbiyeen oo sida muuqata ka turjumaysa xukuumad tayo leh oo ah midda ay dadku u baahanyihiin, waxase la ogyahay in Madaxweynuhu hore u balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo leh.

Buraoonlie.com

Burco, Tartankii Gabayadda Nabadda Ee Abwaanadda Dhalinyarada Ah Ee Goboladda Dalka Oo Xalay Lagu Kala Baxay, Iyo Qiimaha Suugaantii Madasha Laga Tiriyay

http://img228.imageshack.us/img228/2642/halkn.jpg

Burco (Buraoonline.com) 10.07.10 Tartanka Gabayada Nabada ee Dhalinyarada Somaliland ayaa si toos ah uga bilaabmay Gobolka Togdheer, waxaana lagu soo bandhigay Hotel Barwaqo ee Magaalada Burco, taa soo ay gacan weyn ka geesteen qabaqaabada howshan iyo Abaabulkeeda Naadiga Akhristayaasha (Halkaraan) ee Gobolka Togdheer, ayna maal gelisay Hay-Adda, Hornpeace uguna talagashay Dhalinyarada Suugaanyahanada ah ama Abwaanada ah oo iyagu soo bandhigay Suugaan iyo Gabayo, aad u cajiib ah, islamarkaasna dhamaantood ka wada hadlayay Nabada, dhalintaasi Abwaanada da’yarta ah ayaa dhamaantoodii ahaa Dhalinyadii Gobolka Togdheer.

Hadaba madal bay ahayd ay fadhiyeen Abwaanadii ugu da’da yaraa Gobolka islamarkaana ay wacdaro ka dhigeen waxaana Abwaanadaasi oo ka mid ahaa Axmed Cali Ubaxle, Cabdinuur Cawil Xaashi, Nafisa Ciise X, Yuusuf, iyo Abwaano Da’yar ah oo kale.

http://img85.imageshack.us/img85/4773/halk1.jpg

Abwaanadaasi oo ku tartamayay Gabayo ay kaga hadlayeen Nabadda waxaana lagu kala saarayay Midhaha ay adeegsanayeen, hab dhaca iyo hawraarta hadalka iyo u jeedooyinka ay adeegsanayeen.

Abwaanada Da’yarta waxaa kala saarayay oo halkaa ku sugnaa Hurre Walanwal, Axmed Aw’geedi, iyo Saleebaan Baashe, ayaa dhamaantood ku booriyay da’yarta inaanay isu qaadan rikoodh jabis ee ay weli halkaa ka sii wadaan Gabayada ay sameeyeena ay yihiin kuwo qiima leh.

Waxaa Dhalintii Gobolka ee baratamayay Kaalinta 1aad, u galay Cabdinuur Cawil Xaashi, oo isagu u tartami doona Gobolka Togdheer Tartanka Goboladda ee Gabayadda Nabada.

Geesta kale waxaa dhinacsocday oo isla Barwaqo Hotel lagu qabtay Tartankii Gabayada ee Goboladda Somaliland, waxaana tartankaasi galay dhamaanba 6da, Gobo lee Dalka marka laga reebo Gobolka Sool oo la sheegay inuu ka soo daahay Tartanka.

http://img820.imageshack.us/img820/3079/halk2.jpg

Hadaba shanta Gobol ee kale ee Abwaanadoodu Madasha fadhiyeen ayaa kala ahaa Hargeysa, Saaxil, Togdheer, Sanaag, iyo Awdal.

Hadaba Munaasibada oo ku bilaabantay jawi dagan ayaa isu bedeshay jawi xamaasadaysan markii ay bilaabmeen suugaanta waxaana dhamaan Abwaanada Tartamayay uu mid walba soo bandhigay wixii uu tartankaa kaga qayb qaadan lahaa, iyadoo ay Gabayadii ay lahaayeen Laxano, sida Toga uga soo burqanayay Abwaanada yar yar.

Markii Gabayadooda iyo kelmadaha ay madasha ka jeedinayeen ay dhamaadeen waxa Garsoorayaashii u kala Gar qaadayay ay banaanka uga baxeen iyagoo meel gaar ah ku soo kala qiimaynayay, kadib waxaa lagu dhawaaqay Natiijadii oo ay ku wada qanceen 5ta Gobol ee halkaa ku tartamayay.

Ugu dambayntii waxaa madasha shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Abwaanadii ka qayb qaatay Tartanka ee waliba Guuleestay.

http://img228.imageshack.us/img228/2642/halkn.jpg

Gabagabadii waxaa la yeedhiyay Tartankii Gobolada ee Abwaanada Da’yarta ahi ku soo bandhigayeen Suugaanta ka hadlaysa Nabadda sida ay u kala heleen, 1aad, Gobolka SAAXIL.   2aad,  Gobolka AWDAL.   3aad,  Gobolka TOGDHEER. Iyadoo qaabka Natiijada loo yeedhiyay uu ahaa qaab farsamaysan oo laga soo shaqeeyay islamarkaasna markii u horaysay loo yeedhay Abwaanka Kaalinta 3aad ka galay tartanka ee Gobolka Togdheer matalayay, waxaana markii la yeedhiyay Magaca Abwaankaasi dhamaan dadkii meeshaa fadhiyay oo u badnaayeen Reer Togdheer, ay markiiba Kor uwada kaceen islamarkaana ay iskku dareen Sacab iyo Sawaxan,Mushxarad.

Geesta kale waa markii ugu horaysay ee Gobolka Togdheer ay Nasiib u yeelato in lagu qabto Tartanka Gabayadda Abwaanadda Da’yarta ah ee Goboladda Dalka, waxaana Gudoomiyaha Hornpeace Maxamuud Maxamed C/llaahi, uu sheegay in ujeedadu ay tartanadaan u fureen ay tahay in Abwaanada yar yari ay ka qayb qaataan wacyi gelinta Bulshadda sida Nabadda, wuxuu kaloo sheegay Tartanadaan noocani aysan istaagi doonin Sannad waliba ay qaban doonaan.

Wariye Cabdikariin Warhaye768@yahoo.com    

Ogeysiis: Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff iyo nawaaxigeeda

http://www.freefoto.com/images/1054/03/1054_03_6---Cardiff-Bay-Visitor-Centre_web.jpg

Cardiff (Buraoonline.com) 09.07.10 Waxa la ogaysiinaya dhammaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo shacbiga Somaliland ee ku nool magalada Cardiff iyo nawaaxigeeda in ay ka soo qayb-galaan xaflad balaadhan oo lagu xusaayo Doorashadii 26kii July 2010 ka dhacday dalkii Hooyo Somaliland ee uu ku guulaystay Xisbiga Kulmiye.

Waxana inagala soo qaygelaya xafladda Duqa (Lord Mayor ) magalada Cardiff (Cllr Keith Hyde) iyo xaskiisa.

Waxaa kale oo xaflada inagala soo qaybgelaya Tiifiiga Somali Channel.

Waxan ka codsanaynaa dhammaan Jaliyadda reer Somaliland inay si fiicaan uga soo qayb- galaan munaasibada, wakhtigana ilaaliyaan.

Madasha xafladda: Temple of Peace.

Address: King Edward VII Avenue,

Cardiff CF1O 3AP.

Wakhtiga: Sabtida 10/July/ 2010: Xafladdu waxay bilaabmaysaa 4-galabnimo.

Waxii faahfaahin ah ee intaa dheer kala soo xidhiidh qabanqaabiyasha xafladda.

Ibrahim Arab Jama: 07711551176.

Nasir Esse Geljire: 07984172964.

Mohamed Abdillahi Yassin: 07958732897.

Abdirahman Mohamed Ahmed: 079319191729.

Mahdi Ibrahim Hassen: 07931541310.

Mohamoud Hassan H Yusuf: 079 30801839.

Khadar Ibrahim Warsame: 07984512320.

Allaa Mahad Leh.

Guul iyo Gobanimo.

Magaalada Burco oo Xabxab soo Go'ay La Ciirciiraysa

 
click to zoom
 
Burco (Buraoonline.com) 09.07.10 Beeralaydda Degan Goblka Togdheer, ayaa Sannadkan Dalaga Beeraha uga soo go’ay ayna ugu badnaayeen Miraha Xabxabka,

 

Kaasoo ay buux dhaafiyeen Magaaladda Burco, aadna ka daremaysid sida magaaladda uu ku yahay, Beeralaydan oo kaga faa’iidaystay Roobabkii badnaa ee xiliga Guga ka da’ayay deegaanadda Togdheer.

Taasoo Suuqyadda Magaaladda oo ay buux dhaafiyeen Qaraha ama Xabxabka, ka soo go’ay xiligan Beeraha sababayna inuu Qiimihii markii hore uu ka ahaan jiray uu hoos uga dhaco cid kastana uu awoodi karo inuu iibsado.

http://img171.imageshack.us/img171/3233/xab.jpg

Hadaba Miraha Xabxabka ee soo go’ay ayaa waxaa jirta inuu Suuqa ka saaro Shixnado Xabxab ah oo markii hore uga iman jiray Konfurta Soomaaliya, taasoo uu ku iman jiray Qiime aad u sareeya oo cidiba goyn karayn.

http://img697.imageshack.us/img697/7082/xab2.jpg

Qarahani ama Xabxabka ayaa intuu tiro badnaan ka qabo ku fiday Magaalooyinka Somaliland oo dhan aadna ka heli kartid hadii aad u baahato weliba asagoo jaban.

Beeraha uu ka soo go’ay Qarahan ama Xabxabka ayaa loo yaqaanaa Beer-biyood taa soo Biyaha ka hela xiliyadda Roobabka, marka kalena lagu waraabiyo Riigaga.

Wariye Cabdikariin Axmed Warhaye768@yahoo.com

Buraoonline.com

Waxaan La Yaabanaha Meesha Aynu Surwaalo Kawada Heli doono

http://img202.imageshack.us/img202/5240/abwaan.jpg

Burco (Buraoonline.com) 09.07.10 Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caara-Dhuub), oo ka nid ah Abwaanadda Caanka ah, ahna nin Qoraaya mar aanu la ku lanay ayaa waxaanu uu nasiiyay fakarkiisa ama nadareensiiyay isbedelka Somaliland ay gaadhay in uu aad ugu faraxsan yahay wuxuu kaloo ku faraxsan yahay iyadoo Xisbiga Kulmiye uu ku Guuleystay Dadweynaha Somaliland Badhkood Codkoodii oo u dhiganta 50% arintaasoo ah wax mar la’arag ah  wuxuu kaloo uu ku faraxsan yahay iyda oo aanu wax war war ah uga qabin dalka Madaxweynaha Ladoortay Mujaahid, Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) oo uu u arko inaanu ka magac yaraan doonin Nelsan Mandela.

(Baar-Qab Laba Lagu Saanyaday Dhalwanaag u Amaan Maaha),

waana ku hambalyeenayaa Xilkaas weyn ee ay umadu u garatay waana u ducaynayaa inuu Ilaahay u fududeeyo.

Markii Ingiriiska ka kacay carigan Somaliland oo Dadku ay u Faraxsan yihiin sida aynu maanta u Faraxsanahay oo kale ayaa waxaa lagu soo baxay nin Odey ah oo Dhulka Xariiqayo oo murugeysan markaasaa layidhi maxaad u murugeysan tahay oo dadka farxada ula qabsan wayday markaasu yidhi walaahi waan ku faraxsanahay Xurnimada aanu helnay waxaanse la yaabanahay meesha aynu Saraawiil kawada heli doono.

Waxaan taa uga jeedaa Xisbiga Kulmiye waxa ku jira Magoolkii iyo Labeentii Jamhuutiyadda Somaliland iyo Rag badan oo u qalma in ay Xilal helaan weliba howlwadeenada dhabta ahi ma’aha inta Siilaanyo,iyo Seylici, u tagta ee waa dad ayagu yaqaana waxay galaan iyo waxay gudaan sidaana ugu howlgalay kuna doortay.

Hadaba markaynu intaasi iskaba dayno dalkuna uu u baahan yahay dowlad kooban oo tayo leh miyaanay ka dhignayn ninkii yidhi meesheynu Saraawiil ka wada heli doono ayaa la yaabanahay  isagoo u yaqaana qofkasta oo xuriyad haystaa inaanu surwaal La’aan karin sidii Ingiriisku Surwaalku u wada lahaa.

 Buraoonline.com

Wariye Cabdikariin Axmed

Burco

Rayaale Nin Tala Qaata Muu Ahayn, Waa Quraarad Madow, Waxaanan La Yaabanahay Dadka Mahada U Jeedinaya

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/ISMAACIIL-YARE-A.jpg

Burco (Buraoonline.com) 09.07.10 Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Md, Ismaaciil Aadan  Cismaan, oo hada ka mid ah Xisbiga KULMIYE, ee dhawaanta ku guulaystay Doorashadda Madaxtooyadda ee Dalka ka dhacday 26/06/2010-ka, ayaa eedaymo kul-kulul u jeediyay Madaxweynaha Taladda sii haya Md, Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu wax ka tilmaamay sababaha keenay in laga guulaysto Xisbigii talada Dalka hayay mudada sided sannadood ku siman.

Md, Cismaan waxa uu sheegay in sababta kaliftay in Madaxweyne Rayaale, iyo Xisbiga UDUB, laga guulaysto ay Kow katahay kadib Madaxweyne Rayaale Xisbiga dibada uga saaray dadkii hormuud ka ahaa ee doorahadii horena u halgamay sidii uu Xisbigu u guulaysan lahaa, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin Cabdillaahi Dirawal, Axmed Sandoon, Saleebaan Gaal, iyo shaqsiyaad kale oo muhiim ka ahaa Xisbiga UDUB.

Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu Xil ka qabto Xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo, iyo Xukuumad kasta oo timaada isaga oo tilmaamay inuu yahay Muwaadin Xaq u leh inuu Dalka Xil ka qabto, isaga oo carabka ku adkeeyay in dadku wada og yihiin wixii uu qabtay waqtigii uu ahaa Wasiirka Daakhiliga Xukuumadda waqtigeedii dhamaaday ee Madaxweyne Rayaale.

Ismaaciil Aadan Cismaan, oo shalay waraysi khaas ah siiyay Wargayska Geeska Africa, ayaa isaga oo dhamaystiran u dhacay sedan.

Ismaaciil, waxaad ka warantaa sida aad u aragto isbadalka Dalka ka dhacay, maadaama oo laga guulaystay Xisbigii oo aad awal ka tirsanayd,guulatstayna Xisbiga KULMIYE oo aad hadda ku jirto.?  

Waa runtaa Xisbixii aan awal ka tirsanaan jiray ee UDUB waa laga guulaystay waxaana ka guulaystay Xisbiga KULMIYE ee aan hada kamidka ahay, isbadalkaasi runtii kalmada ugu horaysa ee ana ka odhan karaa waxa weeyaan “Waabaa baryay bilicsan, ubadda wahabaa ka kacay, dhibaato fara baddan oo siyaasadeed, tu dhaqaale iyo mid maamul ayaa Dalka haysatay oo la soo daristay ilaa sadexdii sannadood ee ugu dambeeyay., markaa isbadalkaasi mid Dadku u baahnaayeen ayuu ahaa, Dadkuna way muujiyeen inay isbadal u baahan yihiin waayo waxa aad ku garan kartaa Codadka lagu kala badiyay, wakhtigii hore ee aanu anagu UDUB ka tirsanayn ina Rayaale, waxa uu ku badiyay waxa ay ahayd 80 Cod,  maantana waxa lagu kala badiyay waa 50% waana qayral caadi, halkaasina waxay kuu cadaynaysaa Dadku sida ay u naceen maamulkii hore ee jiray, uguna naceen maamul xumadda, musuqmaasuqa, kalidii talisnimadda, umadda oo xumaan mooyaane wax alaale oo wax loo qabtay aanay jirin, markaa umaddu tiibay ka gilgilatay oo codkoodii ku muujiyeen in ninkii aanay doonayna iskaga kaxeeyaan, ninka ay doonayaana ku keenaan, markaa isbadalkii umaddu u baahnayd oo u bislaaday ayaa dhacay meeshana way ka saareen ninkii kalidii taliyaha ahaa, waxayna codkoodii siiyeen nin wayn oo oday ah oo khibrad badan leh oo ka aqli badan oo ka aqoon badan oo halgamaaya oo aan u baahnayn dhaqaale uu urursado oo dhaqaale fiicana haysta oo caruurtiisu Jaamacaddaha ka wada baxday misna shaqaystaan, oo waxa uu u baahan yahay tahay inuu umadda kaga tago magac iyo waxqabad taariikhi ah oo hiilkii markii hore aanu ka hiilinayba khalad ayuu ahaa.

Maxaad isleedahay Xukuumadda Siilaanyo way kaga duwanaanaysaa tii Rayaale ee aad aadka u dhaliishay adiga oo awal Wasiir ka ahaan jiray.?

Horta ninkan waan la soo shaqeeyay nin talo qaato muu ahayn waxa aan ku fasiri karaa quraarad madow, quraarad madowna waxa ku jira ma garan kartid, wax walbana waayahay ayuu ku odhanayaa, waxa uu ahaa qof aan qowl lahayn, balana aan lahayn runa aan kuu sheegaynin, waxa uu ahaa qof aanad garanayn waxa uu doonayo inuu ku dhaqmo, waxa uu ahaa qof waxa aad ku balantaan iyo axdiga aad ku balantaan aan marnaba fulinaynin, waxa uu ahaa qof maamulkiisu noqday musuqmaasuq iyo kalidii talis, waxa uu noqday nin burburiyay maamulkiisii jiray oo maxaa sababay mararka qaarkood waxa aad arkaysaa taliye saldhig oo uu isagu magacaabayo, marka uu magacaabayo digrayto kuma soo saarayo ee taliyihii ciidanka ayuu ku odhanayaa taliyaa saldhig hebel u dhiib, dabadeedna taliyihii saldhiga loo dhiibay waxa uu la xidhiidhayaa madaxtooyadda oo kaliya oo aanu amar ka qaadanayn taliskii guud ee jiray ee taagnaa.

Waxa manta sugaya Axmed Maxamed Siilaanyo, maamul Dawladnimo oo baaba’ay ilaa halka ugu sarysa ilaa halka ugu hoosaysa oo aan kala dambayn lahayn, macnaha wuu burburiyay nidaamkii Dawladnimo waxa aan la yaabaa dadka Rayaale, mahad u soo jeedinaya waxan leeyahay mamaba Rayaale, mahad malaha, wixii aynu u soo dooranay ee aynu u dhiibanay waxa uu ku noqday cadow baa’biiyay oo maamulkii ku ciyaaray markaa maamul toosan oo kale dambayn leh Siilaanyo, ayaa laga sugayaa, waayo wax burburay oo baaba’ay ayuu u yimid, markaa waxaan qabaa hadii lala shaqeeyo oo uu soo dhiso Wasiiro daacad u ah maamulka oo la shaqeenaya waxaan qabaa inuu ka bixi karo laakiin muddo ayay ku qaadanaysaa, balamihii uu wada qaadayna ma wadda fulin karo waayo waxa meesha yaala ayaa ka badan wixii uu fulin lahaaba.

Waayo dadka waxa gacantooda ka baxday shuruucdii lagu dhaqmayay oo waxay noqotay qof waliba qofka uu ka awood wayn yahay, markaa iyadda oo dhibaatooyinkaasi oo dhami ay jiraan haddana waxa aan qabaa in Siilaanyo wax badan toosin doono oo uu noqon doono qof waayeel ah oo tallo qaata, waayo durba waxa uu bilaabay taladii iyo la tashigii iyo nidaamkii, waana nin magacdoonaya isaga ooh ore magac u lahaa, nin Qabiil ahna maaha Siilaanyo, waxaanan qabaa inuu Siilaanyo, yahay nin Oday oo wax qaban karaya, laakiin Siilaanyo, laftiisa waxa ku xeeran rag badan oo haddii uu Wasiiro ka dhigo beelo Somaliland ah ka cadhaysan kara, markaa waxaa la doonayaa inuu halkaa lafteeda aad uga fiirsado dadka uu Wasiiradda ka dhigayo ay noqdaan kuwa dadka Somaliland u dhexdhexaad ah.

Ismaaciil waxaad ka warantaa dareenkaadu sida uu ahaa maalintii Xoghayaha UDUB Jaamac Yaasiin iyo Guddoomiyihii Ololaha Doorashadda ee Xisbigaasi Komishinka ka codsadeen in aan lagu dhawaaqin natiijadda Doorashadda, maadaama oo aad KULMIYE tahay.?

Aniga dareenka ay ii samaynaysay waxa ahayd, waxani waxa uu ka mid ahaa waxyaabihii qasida ahaa ee Rayaale, doonayay inuu ku qaso kuna burburiyo Doorashadda markii uu arkay in guushii laga leeyahay, wuuna ogaa in laga helayo doorashadda laakiin waxa uu ku dadaalayay sidii uu u boobi lahaa, waayo waxaa jir tay Kaadhadh gaadhayay ilaa 70,000 oo kaadh oo Gobolka Awdal ah ayuu gacanta ku haystay oo uu doonayay inuu ku shubto, gobolada barriga qaarkoodna kaadhadhka dadka waa laga urursaday, kuwaana waxa badbaadiyay dhalinyaradii iyo fikirkii wanaagsanaa ee axsaabta kale keeneen ee ahaa in la iswaydaariyo wakiiladda komishinka, hadii taasi dhici lahaydna isaga ayaa ku guulaysan lahaa inkastoo oo guushu ahayd mid aan isaga ILAAHAY u qorin, sannadana ILAAHAY waxa uu uga qoray Axmed Siilaanyo, inuu manta helo.

Markaa hadalkaa Cismaan Hindi iyo kuwa kale waxa uu ahaa rafadkii uu ina Rayaale, rafanayay waayo waxa la yidhi wanka ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, markaa gawricii u dambeeyay ayuu kaasi ahaa ee ay doorashada ku carqaladaynayeen, talo iyo wax ay ka wada heshiiyeen iyo go’aan ay wada gaadheena wuu ahaa, ka noqoshadii Rayaalena, fulaynimo ayay ahayd, go’aankii hore ee uu gaadhay bulshadii caalamka ee ka soo qaylisay iyo guuxii halkan ka bilaabmay baqasho awgeed ayay kaliftay inuu wixiiba ku dafiro oo uu yidhaahdo anigu shaqo kuma lihi.

Marka laga yimaado eeda aad u jeedisay, go’aanka uu qaatay Madaxwayne Rayaale, miyaan la odhan karin waa mid geesinimi.?

Horta siyaasadda dad badan ayaa si munaafaqad ah uga sheekeeya anigu si waadix ah ayaan uga sheekeeyaa wax alaale wax ka jiraa ma jiraan dadku inuu gacantiisa ku burburo muu diidanayn oo wuu ku tallo-galay ee waxay ka suurtoobi-wayday shacabka reer Somaliland inay gacantiisa ku burburto midhka xaqiiqda ahna waa sidaa.

Maxaad u malaynaysaa inay sababtay inuu guuldaraysto Xisbigii talada Dalka hayay ee UDUB guuldaraysto oo laga badiyo.?

Waad ogtihiin Xisbiga UDUB dadkii la soo halgamay ee la soo dhisay ee aan aniga oo Xisbiga ku jiray aan ka mid ahaa waa dadkii uu khaarajiyay ee uu ka saaray saaxada siyaasadeed, intii aanu anagu la shaqaynayaynayna muu ahayn nin sedan u sii qaloocan oo waxa uu ahaa nin dhowrsoon lakiin inuu soo wato dareenkiisu wuu jiray markaa waxa uu meel mooday oo uu wax ka dhigtay Cawl,Ciro,Cismaan Hinddi iyo rag aan intooduba aanay Xisbiga aabo u ahayn, wakhtigii Doorashada ee la soo doortayna aan halkan la soo galin oo aan lahayn awood iyo karti ay wax ku soo saaraan inay dhibaato iyo dariiqa xun ku hogaamiyaan mooyaane ayuu isagu doortay taasina waxa ay kaliftay inuu kursigii ku waayo siyaasadiisiina ku xumaato markaa sababta uu ku waayay waa ragayagii sidaa ahaa ayaa ka tagay xitaa marka lagu daro Xoghayihii geeriyooday, guul darada waxa u keenayna waxaas ayaa ka mid ah.

Waxyaabaha kale ee sababay in Madawayne Rayaale, Xisbigiisa laga guulaysto shirkii golaha dhexe ee loo diiday Aniga iyo Cabdillaahi Darawal, iyo Sandoon, isaga oo isagu gacantiisa ku soo qortay dadkii codaynayay iyada oo dastuurku sheegayo in qofka muwaadinka ah la dooran karo waxna uu dooran karo, waxyaabaha kale ee sababay waxaa ka mid ah inuu isku dayay Gudoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamde Aadan, oo ahaa ninkii noogu mudnaa ee na hogaaminayay wakhtigii Doorashadda Madaxyooyadda uu isku dayay isaga oo isticmaalaya lacagta umadda kursiga ka qaado, mida kale waxaan ku xusuusinayaa inaan ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku dhaartay inaanu Rayaale, Doorashadan helayn.

Ismaaciil, maadaama oo aad Madaxwayne Rayaale, aad muddo la soo shaqaynaysay hogaamiye noocee ah ayaad ku sifayn lahayd .?

Waa runtaa Daahir Rayaale, Afar Sannadood ayaa la soo shaqaynayay oo Wasiirkiisii Daaqiliga ayaa ahaa, haddii aad dib u eegto wakhtigii aan Wasiirka ahaa bal dib u eeg oo waxaad soo heshaa nin Suxufi ah oo la xidhay oo Maxkamadd la geeyay, bal waxaad soo heshaa nin ka tirsan Siyaasiyiintan Axsaabta Mucaaradka ah oo magac leh oo inta Maxkamad la keenay la xidhay intasi oo dhan midna ma dhicin, anagu intii aanu la shaqaynayn nin baqanaya oo toosan ayuu ahaa waxaan qabaa saaristiisii uu anag meesha naga saarayay inay ahayd inuu doonayay inuu minjo-xaabintan sameeyo oo uu dalkan majaro habaabiyo markaa waxaan ku sifayn lahaa nin garan waayay wixii la saaray, waxaanu ahaa dameer sida malab, dameerkuna marka dahab ama malab la saaro magaranayo,Somaliland dahab iyo malab ayay ku shubtay laakiin ina Rayaale, wuu garan waayay taasina waxa ay keentay inuu Somaliland ka soo horjeedsado.

Md, Ismaaciil maadaama oo aad ka mid ahayd Wasiiradii hore ula soo shaqeeyay Madaxwayne Rayaale, iminkana aad ku biirtay KULMIYE, ma filaysaa inaad Xil ka qabato Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.?

Hadii ay Xukuumadan tahay iyo hadii ay Xukuumad kale tahayba waan filayaa inaan Xil ka qabto, waayo waxaan ahay nin muwaadin ah oo xaq u leh inuu ka qabto, dadkuna ay garanayaan.

Mudadii uu shaqada hayay wixii uu qabtay, anigu’se nin ku deg degsan maanta ma ihi, taasina waxa ay u taalaa Madaxwaynaha Cusub ee la doortay cida uu isagu u arkayo inay la shaqayn karaan ee uu isagu soo doorto, inkasta oo raga qaarkii aan filayo haddii uu soo magacaabo rag u dhaxayn kara shacabka Somaliland, lana wada garanayo oo shalay masuuliyiin soo ahaa, waaxaana laga yaabaa in aanan ragga qaarkii aanan ku taageerin haddii ay dhacdo waayo shacabka Somaliland-ba haddi aanay ogolayn markaa mas’uuliyad kasta oo la ii dhiibo iyo cidkasta oo ii dhiibataba waa wax dalku lee yahay,

Maaha wax Axmed Siilaanyo, leeyahay markaa anigu nin ku deg degsanba ma ihi ama olole ugu jira oo daba cararaya ama hunguri hayo.
Buraoonline.com

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Si Aadag uu Beeniyay Warar Been ah oo Saxaafdo Sheegtay

http://www.allaybaday.com/photogallery/cabdicasiis_samaale.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 08.07.10 Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa beeniyay warar saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidhay inuu ka baxay guddi Madaxweynaha la doortay dhawaan magacaabay.

Cabdicasiis Samaale oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in marka horeba aanu xubin ka noqon guddi uu dhowaan Axmed-Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talobixiyaan dhismaha Xukuumadda cusub, wuxuuna beeniyay in isaga iyo kuxigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay ka baxeen guddigaas. “Warkaa Wargeyska Haatuf ku soo baxay waa been, sababtoo ah marka horeba aniga iyo Baashe Maxamed Faaraxba guddiga maanu gelin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. “Waanu ka cudurdaaranay, maadaama aanu nahay Shirguddoonka golaha Wakiillada oo ah golaha hadhow ansixin doona xukuumadda cusub. Sidaa aawadeed, guddigaa maaanu gelin, Madaxweynahana waanu la socodsiinay, magacyadayadu way ku soo baxeen, laakiin kamaanu mid noqon marna, wuuna naga aqbalay,” ayuu raaciyay.

Mar la waydiiyay sababta Madaxweynaha la doortay u cadayn waayay bedelkooda, maadaama ay labadooda magac ku soo baxeen liiska guddigaas oo 15 xubnood lagu sheegay, waxa uu qiray in aanu jirin war dambe oo wax lagaga bedelay guddigaas, balse waxa uu tilmaamay in aanay jirin sabab loo buunbuuniyo guddi talobixineed. “Guddi talo soo bixinaysa in la buunbuuniyo mabay ahayn, makaanu mid noqon, manaanu gelin, wax is diidani ma jiro. Markaa waxaan umadda u caddaynayaa in wax is diidani aanay jirin, wax la isla seegan yahayna aanu jirin. Xisbiga hawl baan u soo qabtay, waanan u qaban doonaa, heerkii aan markii hore ka taagnaana mid ka sareeya ayaan ka taaganahay, labadayaduna daacad baanu u ahayn, una ahaan doonaa xisbiga,” ayuu yidhi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in Madaxweynaha la doortay ka aqbalay ccudurdaarkaa ay xilli horeba u gudbiyeen. “Hawl baanu qaranka u haynaa, taasoo ah Shirguddoonka golaha Wakiillada, waxaanan umadda u caddaynayaa in marka horeba aanaan guddigaa gelin, meel aanu kaga baxnayna jirin,” ayuu yidhi Samaale.

Waxa uu si adag u beeniyay warkaas oo dulucdiisa lagu sheegay in sababo ismaandhaaf jira ay labadaa masuul guddiga uga baxeen, wuxuuna tilmaamay inuu ku faanayo hawsha uu xisbigiisa KULMIYE u soo qabtay, isla markaana wax ismaandhaaf ahi aanu ka jirin xisbigaas iyo guddiyadiisa

Buraoonline.com

Maxaa ka jira Fadeexado Gaadiid iyo Cashuuro lunsiya oo hadheeyay Gobolka Sool?

Laascanood (Buraoonline.com) 08.07.10 Maalmahan ugu dambeeyay ayaa la sheegay inay Gobolka Sool ka socdeen hawlo hanti-lunsi gaadiidka qaranka Somaliland ah, sidaana waxa xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Laascaanood Cabdillaahi Diriye Cilmi.

Taliye-xigeenka Booliska oo shalay u waramayay Idaacadda Horyaal, ayaa shaaca ka qaaday in gaadiid ka mid ah kuwa dawladda laga furay lambarradii sumada u ahaa lahaanshaha xukuumada Somaliland, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu dhex-qariyay gurayaha dhexdooda, halka kuwo kalena uu warku ka sheegay in lala baxsaday. Hase ahaatee, Taliye-xigeenku waxa uu sheegay inay ku jiraan baadhitaan la xidhiidha arrintaas.

Dhanka kalena, wararku waxay sheegeen in kastamada magaalada Laascaanood aanay ka socon wax cashuuro lagu ururinayo sifooyin sharciya, balse taas bedelkeeda lagu qaadayo hab baal-marsan nidaamka sharciga ah. Sidaa daraadeed, mar wax laga waydiiyay Taliye-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Sool Cabdillaahi Diiriye Cilmi, waxa uu sheegay in jiritaanka arrintaasi ay xaqiiq tahay, isla markaana waxa uu tilmaamay in wax-ka-qabashadii arrintaas ay isku khilaafeen masuuliyiinta ciidanka booliska ee gobolkaasi, taasina waxay ku timi sida uu sarkaalkaasi sheegay ka dib markii ciidan loo diray kastamka Laascaanood ay dib u soo celiyeen masuuliyiin ka sareeya oo ciidanka booliska ah.

Inkasta oo Taliyaha Qayabta Booliska Gobolka Sool iyo Maamulaha Kastamka Laascaanood lagula xidhiidhay khadka talefoonka, hadana may suuragelin in wax laga waydiiyo arrimahan.

Buraoonline.com

Qof lagu Dhaawacay Xiisad Colaad oo ka soo Cusboonaatay Deegaanka Ceel-bardaale

Ceelbardaale (Buraoonline.com) 08.07.10 Xiisad ayaa la sheegay inay ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-bardaale oo u dhexeeya Degmooyinka Dilla iyo Gabiley, taasoo inta la ogyahay lagu dhaawacay hal qof.

Sida la sheegay arrintan ayaa dhacday markii koox dablaya ahi ay weerartay qoys deganaa deegaankaasi oo ka soo jeeda gobolka Awdal , kadibna uu halkaasi dagaal dhexmaray raggii qoyskaasi ka agdhawaa iyo dablaydii halkaasoo uu ku dhawacmay Maxamed Barkhad Aadan oo xalay fiidkii la geeyey cisbitaalka Boorama.

Weriyaha Waaheen ee Boorama Cali Ismaaciil Aare‏ oo Ninkan Dhaawaca ah ku boqaday cisbitaalka ayaa sheegay inaanu dhaawiciisu halis ahayn haatana lagu daweynayo Cisbitaalka, waxaanu weriyaha uga waramay sida ay wax u dhaceen, waxaanu sheegay inay abaara 11 kii aroornimo soo weerareen dablaydu, iyaga oo deganaa goobata la yidhaa Gubba oo deegaankaa ka tirsan balse ay  u jilib dhigeen dablaydaasi, muuse sheegin wax khasaare ah oo kale inay goobtaa ka dhaceen.

Maaha markii ugu horaysay ee xiisadi ka soo cusboonaato deegaankaa oo mudaba ay xiisad ka taagnayd balse tani waxay u egtahay in lagu soo beegay xiliga kala guurka labada xukuumadood ee isbedelaya, xaaladana waxa sii xumaynaya iyadoo la sheegay inay xukuumddu ka qaadayhalkaasi ciidankii ku kala dhex jiray.

Sanad ka hor 11 Jul 2009 ayey Xukuumada wakhtigeedu dhamaanayaa  soo saartay Go’aano ku wajahan dagaalada Deegaanda  Ceelbardaale, kadib markii ay Golaha xukuumada  Fadhi  ka yeeshaan maanta colaadan ka soo cusboonaatay Deeganada Ceelbardaal.
Qodobada ay Xukuumadu kasoo saartay Dagalkaasi ayaa u dhignaa Sidan:-


1-    In  dadkii  jid gooyada sameeyey la  soo  qabto  sharcigana la  horkeeno.
2-    In  jiida  laga dhigo  meel  ay  ciidanku  ka hawl galaan kana  reeban wax hub ahna lagu dhex qaaden Bari ilaa Galbeed. In cidii lagu arko  s uruursi hubka laga qaadi doono  sharcigana la horkeeni doono.
3-    In saxaafada masuuliyaddarada samaysay   taalaabo deg deg ah laga qaadaa sharcigana  la  horkeenaa.
4-     Taliyayaasha waxaa la farayaa in ay jiida geeyaan  ciidamo ku  filan  wax  hub ahna  oo aan lagu arag jiida  wax  hub  sita, Masuul kasta  oo  ciidan oo jiida ku sugan awaamiirta uu u fuliyaa sida ay yihiin.
5-    cid kasta oo samaysa Falal, hadal,Qoraal iyo  wax kasta oohurinaysa colaada in la horkeeno sharciga.waxaa  kale oo lagu  sheegay  in Wasiirka arimaha Gudaha Labada taliye ciidan iyo waliba labada  maamul ee Gobolada Awdal  iyo  Gabilay ay sideeda fuliyaan  go’aanka xukuumada.”

Balse qodobadaasi may fulin xukuumadda cusub ayaana ayaa laga sugayaa inay xal degdeg ah ka gaadho xalinta colaadaa dabada dheeraatay.

Buraoonline

Siyaasi Axmed Xaabsade oo Dowlada Cusub ugu Baaqay In si Deg deg ah Wax Looga Qabto Argagaxisada ka soo Cusboonatay Sool iyo Buuhoodle

http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2010/03/xaabsade.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 07.07.10 Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ku baaqay in Xididada loo siibo Jabhad uu ku eedeeyay inay qalalaase ka wado Gobolka Sool SSC, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Md. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa kale oo uu ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay iyo Madaxweynaha cusub ee Ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay, taas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Axmed Siillaanyo.

Siyaasigaasi wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mid ah waraabihinta Somaliland, waxa uu waraysigaas kaga hadlay carqaladayntii goobo ka mid ah meelihii Sanaaduuqdii doorashada la geeyay ee degmooyin ku yaala gobolka Sool.

Su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:- 

 S: Axmed, waxaad ka warantaa aragtidaada la xidhiidha hanjabaado joogto ah oo ka soo yeedha Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo sheegaya inay xoog kaga saari doonaan Somaliland gobolka Sool iyo degmooyinka Sanaag Barri?

J: Waxaan idiin sheegayaa maamulkan Puntland diyaar uma aha inay soo weeraraan Gobolka Sool iyo deegaamada kale ee Sanaag barri iyo Buuhoodle-ba. C/Raxmaan Farroole dagaal inaguma soo qaadayo. Balse waxay inagu shuq-shuqaynayaan in Dhulbahante Somaliland la dagaalamo. Taas ayaa la inooga baahan yahay inaynu ka gaashaamano oo aanay dhicin.

S: Axmed, waxaad la socotay in deegaamo ka tirsan gobolka Sool la carqaladeeyay sanaaduuqdii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay dhawaan, Arrintaasi yaad is-leedahay way ka dambaysay?

J: Carqaladeyntii Sanaaduuqda waxa ka dambeeyay nin la yidhaahdo Baashe Cali Jaamac, oo ka tirsan Ururkan SSC, kaasi ayaa qaskaasi ku lug lahaa, waa in xididada loo siibaa ururkaasi dadka shacbiga ahna lagala soo hadhaa ayaan soo jeedinayaa oo dagaal adag lala galo sidii loo cidhib jari lahaa.Puntland, aragtida aan ururkaasi ka qabno ayaan filayaa iyaguna  inay ka qabaan.

Dadweyaha gobolka Sool waxaad u soo jeedinayaa inay ka fogaadaan oo diidaan ciddii nabadgelyada ay haystaan carqaladaynaysa ee qas kula dhex jirta.

 S: Sidaad, la socoto Isbedel siyaasadeed ayaa Somaliland ka dhacay oo waxa Doorashadii ku guulaystay Xisbiga KULMIYE waxaana Madaxweyne Loo doortay Axmed Siilaanyo, isbedelkaasi siddee ayuu kuugu muuqdaa shakhsiyan?

J: Isbedelkani waa mid khayr qaba oo aan Ilaahay ka baryayo inuu inooga dhigo mid Somaliland u khayr ah ugu horayn waxaan hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan leeyahay Ilaahay ha kugu asturo xilka culus ee aad qaaday.

 Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay dalku  wuu ka burburay dhinaca sharciga oo laguma socdo waxaan u soo jeedinayaa inuu soo celiyo ku dhaqanka sharciga, oo la ilaaliyo xuquuqda qofka, taasna waxa lagu gaadhayaa shareecada diinta Islaamka.

 Siilaanyo waan Hambalyaynayaa waxaan leeyahay waxaad tahay nin soo halgamay oo dalkan iyo dadkan u soo halgamay oo duurka ayaad u seexatay halgankiina waad ku guulaysatay oo Somaliland waa xor, intaas oo dhan waxaad u ordaysay waxay ahayd wax hagaaji, waxaan leeyahay ku dhaqanka sharciga soo celiyo si muwaadinku u helo xuquuqdiisa.Dawladaaduna ha noqoto mid la fahmi karo.

 S: Md. Xaabsade sidee ayaad u aragtaa Guddida uu Madaxweynaha cusubi u xil saaray inay kala soo taliso qaab dhismeedka iyo tirada Xukuumada cusub, maxaadse’e adigu u soo jeedin lahayd inay xukuuda Siilaanyo noqoto?

 J: Anigu waxaan odhan lahaa Jees baynu nahay oo dal yar oo curdin ah ayaynu nahay sidaasi darteed, dawlad yar baynu u baahan nahay reero Wasiiro la siiyaa waxba anfici mayso ee waxa loo baahan yahay dawlad xul ah oo kooban oo ay ku jiraan dad mudakar ah oo wax qaban kara.

Buraoonline.com

Shirkadda Dahabshiil Door Intee Leeg Ayay Ka Qaadataa Waxbarshadda Dalka 

http://ifinanceexpert.files.wordpress.com/2010/03/4450564680_d093d853d5.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 07.07.10 Shirkadda Dahabshiil oo sidii aynu horeba u soo sheegnay door muhiim ka soo qaadatay horumarinta dalka, iyadoo kaalmooyin iyo caawimooyin lacago badani ku baxeen gelisay dib-u-dhiskii adeegyada bulshada ee burburay, kuwaas oo ilaa hadda qaarkood ay gacanta ku hayso.

Adeegyada lagama maarmaanka ah ee shirkadda Dahabshiil gacanta ka gaysatay ee ay ilaa maanta wado waxa ka mid ah waxbarashada oo ah meelaha taageerada ugu wayn ku bixiso, iyadoo ka qaybqaadatay dhismayaasha dugsiyada iyo jaamacadaha oo qaarkoodna dib-u-dhis lagu sameeyey, qaar kuwo cusub loo dhisay, qalabaynta goobaha waxbarashada, kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta macalimiinta iyo weliba arday fara badan oo ay ka bixiyaan lacagta waxbarashada.

Goobaha waxbarashada ee shirkadda Dahabshiil sida wayn u taageerto waxa ka mid ah Jaamacadda Hargeysa oo ay wax ka bartaan arday tiradoodu ka badan tahay 3500 (saddex kun iyo shan boqol) oo arday, waxaanay shirkaddu tan iyo markii la aasaasay Jaamacadda Hargeysa ay ka qaybqaadanaysay dadaaladii dhidibada loogu aasayey, taas oo ilaa waqtigan ay wado.

Haddaba, Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa, ahna Hormuudka qaybta waxbarashada iyo arrimaha ardayda Mr. Mubaarik Ibraahim Aar, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida shirkadda Dahabshiil uga qaybqaadato waxbarashada jaamacadda, isagoo xusay in jaamacaddu xidhiidh aad u fiican la leedahay shirkadda Dahabshiil oo u fududaysay hawlo badan oo kala duwan, kuwaas oo qaarkood culays wayn jaamacaddu kala kulmi lahayd.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo ugu horreyn ka waramayey xidhiidhka ka dhexeeya jaamacadda iyo deeqaha joogtada ah ee ay siiso, waxa uu yidhi; “Jaamacadda Hargeysa ilaa markii la aasaasay iyo shirkadda Dahabshiil xidhiidh fiican baa ka dhexeeya, runtii waxyaabo badan ayey shirkaddu la qabatay jaamacadda, ugu horreyn waxa jirta deeq gaar ah oo shirkadda Dahabshiil siiso jaamacadda sannadkii. Waxa kale oo Dahabshiil ka bixisaa lacagta jaamacadda arday tiradoodu gaadhayso ilaa toban, laakiin waxay noo sheegeen inay wixii dambe arday badan ka bixinayso lacagta, taasina waa mid shirkadda Dahabshiil si gaar ah iskaga xilsaartay in ardayda jaamacadda inta baahan ay wax ka bixiyaa.”

Mr. Aar waxa kale oo mar uu ka hadlayey dhismayaasha Dahabshiil u dhistay jaamacadda waxa uu yidhi; “Waxa kale oo mudan in la xuso dhisme markii hore loogu talogalay inuu noqdo makhaayad wax laga cabo, laakiin markii dambe aannu go’aansanay in laga dhigo dhismaha maamulka, taasi waxay keentay in aannu shirkadda Dahabshiil kala hadalno sidii ay u hagaajin lahayd, una samayn lahayd qalabayn iyo xafiisyo, shirkaddu way naga aqbashay, waanay hagaajisay iyadoo xafiisyo ka dhigtay oo kala googaysay, qayb kale oo dhisme cusub ahna way noogu dartay. Dhismahaasi runtii waa mid aad u qurux badan oo bilicsani ka muuqato, shirkadda ayaana ku ammaanan.”

Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacaddu waxa uu sheegay in shirkadda Dahabshiil u qabato jaamacadda hawsha ugu culus oo ah dhinaca xisaabaadka, gaar ahaan bixinta lacagta ee ardayda iyo mushaharka macalimiinta.

“Shirkadda Dahabshiil waxa kale oo ay u qabataa jaamacadda Hargeysa hawl aad u muhiim ah, taas oo ah in ardaydu lacagta laga qaado ku bixiso shirkadda Dahabshiil, kadibna waxa ardayda la soo siiyaa warqad caddayn ah oo jaamacadda loogu kaydiyo, hawshaasi waa mid aad u ballaadhan oo 3500 arday oo jaacadda dhigta laga yaabo inay maalmo gudaheed ku bixiyaan halkaasi. Shirkaddu si hagar la’aan ah ayey ugu shaqaysaa, waxaana intaa dheer macalimiinta jaamacadda waxa mushaharka lagu siiyaa shirkadda, halkaas ayey ka qaataan iyagoo xisaabaad gaar ah leh, iyadoo wax allaale wixii xisaabaad ah ee jaamacaddu leedahay ay ka furan yihiin Dahabshiil.

Arrimahaasi oo ah qaar aad ugu muhiim ah jaamacadda waxay tilmaamayaan sida hagar la’aanta ah ee shirkadda Dahabshiil wax noola qabato dhinac kasta marka laga eego, runtiina waanu ugu mahadnaqaynaa inay wax badan la qabato hay’adaha waxbarashada iyo gaar ahaan jaamacadda Hargeysa,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Mr. Mubaarik Ibraahim Aar.

Buraoonline.com

Taliyaha Ciidan Booliska Somaliland Oo Dadwaynaha Ku Wargaliyay Inay Soo Sheegaan Wixii Hanti Dawladeed Ah Ee Si Sharci Daro Ah Loo Haysto Wakhtigan Kala Guurka Ah

Hargeisa (Buraoonline.com) 07.07.10 Taliyaha ciidank booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ugu horayn waxa uu mahadnaq balaadhan u diray shacbiga Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen booliska wakhtigii doorashada iyo haatanba.

Waxa uu sheegay mudane Saqadhi Dubad in cadawga Somaliland eek u guul daraystay waxyaabihii uu maaganaa aanu wali rajo dhigin loona baahan yahay in dhamaan meel looga soo wada jeesto. Waxaanu ka codsaday dadwaynaha inay soo sheegaan sidii ay awalba samayn jireen cid walba oo ay ka shakiyaan.

Dhanka kale waxa uu ka waramay Mudane Maxamed Saqadhi Dubad in wakhtigan isbadalku jiro, ee xukuumada cusub la doortay inay dadka qaar ku hamiyayaan inay wax xadaan. Oo ay hantida dawlada si sharci daro ah ku qaataan, Sida gaadiidka.

Sidaa daraadeed waxa uu taliyuhu sheegay in waxa is badalayaa aanay ahayn xafiisyada iyo gaadiidka ee ay shakhsiyaad uun is badali doonaan. Waxaanu ku tilmaamay cidkasta oo falka noocan ah ku kacdaa inay dhaqaalaha wadanka curyaaminayso.

Ugu danbayntii taliyuhu waxa uu xusay in uu jiro sharciga gaadiidka dawlada ka yaala ee ah in la xareeyo baabuurta dawlada 6 fiidnimo haday gaadho, marka laga reebo kuwo ruqsad sita, sida kuwa biyaha , laydhka, ambalaaska IWM. Waxaanu ka codsaday dadwaynaha inay kala shaqeeyaan hirgalinta sharcigaas.

Buraoonline.com

Hadaynu Sirdoonkeena tababar Meleteri siino ma inoosoo aargudi karaan

 
Article (Buraoonline.com) 07.07.10 Damiir cumo ka weyni ma jirto markaad qof qabiil ku dishid ama ku necbaatid inagoo og inaan qofku qabiilka uu yahay aanu dooran ee ay tahay qadar eebe.hadaba xigmad yarayaasha ubadheedhay inay dadkeena dhibaatooyin kala duwan oo badan ugaystaan ee weli aan gefkoodii la tusin waa waxa keenaya inaan cidina inaga baydhin.
 
Kuma beskanayno Abu nadaaraa la dhirbaaxay iyo Cabdi Xooshbaa raaligelin bixiyey,Cali samatarbaa nin keligii dacwadiisa ubadheedhay,hadii midnimadu sahashey in SNM jilbaha udhigto dibloomaasiyad iyo dagaalba dawladii bariga africa layska eegi jiray,wax ka weyn baynu qaban karnaa.
 
Qadiyadeenu waxay maraysaa sidii madawga loo necbaa wadamada galbeedka,ama yuhuuda loo xasuuqay,nin lagu seexdaw ha seexan.
 
Waynu ognahay ninkastoo dembi inaga galay iyo meesha uu joogo,markaa waxaa inoo banaan laba arimood,mida hore waxa weeye inagoo konton qof oo sirdoonka qaranka ah siina tababar melateri iyo kharash kufilan maadaama ay wadankay tagaanba ka heli karaan qalabka ay ubaahan yihiin,weliba tani waxay aad waxtar uleedahay wadamada deriska oo ay dembiilayaashu yimaadaan ama degan yihiin iyagoo xitaa usoo jiidi kara xaga soomaaliland.hadii aynu ubadheedhayno in laynoogu yeedho dawlad argagixiso ah hadiiba hawlgal dhicisoobo.
 
Waxaad ogaataa in aan argagixiso laguugu yeedhayn hadii dawladaha kale ay dani idinka dhaxayso,dublamaasiyadaaduna wanaagsantahay,iyadoo habkan caalamkoo dhan laga isticmaalo waana waxay kusoo caano maashay dawlada yuhuudu
 
dawlada maraykanku bilaash hub iyo lacag uma siiso yuhuuda,danta ay ka leedahay waxa weeye inay yuhuudu hor taagnaato wadama bariga dhexe,yuhuuduna waxay markasta ubaahantahay walaal ka weyn.dawlada iitoobiya dani uguma jirto soomali weyn,markaa waxaynu odhan karnaa somaliland iyo iitoobiya waa isku dan.
 
Tan labaad ee aynu yeeli karaa waxa weeye inagoo hab sharci ah ku aargoosana,waxaynu ubaahanahay in wasaarada cadaaladu gooni ugu xil saarto toban garyaqaan oo takhasus gaar ah leh.garyaqaanadani waxay joogi karaan wadanka gudihiisa ama si kharashka iyo dhibaatada safarku u yaraado waxaa laga dooran karaa qurba joogta reer somaliland ee aqoonteeda leh.
 
Dawladan kulmisay ee lasoo dhisi doono muhiimadeeda koowaad waxay noqonaysaa difaaca,aqoonsi raadis iyo ilaalinta nabadgelyada,tan labaadna waa in ay la dagaalanto gaajada,jahliga iyo cudurada,waxaynu ka rajaynaynaa TV ay qadiyadeeda ka sii dayso,markaa sidii madaxweynuhu uyidhi kabaha yaan layska bixin.
 
Bashiir Tarabi

Odayaal Waxgarad iyo Aqoonyahan Ku Dhaqan Magaalada Laascanood oo Hambalyo uu Diray Madaxweynaha Cusub Md Axmed Silaanyo

http://www.camaloow.com/Odayaasha%20%20hiiraan.jpg

Laascanood (Buraoonline.com) 06.07.10 Odayaal waxgarad iyo aqoonyahan ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa baaq hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenkiisa cabdiraxmaan saylici waxayna sidoo kale hambalyo taa la mid ah u direen madaxweynihii hore ee somaliland daahir rayaale kaahin iyo ku xigeenkiisa axmed yuusuf yaasiin iyagoo ku amaanay sida gaasinimada leh ee ay bulshada somaliland u horseedeen dumuquraadiyad aysan gaadhin qaybo ka mid ah dawladaha africa

odayaasha ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay komishinka qaranka sida waafiga ah ee uu xilkiisa ugu gutay cadaalada waxayna odayaashani ku dheeraadeen in madaxweynaha cusub uu fuulay xil culus kaasoo looga baahan yahay inuu u cadaalada sameeyo dhamaan bulsho weynta reer somaliland kana rumeeyo balanqaadadii faraha badnaa ee ku xusan barnaamijkiisa siyaasadeed waxay sidoo kale xuseen in xil wareejinta lagu daro 2 percentage gobolka sool oo uu wasiirka maaliyadu sheegay inuu hayo kaas oo aan looga faaiidayn gobolka

ugu danbayntii shirka odayaasha oo uu soo agaasimay cabdi cabdilaahi liibaan oo xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa gogol dhigiisu ahaa hambalyo ay waxgaradka iyo aqoonyahakani ay u dirayaan madaxweynah la doortay ee somaliland iyo ku xigeenkiisa iyagoo ugu duceeyay in rabi u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday

Buraoonline.com

Puntland oo ka Faa’iidaysatay Doorashadii lagu mashquulay iyo Dareenka Shicibka gobolada Barri

http://www.somalilandtimes.net/sl/2007/304/captured_vehicles_puntland.jpg

Laascanood (Buraoonline.com) 06.07.10 Xukuumadda Puntland ayaa ka faa’iidaysatay mudadii ay Somaliland ku mashquulsanayd ololihii Doorashadii madaxtinimada, iyadoo soo faro galisay qaybo ka mid ah gobolada bariga, gaar ahaana buuhuudle iyo Sanaag bari.

Wafti uu hogaaminayo  madaxweyne ku-xigeenka Puntland ay u badnaayeen masuuliyiin ka soo jeeda SSC, ayaa waxay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayaa Jigjiga oo ah xarunta Kililka 5-aad ee Soomaalida Itoobiya.

Waftiga ayaa la kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya,iyo masuuliyiin ka tirsan madaxda Soomaalida ah ee halkaas ka taliya, waxayna ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid tahay arintii dhowaan ka dhacday magaalada Buuhoodle ee keentay in dagaal dhexmaro ciidanka Itoobiya iyo dadka reer Buuhoodle, kaasoo markii danbe keenay in Itoobiyaanku kaxaystaan gawaadhi laga leeyahay deegaankaas, balse hada oo loo fasaxay dadkii lahaa, arintaas oo ay masuuliyiinta Puntland sheegeen inay iyagu ka shaqeeyeen, oo ay Itoobiyaanka ka soo daayeen gawaadhidaas

“Waxaan ku guulaysanay in nalaku wareejiyo 10 gaadhi oo ku kala sugan meelo kala duwan oo Itoobiya ah,waxaana kaxaysan doona dadkii lahaa dhowaan,waxaana kaloo aan Itoobiya isla meel dhignay in  si wadajir ah ay Itoobiya iyo Puntland uga hortagaan qolyaha fidnada abuuraya ee ka jira deegaankaas, kuwaasoo ah jabhada qaska ka wada Buuhoodle iyo dhamaan dhulka SSC” Sidaas waxaa sheegay wasiirka kaluunka ee Puntland Faruur oo u waramayey Afnugaal.

Waftigan ayaa waxa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samed Cali Shire ,Wasiirka Amniga Yuusuf Axmed Kheyre, wasiirka kaluumaysiga Maxamed Faarax Aadan(Faruur) iyo xubno kaleba,waxaana lagu wadaa inay Puntland dib ugu laabtaan maalmaha soo socda.

Arrintani waxay muujinaysaa sida ay Puntland u doonayso inay kasbato dadka gobolada bariga ooh ore uga naf waayey, maalmahana waxa kale oo jiray wefti kale oo ku sugan bariga Sanaag oo sheegay inay maamul ka dhisayaan degmooyinka Badhan iyo Dhahar.

Dhinaca kalena kooxada SSC ayaa madaxweynaha cusub ee Somaliland ku tilmaamay inuu soo nooleeyey Magacii SNM, waxaanay ku baaqayeen maalmahan in laga hor tago. Hadaba xukuumadda cusub waxa la gudboon inay degdeg uga hor tagto farageinta Puntland.

Buraoonline.com

Wasiiro iyo Masuuliyiin ka Tirsana Dowladi Hore oo La Sheegay Inay Dalka Baxsad kaga Dhoofayaan

http://www.xisbigaudub.com/wp-content/images/2010/03/Kayse-Cali-Geedi-5.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 06.07.10 Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad iyo wasiiro ay ka mid yihiin, wasiirkii Maaliyada, Cawil Cali Ducaale, caafimaadka, Axmed Cali Casoowe iyo warfaafinta, Axmed X.Daahir Cilmi, ayaa la sheegay inay toddobaadadan dambe  ku hawlanaayeen qorshe ay ku doonayaan inay dalka ka dhoofaan ka hor inta aanay dhicin xaflada ay xilka kula kala wareegayaan madaxweynihii hore, Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filayo inay dhacdo bishan gudaheeda.

Siday Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow xukuumada talada wareejinaysa, taliyaha bileyska, Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa toddobaadkii hore wuxu ku noqnoqonayay qunsuliyada dawlada Ethiopia ku leedahay Hargeysa, isagoo la sheegay inuu ka codsaday in la siiyo Visa uu dalka kaga dhoofo, hase ahaatee waxa arrintaasi gaashaanka ku dhuftay masuuliyiinta xafiiskaas oo u sheegay inuu sugo intay dhaceyso xaflada xil wareejinta labada madaxweyne.Taliyaha bileyska, Saqadhi Dubbad ayaa la sheegay in bixitaankiisu ku jiheysan yahay Imaaraadka Carabta.

Wasiirada Warfaafinta, Maaliyada iyo Caafimaadka ayaa iyagana wararku sheegayaan inay damacsan yihiin inay dalka ka dhoofaan ka hor xaflada xil wareejinta, inkastoo aan si rasmi ah looga war hayn wadamada ay u dhoofayaan, balse waxa la sheegay inay u dhoofayaan wadamo ka mid ah Yurub.

Madaxweynaha xilka wareejinaya, Daahir Rayaale Kaahin ayaa isaga laftiisu sheegay inuu dalka ka dhoofayo si uu carruurtiisa wakhti ugu helo, waxanu sidaasi ku sheegay mar uu Jimcihii hore la hadlayay idaacada BBC-da laanteeda af Somaliga, barnaamijka falanqeynta Jimcaha.

Dhinaca kale masuuliyiin ka tirsan xukuumada ayaa la sheegay inay qaarkood xaraashayaan gawaadhidii ay ku shaqeyn jireen kaddib markay ka fureen numberkii calaamada dawlada ee GT-ga.

Wasiirka Maaliyada,Cawil Cali Ducaale,Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada, Axmed Daa’uud, agaasimaha maamulka lacagta TV-ga qaranka, Xasan Maxamuud, ayaa la sheegay inay xaraash u diyaariyeen gawaadhi dawladu leedahay oo ay ku shaqeynayeen.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada gawaadhida masuuliyiintani xaraashayaan haddana siday Haatuf u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, 2 xaajiyadood iyo Surf yaala guriga agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada, Axmed Daa’uud, Land cruiser iyo Surf yaala guriga wasiir Cawil iyo gaadhi uu leeyahay agaasimaha maamulka lacagta ee TV-ga qaranka, Xasan Maxamuud, ayaa ka mid ah gawaadhida la sheegay in la xaraashayo.

Buraoonline.com

HAMBALYO HAMBALYO SHACABKA SOOMAALILAAND HAMBALYO.‏

HAMBALYO HAMBALYO
SHACABKA SOOMAALILAAND
IYO DOWLLADDA CUSUBA.
KOMIISHANKA IYO CIIDANKA
QARANKA EE SOMAALILAAND.
BY. ISMAIL ABDI JIIR.

 
Article (Buraoonline.com) 04.07.10
Aniga oo ku hadlaya Magaca Guddidda fullinta Ee Uk, iyo taageerayaasha kulmiye ee uk
waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa M/weynaha soomaalilaand Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo M/weyne Xigeenka Cabdiraxmaan cabdilaahi ismail (saylici), Ee dhowaan la doortay, Waxa kalle oo tahniyad iyo billad sharaf mutaystay
Komiishanka qaranka Soomaalilaand oo runtii qabtay doorosho xor iyo xalaal ah oo ahayd
doorosho in badan ay sugayeen shacabka S/laand si ay ugu muujaan dareenka isbedal ee
ay umaddu in badan sugaysay ama ay u oomaneyd oo shacabku ay u codeeyeen si huffan
oo billaa turxaan ah soonna jiitatay indhihii caalamka korna u qaaddey maqaamkii s/laand
shacabkunna waxa ay leeyihiin hambalyo aan lasoo koobi karrin, Waxa kalle oo hambalyaddaa lawadaaga Ciidanka qaranka s/laanad iyo taliyayaashoodda uu ugu horeeye
jen Nuux taanni, oo runtii aan la ilaawi karrin sidda wanaagsanayd ee ay doorashada ugga
qayb qaatteen iyaga oo sugay amaanka dalka gebi ahaantii, ciidanka qaranku waxay ka
hawlgalleen goob kasta oo ay codeyni ka dhacday, waxay ulla shaqeyyeen komiishanka
qaranka si huffan iyagga oo u quus gooyey cidkasta oo isku dayi lahayd inay abuurto
xasiloonaan daro iyo murran lagu ciideeyo guushha soomaalilaand.
 
Waxa kalle oo amaan leh Labaddii musharax ee lagga guulaystay oo si wanaagsan u
haniyeeyey unna hogaansamay natiijaddii kasoo baxdey komiishanka qaranka Muddane
Daahir riyaalle kaahin iyo kuxigeenkiisa Ahmed yuusuf yaassiin, iyo Faysal ali waraabe iyo
ku xigeenkiisa Mahamed rashiid, way ku amaanan yihiin siddaa wanaagsan ee ay ugu
hogaansameen natiijaddii komiishanka waxaanay soomaalilaand ka muddan yihiin Sharaf
iyo ixtiraam dheeraadda.
 
Waxa aan halkan ka caddeynayaa haddaanu nahay xisbigga kulmiyye in aanu u dhaqaaqi
doonno dhinaca waxqabadka oo aanu taageeraddii xisbigga xag dhaqaalle iyo xag la talinba
aanu la garab taaganahay dowlladda cusub, Waxaannan ka codsanayaa ummadda reer
soomaalilaand in ay u jihaystaan dhinacca horumarka dalka oo lagawada qayb qaato taageeradda dowladeenu inoogga baahantahay haddaynu nahay qurba joogga somaalilaand
wax badan ayeynu tari karnaa shacabkeenna iyo dowladeenaba waxaanan  rajeynayaa
baccda hanbalyadda iyo bogaadinta in dowladda cusubi inoo soo dhigto qorshe dhaqaalle
oo qurba joogu ka qayb qaataan dhamaantood dowladdunna ummadda u noqoto hooyo
iyo aabbo oo ay isku si usoo wadda dhoweyso waxna ugu qabato mid u codeeyey iyo
mid aan u coddeynba, xisbiyadda kallena ay ixtiraam iyo sharafta ay muddan yihiin siiso.
 
Ugu danbeyn M/weynaha Cusub iyo Ku xigeenkiisa waxaan illaah ugga baryayaa inuu
ku guuleeyo una fududeeyo xilkaa addag ee ay ummadu u igmatay, oo ay inoo dhisaan
dowlad tiro yar oo tayo baddan, in ay fulliyaan balanqaadyaddii ummadda ay u qaadeen
Illaahayna ha u fududeeyo oo haku guuleeyo Aammiin.
 
SHACABKA SOOMAALILAAND GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUULL.
 
ISMAIL ABDI JIIR.
XUBIN GUDDIDDA FULLINTA UK.

Jaaliyada Ireland oo hambalyaynaysa madax u weynaha la doortay.‏

 
 
Hambalyo (Buraoonline.com) 04.07.10 Intaa kadib,hadaan anigu ugu horeeyo,habeenkii lagu dhawaaqay guusha xisbiga kulmiye salaadii cishe
umaan baahan inaan dhulka cuskado markaan kacayo oo waxaa i qaadaysey farxadii guusha aanu wakhtiga badan sugeyney.inkastoo aanaan dhulkii soomaaliland joogin,kala durugsanahayna qofwaliba dhiniciisuu u afdhuunyaaleeyey farxad darteed.
 
Dhamaantayo hadaanu nahay Dadka aad madax u weynaha unoqotay ee ku nool Ireland waanu idiinsoo hambalyaynaynaa,waxaanuna kuugu soo ducaynaynaa in ilaahay idiin fududeeyo xilka culus ee aad qaadeen.
 
Bashiir Tarabi
bogleh69@gmail.com


TV GA UNVERSAL WAXA UU LA MID YAHAY KII 1988 EE XAMAR KA HADLI JIRAY

http://im.in.com/connect/images/profile/b_profile5/Universal_TV_300.jpg

Article (Buraoonline.com) 04.07.10 waxa uu istaahilaa in laga manooco  somaliland tv unversal ee afsomaliga ku hadla kana fog dacad

nimada iyo dhex dhexaad nimada, waxa anu ka codsanaynaa shacabka somaliland iyo dowlada

cusub ee uu maxwayna ka yahay mudane siilanyo in ay ka manoocdo tv ga unversal qalad ka

iyo gafka uu ku hayo umada somaliland isaga oo cadowga somaliland teegara si dadbana qaranka

somaliland u la dagalamaya ,kana baxay xeerkii saxafada iyo milgii  saxafada oo,waxa

uu soo ban dhigaa barnaamij in laga doodo anay hayn ba oo ay ka mid tahay isaga oo teegara

gacan ku dhiiglayaashii siyad bare waa in tv ga laga sara wadanka somaliland meela looga soo wada  jeesta

wabilahi towfiiq

saleebaan maxamuud  dhiidhi

HAMBALYO GUUSHA SOMALILAND‏

Hambalyo (Buraoonline.com)  04.07.10 Waxan hanbalyo iyo farxad leh hawada u marinayaa shacabka somaliland gar ahaan teegarayasha xisbiga kulmiye

ee ku guulaystay talada dalka , waxa kale oo an halkan hanbalyo hawada u marinayaa madaxwayna somaliland

ee ku guulaystay doorashada somalinad mudane  axmed maxamed maxamuud  siilanyo iyo ku xigeenkiisa saylici

 ilahayna waxan uga baryaa

 in uu u fududeeyo xilka uu ku guulaystay manta shacabka somaliland na waxan u rajaynayaa guul iyo barwaaqo

waxa la odhankaraa waa iftiin somaliland manta u soo baxay isbadalkaa yimi ilahay ha inooga dhigo guul iyo barwaaqo

Alle mahad leh

saleebaan  maxamuud  dhiidhi

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo oo Magaacabay Guddi Heer Qaran

DATE: 03/07/2010

http://www.oodweynenews.com/own/pictures/16032.jpg

Ujeedo: Magacaabid guddi.

Ka dib markii uu Xisbiga KULMIYE ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday, haatanna laga eegayo dhismaha dawlad tayo leh. Ka dib markii aan isku qanciyey in ay lagama maarmaan tahay in aan kala tashado qaar kamid ah waayeelka Xisbiga iyo waxgaradka qarankani leeyahay, qaab dhismeedka ay yeelanayso dawlada cusubi. Waxaan goaansaday in aan magacaabo guddidan qaran ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin. Kuwaas oo xilkoodu noqonayo:

v     Soo jeedinta talooyin la xidhiidha qaab dhismeedka dawladda cusub, gaar ahaan tirade wasaaradaha ay ka koobnaanayso xukuumaddu iyo hayadaha madaxa banana ee la abuurayo.

Magacyada Guddida

  1. Muuse Biix Cabdi                              Gudoomiyaha Gudidda
  2. Dr Adna Aadan Ismail                      Gud Kuxigeenka Gudidda
  3. Prof Xuseen Bulxan
  4. Dr Maxamed Siciid Gees
  5. Dr Maxamed Rashiid
  6. Prof Ismail Muumin Aar
  7. Cabdicasiis Maxamed Samaale
  8. Baashe Maxamed Faarax
  9. Dr Maxamed Cabdi Gaboose
  10. Dr Xuseen Maxamoud Xoog
  11. Xil Dr Ahmed Kijaandhe
  12. Eng Maxamed Xashi Elmi
  13. Xil Cabdiraxman Yusuf Cartan
  14. Sheekh Maxamed Ali Gadhle
  15. Muniir Abusite

ALLAA MAHAD LEH

Ahmed Mohamed Silanyo

Madaxweynaha La Doortay ee Jamuuriyada Somaliland

Damashaadki Reer Berbera iyo Guusha Xisbiga KULMIYE

Dadwaynaha,Ganacsatadda, Iyo Qurba Joogta ee ku Dhaqan Magaaladda Burco ayaa u Hambalyeeyay Isbedelka Cusub ee ay Somaliland Maanta Gaadhay 



Burco (Buraoonline.com) 03.07.10 Magaaladda Burco marka aad u sii fiirsato Jawigeeda oo aad dareemaysid in uu ka jiro  isbedel aan hore loo arag Dadweynahana ay ku amaanayaan sida marxalada isu bedeshay Roobab ka da'ay Magaaladda iyo Raxmada ay dareemeen Dadku Miyi iyo Magaalaba ayna ku amaanayeen marka aad u eegto tan Maanta ay gashay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay intii ay jirtay Dowladda Somaliland oo la filayo in ay ka duwan tahay ku wii hore islamarkaa Maanta oo ah Maalin Jimce, ayaa Culimadii iyo Dadweynihii isugu yimi Salaada Jimce ayaa u Duceeyay Isbedelka Cusub ee Dadweynaha Sharafta lihi ay Doorteen.  

http://img704.imageshack.us/img704/8354/war4n.jpg

Shabakadda Buraoonline.com oo waraysi la dhex martay Shacabka Reer Burco,ee ay Ra'yigoodu ka qabaan  Hogaamiyaha Cusub oo ka mida Qurba joogta ku dhex nool iyo Ganacsatada,Siyaasiyiin,Culimadda dhamaantooduba ayna ka dhiibteen odhaahdooda iyo fikirkooda ku aadan isbedelka cusub ee ka dhacay Guud ahaan Dalka Somaliland Gaar ahaan Magaaladda Burco ayaa u dhacday sidan.

http://img808.imageshack.us/img808/384/war1n.jpg

http://img411.imageshack.us/img411/2843/war7g.jpg

Hadaba ugu horeentii waxaanu wareysi la yeelanay Cismaan Cabdillaahi (Cadaan) Gudoomiyaha Qurba joogta Somaliland Waqooyiga Ameerika ee Xisbiga Kulmiye oo ka qayb galay Dorashadda Somaliland mar uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo Somaliland mudo 8 Sannadood ah wax yaabaha kaliftay hadaanu nahay Qurba joogta Somaliland wuxuu yidhi "Madaxweynihii hore ee Somaliland waxaa la doortay Mudo 5 Sanno ah sida umadu ay ka war hayso 3 Jeer ayuu ku kordhistay waxyaaba kalifay Halganka Qurbajooga ama dareenkooda aad iyo aad u balaadhiyay oo aad moodo kuwa Gudahaba in ay ka horeeyeen waxa weeye Dalalka aanu deganahay waxa uu leeyahay Shuruuc iyo Nidaam qofna kuma xadgudubto qofkii ku xadgudbana Nidaam iyo Dariiq loomaro ayuu leeyahay Guurtidii baa loo kordhiyay Guurtidiina Madaxweynaha ayay u kor dhisay isagiibaa korodhsaday makaa waxaanu ka warqabnay Xaalada Dalka uu marayay haday tahay xaga horumarineed haday tahay Musuqa waxa Dalka ka socday waxyaaba farabadan oo aanu u aragnay in dalkan uu badbaado u baahan yahay ayaa Qurba joogta oo dhan ayaa run ahaantii dareenkaa ku abuurtay islamarkaana ay u huree Maal iyo Codba"ayuu yidhi.

http://img340.imageshack.us/img340/1412/war3f.jpg

Barasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer,Guuleed Daahir Warsame, ayaa isna ka hadlay aragtidiisa ku aadan Isbedelkan Cusub wuxuuna ku bilaabay sidan Ragu hadii ay baratamaan mid uun baa ku dheereeya ee Xisbiga Kulmiye Guusha uu Maanta gaadhay waxaan leeyahay Hambalyo,Hambalyo, waanu u Hambalyeeneynaa Xisbiga Kulmiye laakiinse waxaanu leenahay Codkii lagu xaman jiray Galbeed hadii ay Bari timid waa lawada leeyahay cid qudhi malaha qolo qudhi malaha aanu wada ilaashano Nabadgelyada," Aniisa Saleebaan Cawil,oo iyadana kamida Qurba joota Somaliland ee Dalka u timid Doorashadda ayaa tidhi "waxaan ka imid dalka Norwey magaaladana waxaan joogay ilaa Laba Isbuuc anaga oo taagersanayn Xibiga Kulmiye ilaa iyo halkaa uga nimi la shaqeyntiisa kuna guuleysanay Illaahay waxaan uga baryeenaa inuu noqdo ka dalka iyo Dadka wax u tara waxaana ka rajeynaynaa inuu wax u qabto Dadka jlicsan hoosna u eego," Siciid Cali Raan, kana yimi wadanka Denmark ahaana taageerayaasha Xisbiga Kulmiye tilmaamayna inuu aad ugu faraxsan yahay isbedelka Cusub, Caasha oo kamida Haweemka degan Magaalada Burco waxaanay tidhi aad baan ugu farax sanahay waxayna ila dhigan tahay Maalin Iida, isku soo wada duuboo dhaqaalaha Gobolka Togdheer waa Xoolaha Nool ayaa si farxadleh uga dareemaysaa isbedelka Cusubi oo aad isleedahay si toos ah u dareemaya gaar ahaan Ganacsatada waaween ee Somaliland u dhashay kuna haysta magaalada Gudaheeda Isbadelkan in uu wax ku soo kordhin doono xayiraadna ka saarneyd Dekeda Berbera taa soo ay u xidhnay nin Ajaahnabi ah ay u daba fariisan jireen oo ay maanta Dekedoodii si xor ah ugaga Ganacsan karaan. 

Ugudanbeentii waxaa isna ka dhiibta Ra'yigiisa ee ku aadan Isbedelka Cusub Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Muj, Maxamed Kaahin Axmed, waxaana uu ku bilaabay hadalkiisa "dabcan aniga dareenkeyga wuxuu la mid yahay kan Shacabka Somaliland ayuu la mid yahay dareenka qudha ee la faaleenayaa wuxuu yahay waxa weeye ma aha oo kaliya Xisbiga Kulmiye ayaa ku Guuleeystay oo kaliyee dareenka jiraa wuxuu yahay guusha umada Reer Somaliland ee haysaa waxa uu yahay in Doorashadii 26ka Juun ee ay kaga dhamaatay si nabadgelya ah oo aan turxaan lahayn oo dhibaata lahayn sida aynu lawada socono ay ka marqaati fureen goobjoogayaasha Caalamiga ah anigu shaqsiyan waan u hambalyeenayaa. 

Wariyaasha Buraoonline.com

Wariye Cabdikariin Axmed

Wariye Muse Maxamoud Abyan

Nidaam Iyo Nabad Ayaa Caano La-Dhamo Leh

http://img803.imageshack.us/img803/7155/war6.jpg

Burco (Buraoonline.com) 03.07.10 Waxaan marka hore aan u dirayaa Salaan Guud iyo mid Gaar ah dhamaan Dadweynaha Reer Somalilan meelkasta ay joogaan Guddo iyo Dibadba anigoo ku hadlaya Magaca Dadka ku nool Labada Webi ee (Juba iyo Shabeelle) islamarkaana ah Dadkii ka soo bara kacay Colaadaha qoto dheeraaday ee ilaa iyo imikadaa haysata Koonfuta Soomaaliya, ayaa waxaa halkan idiinkaga cadaynayaa inay Nolosha Binu-Aadamku marka hore ay tahay Nabad, hadii Nabad la helo ayaa Horumar la helayaa oo qof waliba hiigsan karaa halka uu doonayo ama la filayaa in uu gaadho sababtoo ah waxaan ku dhex Noolahay Somaliland Shacabkeeda Mudo 15 Sanno ah ayna jiraan Dad ilamida iyo qaar iga mudo badan ku Nabad qabay.

http://img638.imageshack.us/img638/9163/war5.jpg

Hadaba anigoo ah dadkaa ka soo barakay Colaadaha mudo intaa le'egina aan ku sugnaa Somaliland oo aan meel kale uga bixin ayaa jeclaystay inaan ka hadlo walaaladayda Reer Somaliland Horumarka ay maanta gaadhay aad iyo aad baan ugu Hanbalyeenayaa, Soomaali waxay ku Maahmaahdaa Waali Qof soomaray ayaa laga wareystaa taa soo ay dulucdeedu tahay maadaama aynu nahay Dadka Deegaanadoodii ay ku noolaayeen ay Colaadu ka soo bara kicisay Allaha Awooda leh ee sidaa inoo gartay baa mahadi ku sugantahay iyo Walaaladeena Reer Somaliland oo gartay Nidaam iyo kala dabeyn hadii aaney ahayn Somaliland iyo Shacabkeeda ee gartay Nabada waxay tahay taa soo inoo saamaxday anaga iyo Maatadayada Nabad iyo Caano, inaanu ku noolaano tan iyo nidaamkii iyo Xukuumadihii isdaba joogay ee kala ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo mudan amaan iyo Bilad Madaxweynanime ee sida sharafta leh uga degay Xilka iyo sida sharafta leh ee uu ugala wareegay Hogaanka iyo Madaxtinimadda Somaliland Md,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna ugu Ducaynaynaa inuu Xukunkiisa ku dhamaysto Nabad Allena lagarabgalo Xukunkiisa.

Waxaanu leenahay Somaliland iyo Shacabkeeduba ha Noolaato hana noqdaan kuwii jira ee jooga Cadawgooduna Allaha jebiyo, Caalamkuna waxa aanu leenahay Somaliland waa Dal jira iyo Dad jira weligoodna jiri doona ee hala Aqoonsado maadaama anagoo ah Dadka tiradooda intaa le'eg ee aan la soo koobi karin ayku dhexnoolyihiin awoodana u lahayn hadana weliba haya gartayna walaaladooda dhibka haysta ee Deegaanadoodu Dagaalada iyo Colaada uga soo barakacay nabadna ugu dhexnool.

Hadaba mar labaad waxa aanu Caalamka leenahay Somaliland hala aqoonsado oo yaana cidi lagu xidhin Aqoonsigeeda ee ay kasbatay xaqna u leedahay.

Barakacayaasha, Maxamed Khaliif Muxumed

Buraoonline.com

Burco

Masuuliyiinta KULMIYE oo deeq xoolo ah guddoonsiiyey ciidanka qaranka iyo xarunta agoomaha

SHABAKADA BURAOONLINE.COM IYO SHAQAALAHA OO HAMBALYO BALAADHAN UU DIRAYA MADAXWEYNAHA CUSUB EE MD AXMD MAXAMED MAXAMDOU SILAANYO

TEAM BURAOONLINE.COM

GOOD LUCK IYO HAMBALYO

Halkan Ka Daawo Dabaal Dega iyo Damashaadka Reer Burco oo Aan Caawa Seexanayn (By WaryaTV)

Dabaal Degyo Waaweyn oo Laga Dareemayo  Guud ahaan Magaalada Burco

Burco (Buraoonline.com) 01.06.10 Waxa Ila Xalay Marki lagu Dhawaaqay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Lagu arkayay Magaalada Burco Gawaadhi Samaacado la Saaray oo Heeso lagu Amaanayo iyo Gabayo Lagu Amaanayo Madaxweynaha Cusub ee Mudane AXMED MAXAMED MAXAMOUD SILAANYO.

Waxa kale ee Caawa Ka Jiraan Xaflado waaweyn Hudheelada waaweyn ee Magaalada Burco iyago, Ku kireeyay Bilaash uguna Deeqay Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Burco, 

Sido kale Xafladaha aya Laga Dareemaya, Magaalooyinka Caynabo, Ceelafweyn, Garadag, Ceerigabo, iyo Weliba Magalooyinka Gabiley, Hargeisa, iyo Wajaale.

Waxi war ama Sawiro Nagala socda Buraoonline.com

Buraoonline.com

Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Silaanyo oo Qudbadiisi uu Horeeyay Jeediyay

"Walaalayaal: As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.

Hargeisa (Buraoonline.com) 01.06.10 Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.

Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu  ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.

Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta  khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha  markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda  ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.

Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.

Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.

Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan,haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:

•              Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.

•              Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.

•              Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.

•              Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.

•              Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii  dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.

•              Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.

•              Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada  iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.

•              Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.

•              Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.

•              Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.

•              Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.

•              Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.

•              Waxa guulaysaty nabaddii .

•              Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.

•              Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.

•              Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.

•              Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.

•              Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.

•              Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.

•              Waxa guulaysatay caddaaladda oo  la sugi doono.

•              Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.

•              Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.

•              Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.

•              Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.

Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.

Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.

Allaahu akbar.

Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.

Aamiin eebow.

Salaamu calaykum wa raxmatu laahi."

Buraoonline.com

Komishanka Doroshooyinka oo Ku Dhawaaqay Natiijadi, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Loo Doortay Md: Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo

http://lhnetwork.files.wordpress.com/2009/08/breaking-news.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 01.06.10 Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa muddo yar horteed ku dhawaaqay natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana Hogaaminta dalka ku guulaysatay xisbiga Kulmiye, natiijada dadka codeeyey ee ay kala heleen xisbiyaduna waxay u dhagnayd sidan hoose:

Xisbiga Kulmiye 266, 906 Cod oo u dhigma 49, 59%.

Xisbiga Udub 178, 081 Cod oo u dhigma 33, 23%.

Xisbiga Ucid 92, 459 Cod oo u dhigma 17, 18%.

Buraoonline.com

Xisbiga KULMIYE oo Sheegay Inay Aqbali doonan Natiijada Doorashada

Hargeisa (Buraoonline.com) 30.06.10 Xisbiga KULMIY, ayaa shaaciyey inay aqbali doonaan natiijada ka soobaxda codbixintii doorashada madaxtyooyadda Somaliland ee sabtiudii dalka ka dhacday.

War-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud, Keyse Xasan, ayaa

shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyay sidii nabadgelyada iyo xilkasnimada ahayd ee ay uga qayb qaateen doorashadii madaxtooyada, wuxu kale oo uu sheegay in ay xisbi ahaan u hogaansami go’aanka ka soo baxa komishanka doorashooyinka qaranka. Waxaanu u qoraa warsaxaafadeedkaasi sidan:

”Mahad Eebe kadib, Xisbiga Kulmiye wuxuu shacbiga Somaliland ku boogaadinayaa sidii nabadgalyada iyo xilkasnimada lahayd ee shacabka Somaliland uga qaybqaateen codeynta doorashada Madaxtooyada ee 26kii Juun ka qabsoontay dalka.

Xisbiga Kulmiye isaga oo ka tarjumaya dareenka nabadgalyo ee shacabku muujiyay, wuxuu ugu baaqayaa in si degan loo sugo inta ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqayso natiijada doorashada.

Xisbiga Kulmiye wuxuu  balanqaadayaa inuu u hogaansamayo go’aanka ka soo baxa Guddiga Doorashooyinka Qaranka”.

Buraoonline.com

Kommishanko Waa Ino Ku Dhawaaqo Natiijada Xalaasha sida ugu deg dega ah!

http://www.timesofmalta.com/media/serve/20100627--095416-wor_04.jpg

Article (Buraoonline.com) 30.06.10 Waxa Dalkeena Ka Qabsoomay Doorasho Xor iyo xalaal ah, in badan aya marba dib loo dhigayay inay Dalkeena Doorasho ka dhacdo, laakin waxaan sugnaba ilaahay ina gaadhsi, waxaana Mahada iska leh Komishanka Muujiyay Xirfad iyo aqoon weyn, waxaanay suuro galiyeen Doorasho aan Africa laga suuro gelin, iyado ay ka soo qayb galeen in Ka Badan 72 Observer International ahi, oo ay ka mid yahin, EU iyo Wadamo aano jaar nahay, waxaanay Qireen markay arkeen sida Nabada ah ee ay uga Dhacday Doorashado, inay ahayd Mid si Xalaal Loo Kala Codeeyay.

Waxa Komishanka Jamhuuriyada Somaliland Kula talin laha, inay sida ugu deg dega badan ugu Dhawaaqan Natiijada Rasmiga ah ee Ka soo Baxday Doorashadan, waxa 3 Maalmod ka Hor ay sheegen inay dhamaystireen 90% Tiradi Codadka Ila Haddana wax Natiijo ah may soo Saarin, waana arrin aad looga xumaado, waa inay Komishanka Dooroshooyinka Shirjaraa'id Ku Qabtaan Kuna Dhawaaqan Natiijada, Haddi kale waxa iman Kara Dhibaatooyin, iyo Is Qabqabsi la isko Dili doono, hadda waxa soo baxaya warar sheegaya in Sanaduuqdi la doonayo in la dhaco, markaas waa inay sida ugu dhakhsaha badan ugu Dhawaaqan.

Jaamac C/Laahi Biime
United Kingdom
London

Wasiirro ka Tirsan Xukuumada Madaxwayne Rayaale oo Komishanku Ku Xidhay Ceerigaabo.

http://radiowarsan.com/web/wp-content/uploads/2010/03/polis1.jpg

Ceerigabo (Buraoonline.com) 30.06.10 Wararka naga soo Gaadhaya Magaalada Ceerigaabo ayaa Sheegaya in Qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Madaxwayne rayaale Lagu Xidhay Magaalada ceerigaabo, Wasiiradaasi oo la sheegay inay Khalkhal iyo faragalin ku Samaynayeen Sanduuqyada Codadka ee Magaaladaasi.

Warku waxa uu intaasi ku Darayaa in Wasiiradani ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Debadda.


Wararkan oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay oo Gabiley news la soo Xidhiidhay ayaa sheegaya in Komishanka Doorashooyinka Qaranku Amarka Xadhiga Wasiiradan Bixiyeen.


Illaa shalay Waxaa soo kordhaya Wararka sheegay in Masuuliyiinta Xisbiga udub Isku dayayaan inay Faragalin ku Sameeyaan Sanduuqyada Codadka ee laga soo Daabulayo Tuulooyinka iyo Goboladda Dalka Somaliland.

Source Gabiley news

Dowlada Britain oo Hambalyo uu Dirtay Shacabka Somaliland iyo Sida Nabadda ay uu Codeeyen

http://scottpruysers.files.wordpress.com/2008/10/dion1.jpg

London (Buraoonline.com) 30.06.10 Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska, Henry Bellingham, ayaa soo dhoweeyey doorashadii Madaxtooyada ee 26-kii June 2010 dalka ka qabsoontay, kaas oo sheegay in ilaa hadda arrintu u socoto si nabadgelyo ah, dulqaadna ay sameeyeen shacbiga Somaliland sida ay uga qayb qaateen xasiloonida Somaliland ka socota sanadahan dambe. Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriisku waxa uu amaanay hawshii khibradu ku dheehnayd ee ay qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay Axsaabta siyaasada Somaliland siddii nabadgelyada ahayd ee ay u ololeeyeen, waxaanu ugu baaqay Axsaabta siyaasadu inay sii wadaan ixtiraamka hanaanka doorashada, isla markaana ay sugaan ilaa iyo inta Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayo natiijada doorashada. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in dawladda Ingiriisku sii wadi doonto sida dhow ee ay ula shaqayso Somaliland xisbigii doonaaba ha ku guulaysto doorashada’e.

Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska, Henry Bellingham isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa doorashada muhiimka ah ee Somaliland ka qabsoontay 26 June 2010, iyadoo geedi socodkii doorashadu uu ilaa imika u socday si nabadgelyo leh, taas oo ka markhaati furaysa hanaanka isdhawrida ee keenay xasiloonida ka jirta Somaliland sanadahan dambe. Waxa xusid iga mudan sida fiican ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku hawshooda u qabsadeen, waxa iyana axsaabta siyaasadu ku amaanan yihiin sida nabadgelyada leh ee ay hawshii ololaha u gudanayeen intii doorashada ka horaysay.

Waxan dhamaan axsaabta siyaasada ugu baaqayaa inay sii wadaan ixtiraamkii ay u hayeen geedi-socodka doorashada, isla markaana ay ka dhursugaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka inta ay ku dhawaaqayaan natiijadii doorashada.

Dalka UK waxa uu damacsan yahay inuu sii wado wada shaqaynta dhabta ah ee ka dhaxaysa Somaliland xisbigii doonaa doorashada ha ku guulaystee”.

Bulshada caalamka ayaa maalmahan u dambeeyey hambalyo u soo dirayay shacbiga Somaliland sida wanaagsan ee doorashadii Madaxtooyadu ugu qabstoontay, taas oo la filayo inay waxtar weyn ka geysato rajadii Somaliland ka qabtay inay Ictiraaf ka hesho beesha caalamka.

Sidoo kale goob joogayaashii caalamiga ahaa ee indha indhaynayay doorashadii Somaliland ka qabsoontay Sabtidii toddobaadkan, ayaa ku tilmaamay inay ahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo gaadhsiisan heer caalami ah.

Buraoonline.com

Breaking News: Gudoomiyaha Wargeyska Saxaafi oo Xabsiga Loo Taxaabay Marko Shaaciyay Tiradi Doorashada


Hargeisa (Buraoonline.com) 30.06.10 Guddoomiyaha wargayska Saxafi ee ka soo baxa magaalada Hargaysa Maxamed Rashiid Cumar,

ayaa saaka xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu qoray natiijooyin hordhac oo ku saabsan doorashadii Sabtidii ka dhacday Somaliland.

Wargayskan oo ka mid ah ah wargeysyada dhawaan ku soo biiray saxaafadda Somaliland, waxa uu soo daabacay cadadkiisii saaka soo baxay natiijooyin hordhac ah oo uu sheegay wargeysku inuu ku guuleystey doorashadii dhacday xisbiga Kulmiye, isagoo soo qaatay tirooyinkii codadkii la dhiibtay.  Hore ayaa guddiga doorashada Somaliland waxay uga digeen in aan laga hadlin natiijada ilaa ay iyagu kaga dhawaaqayaan, waxayna natiijadan hordhaca ah u soo jiidday guddoomiyaha wargayska Saxafi in Xabsiga la dhigo.

Source Togdheernews

Wargeyska Saxaafi ee Ka soo Baxa Somaliland oo Shaaciyay Tiradi Doorashada Somaliland

 http://www.myflorida.com/dbs/images/newspaper_5.gif

Hargeisa (Buraoonline.com) 30.06.10 Mid ka mid ah wergeysyada ka soo baxa caasimadda Hargeysa oo tafatire ka  yahay Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Caalim ayaa si rasmi ah u shaaciyey natiijadda rasmiga ah ee codbixintii doorashada madaxtooyada Somaliland ee 26 June ka dhacday Somaliland

Wergeyska Saxafi oo baal maray isla markaana indhaha iyo dhegaha ka ootay baaqii koomiishanka doorashooyinka qarranku kaga digeen in aan la shaacinin natiijadda codbixinta doorashada madaxtooyada oo maanta oo ugu danbaysay ay ku haysteen shabakadda Golisnews ayaa Wergeyska SAXAFI wuxuu natiijadda codbixinta ku xardhay shaxdani hoos ku taalla
 

 

G.Hargeysa

G.Togdheer

G.Awdal

G.Sanaag

G.Saaxil

G.Sool

UDUB

46,000

23,175

43,000

22,267

15,400

3,990

KULMIYE

102,000

96,793

19,000

42,616

15,150

15,013

UCID

56000

14,520

11,000

7,154

3,296

1,491

Natiijadani ayaa ah mid uu Wergeysku ku sheegay inuu gebi ahaanba ka soo uruuriyey xarumaha tirinta cododka iyo weliba cododkii ku soo xerooday xarunta dhexe koomiishanka doorashooyinka qarranka, wuxuu Wergeyska Suxufi sheegay inuu natiijaddani ka soo dheegay jadwal natiijeedkii ay goboladu u gudbiyeen xarunta koomiishanka ee caasimadda Hargeysa, isla markaana wuxuu wergeyska Saxafi sheegay inuu natiijaddani 100% ku kalsoonyahay.
Buraoonline.com

Koox Qalaanqal Waday ayaa Maanta Xarunta Komishinka Qaranka ee Magaaladda Burco Rabshado Ka Sameeyay

click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 29.06.10  Koox Dhalinyaro ah oo Sheeganayay inay yihiin Munaaqibiinta Xisbiga UDUB islamarkaana sheeganayay inay ka maqan tahay Lacagtii ay ku Shaqeynayeen ee ahaa Mushaharkooda ayaa Qalaanqal ka sameeyay Xarunta Kumishinka Qaranka ee Magaaladda Burco.

Hadaba waxaa la sheegayay in Dhalinyaradaa u shaqaynayay Xisbiga UDUB ayaa la filayaa in ay qaar kalena ay wehliyaan kuwaas oo isku soo bahaystay in ay Footo ka dhaliyaan Xarunta Kumishinka horteeda ayagoo tuurayay dhagaxaan damcsanaa in Sanduuqyada gudaha yaalay ay qaataan ayaa waxaa loo dalbaday Ciidanka Nabadgalyadda ay rasaas ku kala kaxeeyeen Rasaas qaar kood la xidh xidhay qaarna ay baxsadeen waxaana halkaa ay ku bur buriyeen Gawaadhidii meesha taagnaa  islamarkaana ay nabadgalyadiina ay la wareegeen Ciidaamada Amaanka.

click to zoom

Geesta kale ayaa wararka lisla dhexmarayaana ay sheegayaan in Abaabulka dhalinyarada uu ahaa mid ay ka dabeeyaan Madaxda Xisbiga Talada haya ee UDUB uuna ahaa mid qorsheysan markii ay ogaadeen in laga sito xaga Codka Gobolka Togdheer taa soo ay wadnaha farta ku hayaan islamarkaana ay ku kaliftay in waxaba ay xaabsadaan ayaa fara cidi leh lagaga soo gaadhay.

Geesta kale ayaa waxay jirta iyagoo wax la qabay Munaaqibiinta Labada Xisbi ee kale ayaa wax qalaanqal aysan sameynin taa soo  Labadooduba ay ku kalsoonaayeen UCID iyo KULMIYE kii laga helo Doorashada uu saa ku hanenayo.

Wariye  cabdikariin axmed (warside768@hotmail.com)

Buraoonline.com

Burco

Komishanka Ka Waramay Halkay Marayso Tirinti Doorashada waxaano Sheegay in 90% La Dhameeyay

http://boorama.files.wordpress.com/2010/02/komishan2.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 29.06.10 Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise  Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari] ayaa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi doonan natiijada rasmiga ah ee codeysay doorashada madaxtooyada ee guud ahaan dalka ka dhacday 26 June 210,isla markaana waxa uu xusay in ilaa imika tirada codadka la tiriyey ay meel-wanaagsan marayaan oo Gobolada dibada  %90 la dhameeyey, inta hadhayna la de-dejin doono.

Sidaa waxa uu guddoomiye Xamari ku sheegay  Shirjaraa’id oo maanta ku qabtay Xafiiskiisa guddida doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa shirka jaraa´id goob-joogayaal caalami ah oo Somaliland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen hanaanka ay u dhacdo doorashada madaxtooyadu, waxaanu intaa ku daray inay jireen cabashooyin yar  oo warbixintii ay soo saareen goob-joogayaashi caalamiga ahaa  ay ka muujiyeen  oo ah SOOL ama SANAAG-Bari,isla kana wax go’aan ah aan la gaadhin oo ay u taalo xafiisyada goboladaasi.
 
Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari]  oo waxa shirkiisa jaraa’id ku bilaabay oo uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay 28 june, qoladii goob-joogayaasha caalamaiga ahaa waxay soo saareen warbixin, taas oo ah mid wanaagsan oo ka sheekeeyey wixii aynu qabsanay oo qirtay sida uu u dhacay doorashadii Madaxtooyada iyo qaabkii isku soo dhawaanshiyuhu u socday, meelo  yar oo ay cabasho ka muujiyeen ayaa jiray  oo run  ah oo ah  Sool ama Sanaag-Bari, weli meelaha wax go’aan ah kamay gaadhin xafiisyada guddida doorashooyinku .”

Isaga oo hadalkiis si watana waxa uu yidhi“Sanaag Bari  marka la eego oo aan weli wax go’an ahi ka soo bixin degmada ayaa go’aanka leh, anaguna ma doonayno inaanu fara-gelin ku sameyno degmada go’aankeeda”

Md. Xamari waxa shaaca ka qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi doonaan natiijada codeysay doorashada madaxtooyada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Si wanaagsan ayey inoogu socota oo tirintii way inoo bilaabantay oo sanaaduuqda ugu badan waxay yaalaan Magaalada Hargeysa  waa 390-sanduuq, soo uruurintii ayaa wakhti qaadatay iyadu xalay ayaa tirinteeda la bilaabay ilaa saaka ayaa lagu jiray, waxaanu doonayna inaanu sida ugu dhakhsaha badan u soo saarno natiijada,”

“Gobolada kale badidoodu degmooyinkii way tiriyeen [Codadkii], magaalooyinka waa-weyn ayey wax yari u hadh hadhsan yihiin, sida ugu dhakhsaha badana waanu u dedejinaynaa markaanu hubino ee aanu Si fiican isaga hubsano tirada natiijada codeynta soo baxday, wixii muranana aanu xalino.”ayuu yidhi Ciise Xamari.

Guddoomiyaha ka hadlayey Xadhiga Sarkaalka sare  oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ahaana goob-jooge  doorashada madaxtooyada Axmed Xaashi, ayaa waxa uu sheegay inaanay wax shuqul ah ku lahayn cida ay dawladu xidho, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dawladu haday cid xidho annagu [Komiishanka] shuqul kuma lihin,  oo booliska dalka ma nihin , anaguna cid walba u hadli-mayno, waxaanu ka hadlaynay tirinta codeynta doorashada madaxtooyada,”

Doorashadii Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka dhacday 26 June 2010 ayaa magaalooyin Somaliland ka tirsan amaan-daro awadeed aanay codeyntaasi ka qabsoomin, isaga oo arrinta ka hadlayana Gudoomiyaha Komiishanku waxa uu yidhi “Anaga dib u soo celinay XUDUN sanaaduuqdu waxay ahaayeen 21-sanduuq Xudun macnaheedu maaha dadka  way wada diidanaaayeen inay codeeyaan, Magaalada Xudun waxay ahayd meesha laga qeybiyo kow iyo labaatanka sanduuq, markii rasaasta lagu furey gaadhiga cid doonaysay inay carqaladeyso, nafta bini’aadamka ayaa ka qaalisan codka, annaga ayaa ka soo celinay gaadhiga gaadhigiina waxa uu jooga Laas-caanood.”

Maalinta rasmiga ah ee la shaacin doono tirada codeysay doorashada madaxtooyada iyo Xisbiga ku guuleystay hogaanka shanta Sanadood ee soo socda, ayaa waxa uu yidhi “Inta kale oo dhan waxa laga yaaba inay beri [Tirinta codadku] ay diyaar yihiin, Hargeysa weeyaan meesha culeysku saran yahay, culeyska Hargeysana waxaanu isku dayeyna inaanu dar-dargelino,  oo aanay laba ilaa sadex Cisho nagaga danbeyn”

“Waxaan odhan kara  waxa dhamaaday dibada  90% [boqolkiiba Sagaashan]”ayuu yidhi Ciise Xamari.

Guddoomiye Xamari waxa uu sheegay inay natiijada doorashada madaxtooyada ay iyada oo isku wada dhan  markaliya kuwada dhawaaqi doonaan, balse aanay gobol-gobol  u shaacin doonin.

Si kastaba ha ahaate, waxa maalmihi ugu danbeeyey  dadweynaha Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen natiijada rasmiga ah ka soo baxday codeynta doorashada madaxtooyda oo dalka ka dhacday 26 June 2010 , taas oo ay ku loolamayeen murashixiinta sadexda Xisbi Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ahna murashaxa Xisbiga UDUB, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada rasmiga ah ee codeysay doorashada madaxtooyada iyo Xisbiga ku guuleystay Hogaanka Shanta Sanadood ee Soo socota ku noqdo sadexda Xisbi.

Buraoonline.com

UCID ahaan Waxaannu Aaminsanahay in aanu Guulaysanayno, Laakiin Haddii Muj. Axmed-Siilaanyo la Doorto waa Halyey Mudan in la Garab Istaago’Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID 

http://www.somaliweyn.com/pages/news/August_07/Sawiro/Ucid_3.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 29.06.10 Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin inay ku guulaysanayaan doorashadii madaxtooyada ee maalintii Sabtida ka qabsoontay dalka Somaliland, basle waxa xisbiga UCID caddeeyey in haddii bulshadu doorato murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu mudan yahay in la garab istaago, maadama oo dalku u baahan yahay in isbeddel ka dhaco.

Sidaa waxa sheegay xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo xalay khadka telefoonka Jamhuuriya xog-wraran kooban ku siiyey, isaga oo dadweyaha reer Somaliland ku hambalyeeyey sidii fiicnayd ee nabadgelyada ahayd ee ay uga qaybqaateen doorashadii madaxtooyada dalka ka qabsoontay maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 26 June 2010.

“Marka hore waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirodadweynaha reer Somaliland iyo cid kastoo gacan ka geysatay hannaankii quruxda badnaa ee doorashada madaxtooyadu uga dhacday guud ahaanba dalka, guushaasina waa mid u soo hoyatay sumcadda, qarannimada iyo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Annagu xisbi ahaan waxaannu aaminsanahay in aannu ku guulaysanayno doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday, laakiin hadii natiijada kama dambaysta ah ee komishanku ku dhawaaqo uu ku guulaysto murrashaxa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadku doortaan waa halyey mudan in la garab istaago, maadaama dalku u baahan yahay isbeddel dhab ah oo dhinac walba leh oo dalka ka dhaca,” ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta UCID.

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee murrashaxiintoodu u tartamayaan doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku maamuli doono shareecada islaamka hadduu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010.


Buraoonline.com

Burco oo Maanta si Nabadgalyo Ah ay u Codeeyeen Dadweynaha

click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 26.06.10 Waxaa xusid mudan Komishinka Qaranka oo horey u sheegeen in ay ku qabtaan wakhtiga ay u cayimeen Doorashadda Madaxtooyadda ee 26 June 2010, taa soo ay ku tusayso inay dhabowday riyadoodii shacabkana ay u heelanaayeen isbedal dhaba oo xaq iyo xalaalba ah inuu dhaco mustaqbalka dhowna la filayo inay qabtaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka islamarkaana la filayo in ay u dhacaan si xor ah oo xalaal ah, ayaa maanta dhamaan Lixda Gobol ee Somaliland ay Mar qudha iyo Maalin qudha ka dhacayaan Codbixinta.

click to zoom

Gobolka Togdheer ee Magaalamadaxdeeda Burco, ayaa Saaka 6:00 Subaxnimo siday u dhan yihiin ku kalahay Goobaha Codbixinta si ay Codkooda u dhiibtaan lagana dareemayay Magaaladda dhaq dhaqaaqeeda sida Meheradaha,Dukaamadaha Baqaaradda,Shirkadaha Wadaniga ah, iyo qaar kale oo lamida ayaa dhamaantood ay wada xidhnaayeen

click to zoom

Geesta kale Goobihii loogu talagalay Codbixinta ayaad ku arkaysaa in si nadaamsan ay u socoto shaqada haday noqon lahay xaga Amniga oo la adkeeyay waxaa ka loo aad arkeysaa Dadweynaha qudhoodu in ay dhinacooda kala shaqeynayeen Amniga  iyo nidaamka ay dadku safafka ugu jiraan Rag iyo Dumar lookala saaray cid cid ku xadgudbaysaana aysan jirin Qofba Qofka ka horeeya ayuunbuu eeganayaa.

 

click to zoom

Goobaha Codbixinta ayaa aysan jirin cid Laba kaadh ku Codeysay, Ilaa iyo iminkadaa ay Shaqadu si fiican u socdaan wax carqalad ah oo ka hor yimid aanu jirin waloow ay jidhaan Dadweynaha qaar ka mida in ay ka cabanayeen Howlwadeenada Kumishinka qaar ka tirsan shaqaalahooda Goobaha looga cabanayo qaabka ay u shaqeynayaan taa soo ay dadweynaha ku tilmaamayeen in ay gacan culus yihiin.

undefined

Geesta kale ayaa maanta abaaro 5:00 Galabnimo iyagoo Dadku taagan yihiin Goobaha Codbixinta oo waqtiguna yahay gabagabo ayaa Roob wanaagsani ka da'ay Roobkaasoo dadkii ay ku diirsadeen.

Wariye Cabdikariin Axmed

Buraoonline.com

Shacabweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Maanta uu Taagan Maalin Tariikh Weyn ku Fadhida

undefined

undefined

undefined
undefined
undefined

Degaanada Gobolka Togdheer oo Doorashadi Somaliland sii  Fiican uga Socoto

http://www.timeslive.co.za/multimedia/dynamic/00520/vote_abroad_520471b.jpg

Burco (Buraoonline.com) 26.06.10 Wararka Hadda Ka Imanaya gobolka Togdheer aya sheegaya inay Doorashadi si habsaami ah uga Socoto Degaanada Hoos Yimaada Gobolka Togdheer iyo Gobolada Oodweyen iyo Buuhoodle, waxa saaka 7 subaxnimo loo dareeraray Doorashadi Madaxnimada Somaliland ee 2010.

Magaalada Burco ayay maanta si fiican uga socota doorashado, Dadki aya ku jira Safaf dhaadher ila saaka, waxaana Xaafada Magaalada Burco aad ku arkeysa Meel kasta oo Que dheer oo la taaganyahay, Wariyaha Buraoonline.com aya Saaka Lug ku soo Maray, Gobo badan oo ka Tirsan Burco, waxaano ka bilaabay Xaafada Abu-dubai Xaafadaas oo dhowr goobod laga codeynayay waxaanay uu socotay sii aad nabadgelyo, dadkana waxa aad uga muuqata Farxad.

Geesta kalena mar aan Booqanay Xaafada Octoobar halkaas ila 8 Goobod laga codeynayay ayaan lug ku soo marnay 2 Goobod, waxaanay halkaas ay uga socotay Sii Fiican inkasto la sheegayay, in Saaka Askar ay wateen Masuuliyin ka Tirsan Xukummadi ay os Tidhi la Wareega Dhowr Goobod iyo Sanaduuqdi halkaas taalay, ayay isko dhaceen Masuuliyin ka socotay Mucaaradka iyo Shacabka, Halkas oo ay marki Dambe Firdhadh kaga Yaacen.

Degmooyinka Ballidhigg, Dhoqoshey iyo Wari-cimraan ayay sii aad uu balaadhan uga Socoto Doorashado... waxi warar kale ee Ka soo Soo Baxa Doorashada iyo wararka Gobolka Togdheer kala Socda Buraoonline.com

Buraoonline.com
Burao@live.com

Degmada Ballidhiig oo ay Si Habsaami ah uga Socota Doorashada Somaliland ee Madaxtooyada

Ballidhiig (Buraoonline.com) 26.06.10 Waxa u ahayd DagmadaBaladhiig Xalay hurda la,aan iyo soojeed sacadii kastaa waxa ay ka dhignayd
labaatan saacadood Dadku waxa ay ilahay ka baryayeen in uu waga sinamada uu uga
beryo waxa loodareeray afartoo subaxnimo Salada Subax kadib waxa la isugu soo
baxay markii geed iyo Nin lakala gartay 
Barxada weynee Xoriyada Magalada Balidhiig halkaas oo ay joogen Howld
Wadeenadii komashinka qaranka Somaliland shah wada cab iyo Kaftan waxa ay
gaadhay Shantii iyo Badhkii Dagmada Balidhiig waxa loo dareray safafka
dhaadheer ee loogalayo Codaynta Doorashada Dadka qaarba baa xidhna q
calanka Somaliland halka kuawa kalana xidhnayeen  Hidaha iyo Dhaqanka dhalin yarada aaya iyagu xidhaan  astaanta Calamadaha Xusbiyada sida calamada xusbiyada oo kale

Waxa ku bilowday sinamada oo ay u horeyaan Dadka wa
weyn cod bixintii waxa dadku lahayeen Alaahu Akbar Alaaku Akbar iyo Somaliland
hanoolaato .Mar Golisnews Wariyaheeda magalada Balidhiig wax ka waydiiyey ayaa
waxa ay noo sheegeen in ay tahay farxad iyo taariikh aanay ilaawayn inta
noloshooda ka hadhay waxanay dadkaasi qaar kood ku dhawaaqayen  waa xiligii
Isbadalka iyo Somaliland oo ka mid noqota Caalamka Aduunyada .

Dhanka Komoshinka qaranka Jamuuriyada Somaliland
ayaan iyaga la tiig saday codlaliyaha waxanay ii eesheegeen in dagmada Balidhiig
sifiican loogu so dhaweyey ilaa intii ay ku sugnaayeen meel fiican oo aanu seexanayna waa naloo diyaariyey ,waxanay inta ku dareen marti fiican baanu kala
kulanay Balidhiig waanuna ku amaananaa cod bixintuna waataas oo waad aragtaa
sida qadarinta iyo qimaha leh ee ay u socoto dadka waa wayna  loobanaynayo kayuuga ixtiraam baa ka muuqda
dhalinta reer Balidhiig sida ay ugu nastaxaynayaan dadka jilicsan iyo waayeelka
ayuu yidhi mid kamida Koboshinka qaranka.

Dhanka kale waxa anu wax ka waydiinay goob
joogayaasha iyo dadka guudka ka ilaalinaya habsami u socadka doorashada Dagmada
Balidhiig waxanay ii sheegeen ila hada in ay sidii ugu fiicnayd u socoto.

Waxa kaloo aan iyana gaadhi ku tagay durbadiiba laba Tuulo oo hoos yimada Dagmada Balidhiig

Wa Dharyalay iyo Dhagax Dheer labaduba waxa ay uga
socotaa si ad u horaysa oo habsami iyo qadarin mudan waxii kale ka soo kordha
aaga baladhiig ka dalaco Golinews.com Gordhow.waxa aan mardho tagayaa tuulada Coodanle oo iyana war iniika soo dirayaa.

source Golisnews

Koox Hubeysan Xoog ku soo Galay Magaalada Xudun oo Sanaduuqdi Doorashada La Baxsaday

http://www.somaliweyn.org/pages/news/May_09/Sawiro/Dagaal_Muqdisho.jpg

Xudun (Buraoonline.com) 26.06.10 Kooxo Hubaysan oo aan heebtooda la garanayn ayaa qaatay sanduuqii codaynta ee degmada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool.

Kooxda Hubaysan ayaa degmada kusoo galay iyagoo wata gawaadhida qoryuhu ku rakiban yihin waxayna si xoog ah ku qaatay Sanduuqii loogu talo galay in lagaga codeeyo degmadaas.

wararku waxay intaa ku darayaan in Degmada Xudun ay xaaladeedu kacsan tahay inkastoo aanay jirin dhibaatooyin kale oo laga soo wariyey.

Dhinaca kale magaalada Laascaanod ayaa sida wararka kasoo baxaya ay sheegayaan uu ka dhacay Mudaharaad aan weynayn oo ay dhigayeen kooxo magaalada ku sugan oo kasoo horjeeda in doorashadu ka dhacdo magaalada Laascaanod.

Ciidamada Booliska ayaa rasaas u isticmaalay si ay ukala eryaan kooxaha mudaharadaaya, waxana wali ka socda magaalada Laascaanod codaynta doorashada Madaxtinimada.

Degmada Kala-baydh oo iyaduna ka tirsan Gobolka Sool ayay ka dhacayn isku dhacyo dhimasha keenay oo dhex maray kooxo hubaysan iyo ciidamada Booliska ee amniga sugayey.

Sida wararku sheegayaan hal qof ayaa ku dhintay Isku dhacaas waxana istaagtay codaynta doorashada iyadoo xalaada degmadu kacsan tahay.
Kooxaha Hubaysan ee degmada Kala-Baydh ayaa ilaa xalay isku urursanayey degmada iyagoo doonayey inay ka hortagaan in doorasho ka dhacdo deegaankaas

Buraoonline.com

Doorashadi Somaliland oo Saaka Loo Dareeray iyo Siday uga Socoto Gobolada Somaliland

http://t0.gstatic.com/images?q=tbn:bTQQXteiouwJJM:http://www.biyokulule.com/somaliland%2520election.jpg

Burco (Buraoonline.com) 26.06.10 Waxa saaka todobadii subaxnimo ka bilaabatay dhamaan gobolada Somaliland doroashada Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Somaliland. Saaka subaxnimadi markay saacadu ahayd todobadii ayaa caasimada Hargeysa waxa wararku sheegayaan in dhamaan gobaha oo dhan si habsami ah u socoto doorashadu, marka laga reebo xaafadda 26ka Juun oo shaqalaha komishanku u shaqaynayan si cag jiidid ka muuqato.

Dhinaca magaaladda Burco ayaa yadna sidoo kale waxa laga soo warinaya in ay si habsami ah u socoto doorashadu. Sidoo kale gobolka Sanag ayaa doorashadu ka bilabatay saaka, walow laga soo warinayo warar sheegaya in degaanka Badhan iyo Hadaaftimo ay masuuliyinta xisbiga UDUB iyo xukuumaddu ay saaka subaxii hore boobeen dhowr sanduuq, kuwaas oo imika lagu daba jiro.

Dhanka gobolka Sool ayaa waxa wararku sheegayan in ay si habsami ah u socoto doorashadu, marka laga reebo degaanka Kala Baydh oo la sheegay in xukuumaddu isku dayday inay xaddo sanduuqyo, taasoo keentay isku dhac rasaas. Warku waxuu intaas ku darayaa in arrintaasi imika degtay.

Dhinaca goboladda Awdal iyo Saaxil ayaa yagana ay si habsami ah uga socotaa doorashadu, lagamana soo sheegayo wax dhibatoyin ah.

Buraoonline.com

Magaaladda Burco ayaa Maanta Dadweynihii Horey uga Soo Qaatay Kaadhadhka Degmooyinka iyo Tuuloyinka u Ambabaxay

click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 25.06.10 Gobolka Togdheer ee Magaalamadaxdda Burco ayaa waxaad moodaa in baryahan dambe laga dareemayay is abaabulka Codbixinta Doorashooyinka ayadoo lagu jiro gabagabadii ayaa waxaad ku arkeysaa Magaaladda dhexdeeda Dadweyne aad u tira badan oo u tabaabusheysanaya si ay uga soo Codbixiyaan halkii ay markii hore ay ka qaateen Kaadhadhka Degmooyinka iyo Tuulooyinka ku xeeran Gobolka Togdheer taasoo oo ay ku kaliftay markay ku amreen Gudida Doorashooyinka in Doorashadu tahay maalin qudha qof waliba halkii uu ka qaatay Kaadhka Goobtaa meel aan ahayn kaga ridi karin.

click to zoom

Waxaana halkaa laga dareemayay Gawaadhida oo maanta Istaanada iyo meelaha laga baxo iyo meela kale oo badan aad loogu baxayay.

click to zoom

Waxaana dadkaasi badinkoodu raacayeen markii ay buuxsameen Basaskii ayaa qaar kamid ah Gawaadhida Xamuulka ay dadku fuulayeen.

Geesta kale waxaa aad Magaaladda ka dareemaysaa in ay dadweynaha isu diyaarinayaan Berito sidii ay u Codeen lahaayeen ayaa laga dareemayaa dadweynaha dhexdooda oo ay hadalhayaan  goobaha ay sida badan isugu yimaadaan sida Maqaaxiyaha Shaaha laga cabo iyo Marfishyada ayaa hadalhayntooda u badan tahay Arimaha Berito, taasoo la filayo in uu si nabad ah u dhacdo, ayaa waxaa jirta in Ciidamadii Amniga ay iyaguba diyaar u noqday una ahaa siday ugu ilaalin lahaayeen cid kasta oo Amniga waxyeelo u gaysanayso Dibad iyo Gudaba

Wariyaha Buraoonline.com Cabdikariin Axmed

Burco

Taariikhda Sadexdda Musharax ee Somaliland

http://www.hiiraan.com/news/2008/mar/images/riyaale.jpghttp://www.gabooyenews.com/imgs/silaanyo-211262849914.jpghttp://www.ucidparty.com/01_faysal.JPG

History (Buraoonnline.com) 25.06.10 Walaalayaal waxaanu doonaynaa inaanu halkan ku soo qaadano Taariikhda Sadaxdda Musharax ee Somaliland inagoo aan uga jeedin ugana dan lahayn arimaha Siyaasadda ee uu Dalku maraayo iyo Ololaha Doorashadda midna waxa uu ku xidhiidhsan yahay Barnaamijkani Silsilad Taariikh ah oo aynu ku qaadan doono Sadaxdda Musharax ee u Tartamaya Jagadda Madaxtooyadda ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo aynu mid walba rajaynayno inaynu soo qaadano Taariikh Nololeedkiisii oo kooban.

Inagoo in badan ku soo dhexjirnay Taariikhda Dalalkale oo Fog iyo Qaar Dhowba.

Hadaba aqristayaal iskuma xidhna Barnaamijkan iyo Raga u Tartamaya ama ku Loolamaya Kursiga Madaxtinimadda ee Somaliland ee waa Aqoon ay ka faa'iidaysanayaan Da'yarta iyo Dadka Waawayn ee jecel Cilmigan.

 

1)- Daahir Rayaale Kaahin:-

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay Deegaanka la yidhaahdo Qun'ujeed oo waqooyi ka xiga Magaaladda Boorame Sannadkii 1952 wuxuu malcaamadda Qur'aanka,Dugsiga hoose iyo Dhexe ku qaatay Degmadda Boorame.

Dugsiga Sare ee Cammuud,ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974 kadib wuxuu u wareegay Magaalo madaxdda Soomaaliya ee Muqdisho,oo uu ka galay Dugsigii Tababarka ee Xalane,halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabadsugidda ee NSS Sannadkii 1975,.

Daahir Rayaale Kaahin,oo Derejadda Gaanshaale Sare ka gaadhay Ciidankii Nabadsugidda ee Dawladii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 Burburkii Dawladii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco, iyo safaaradda Soomaaliya ee DJabuuti.

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ka mid ahaa Dadkii ka qaybgalay Shirweynihii Beelaha Reer Somaliland iyo Jabhadii SNM ee dib u heshiisiinta Magaaladda Burco lagaga dhawaaqay markii danbe 18kii May 1991 goonni isu taaga Somaliland, 1992 wuxuu Gudoomiye Gobol ka noqday Gobolka Awdal, kadib wuxuu muddo ahaa ganacsade.

Bishii 23kii February, 1997dii Shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaaladda Hargeyga, Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo Shan Sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa isla markaa Daahir Rayaalena loogu doortay Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland.

Madaxwaynenimadda:-

3dii May-2002, markii Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Dalka Konfur Africa,ayaa saacado yar kadib loo dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigaayay Dastuurka Somaliland, wuxuu isna Madaxweyne Ku-Xigeen u soo xushay, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Bilo ka bacdi ayaa Xisbiga UDUB isna u doortay Madaxweyne Rayaale in uu noqdo Gudoomiyaha Xisbigaasi, Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee ugu horreysay ee ay Xisbiyo ku tartamaan Bishii April Sannadii 2003, ayaa Daahir Rayaale Kaahin, kaga guuleystay 80 Cod oo keli ah Musharaxii Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyada oo tartankana uu ku jiray Feysal Cali Waraabe, oo isna ka sharaxnaa Xisbiga UCID.

Shantii Sannadood ee Daahir Rayaale, loo doortay Madaxweynaha Waxey kaga ekeyd April 2008 laakiin Doorashada Madaxtooyadda oo aan qabsoomin awgeed ayaa dhowr jeer Golaha Guurtidu u kordhiyeen inuu Xilka sii hayo inta Doorasho ka dhacayso.

Daahir Rayaale, Siddeedii Sannadood ee uu Xilka hayay Madaxweynaha Somaliland ka qabsoomay Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo kuwa Golayaasha Deegaannada Somaliland.

Daahir Rayaale, wuxuu leeyaha Xaas, Huda Barkhad Aadan, iyo Afar Caruur ah Sadax Wiil iyo Gabadh.

2)- Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo):-

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu ku Dhashay Gobolka Tog-Dheer Sannadkii 1936 Tuuladda Dheryalay, waxaanu waxbarashadiisa ku qaatay Boodhinadda Iskuuladda Shekh iyo Camuud ee Gobolka Saaxil iyo Awdal Sannadkii 1946 waxaana uu dhamaystay 1957 waxaana uu ku galay Imtixaankiisii GC-gii  Magaaladda London ee Dalka Ingiriska Sannadkii 1958 – 1960 waxaana uu galay Jaamacadda University of Manchester waxaana uu qaatay Bachelor Degree of Economics (Digrii Dhaqaalaha ah) Sannadkii 1963 – 1965 waxaana uu soo qabtay Xilal kala duwan oo uu ka soo qabtay Dowladihii kala duwanaa ee soo mara Soomaaliya, Sannadkii 1965 – 1969 waxa uu ahaa Sarkaal Sarre oo ka shaqayn jiray Wasaaradii Qorshaynta iyo Isku-Xidhka ee Soomaaliya, waxaana uu u qaabilsanaa dhinacyadda Adeega Qorshaynta,Dhaqaalaha,Agaasimaha Qaybta Horumarinta Qorshayaasha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Sannadkii 1969 – 1973 wuxuu noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Isku-xidhka ee Soomaaliya, Sannadkii 1973 – 1978 wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Dowladii Soomaaliya,.

Waxyaalihii uu hirgaliyay Sannadahaas ee Goboladda Somaliland laga sameeyo ay ka mid ahayd in Berbera laga dhiso Warshadda Shamiitadda, ama Sibidhka, iyada oo markii hore la doonaayay in laga dhiso Koonfurta Soomaaliya, Dhagaxana laga soo guro Magaaladda Berbera taas oo uu si weyn uga hor yimid layskuna dayay in la dilo, taasina fashilantay kana badbaaday.

Sidoo kale Sannadkii 1978 – 1980 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Sannadkii 1980 – 1982 wuxuu noqday Wasiirka Maaliyadda iyada oo ay ahayd markii Labaad ee uu qabto Xilkaasi.

Waxaana uu ka qayb galay Shirar iyo Siminaaro fara badan iyo Tababaro lagu qabtay meelo kala duwan oo Caalamka ka mid ah sida America, Soviet Union, UK, Switzerland, Farance, Germany, India, iyo qaar ka mid ah Wadamadda Africa.

Waxaa kaloo uu ka qayb galay Tababaro ay bixinaysay Qaramada Midoobay sida UNITAR, UNIDO, iyo Economic Commission for Africa.

Waxa kale oo lagu casuumay Shirar ay lahaayeen Waddamo badan iyo Shirar ay qaban qaabisay Afro American Institute, oo marti qaaday Shirarkaas Caalamiga ah ee uu ka qayb galay,

Waxaa ka mid ahaa kii Qaramadda Midoobay OAU, Jaamacadda Carabta, iyo Islamic and Non Aligned, Shirkoodii.

Wufuuda uu Hogaaminaayay waxaa ka mid ahaa Wafdigii Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, iyo kii African Union, iyo Jaamacadda Carabta, iyo EEC, iyo ACP,.

Waxaana uu ka qayb galay Shirar Wasiireedyo ka dhacay Wadamo Badan oo Caalamka sida Non Aligned Conference oo ka dhacay Lina ee Dalka Peru, Sannadkii 1976dii iyo UNCTAD, oo ka dhacay Nairobi Kenya, Sannadkii 1977dii.

Waxaanu markii dambe ka tagay Xilkii uu ka hayay Dowladdii Soomaaliya ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, kadib xusuuq uu kula kacay Goboladda Waqooyi ee Dalkii markaas la odhan jiray Soomaaliya,

Goboladaas oo mantana ah Somaliland isaga oo ku biiray Jabhadii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee Soomaaliyeed ee SNM, Sannadkii 1982 – 1984 wuxuu ahaa Gudoomiyihii SNM ee Qaybta UK, waxaana uu aasaasay Xarumo iyo Xafiisyo,

Waxaana Ururkii SNM iyo Bulshadii deganayd Yurub, iyo Waqooyiga America, iyo Wadamadda Carabta, wuxuuna kor u qaaday Gargaarkii Caalamiga ahaa ee uu Ururku heli jiray.

Waxa kale oo uu Khudbado ka galay Hay-Addaha Xuquuqul Insaanka, iyo Wadamadda Yurubta, qaar kamida iyo Ururadda Gargaarka, ah ee Carabta iyo kuwa Islaamka.

Waxa kale oo uu ku dadaalay inuu Ururka SNM kusoo daro Xubno muhiim ahaa oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya si ay usii Xoojiyaan Halganka dhinacoodana galaan.

Waxaa kale oo uu Khudbado ka jeediyay Akademiyo Caalamiya, iyo Jaamacado kala duwan oo ku kala yaal Ingiriiska iyo Maraykankaba.

Waxaana ahaa Axmed Siilaanyo, Gudoomiyihii ugu Mudada dheeraa ee soo mara Ururka SNM intii uu jiray waxaana uu qabtay Xilka Gudoomiye'nimo Sannadkii 1982 – 1990kii.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu intii uu hayay Xilka Madaxweyne nimo ee Uruka SNM waxa uu sameeyay dagaalo uu Uruku ku qaaday Dalka gudihiisa, si uu uga Xoreeyo ugana Xoreeyo Cadawgii haystay Sannadkii 1984 taas oo uu ku soo galay Ururka SNM Dhulka Buuraleydda ah ee gudaha, iyo inuu Uruka SNM isku fidiyo aagaga hore ee dagaalka iyada oo ay isbalaadhintaasi u badnayd dhulka Koonfurta ee Somaliland ilaa Gobolka Awdal.,

Waxaa kaloo oo uu qorshayaal u sameeyay sidii SNM u badbaadi lahayd dhulkana u badbaadin lahayd isaga iyo Madaxdii Uruku oo uu tashi kala galay iyada oo uu ku amray saxiixayna in la galo gudaha Dalka dagaalkana halkaas kaga bilaabo lana raadiyo Dalka iyo Dadkaba iyada oo uu sidaas ku bilaabmay dagaalki Gudaha ee Dalka lagu soo galay waxa kale oo uu sii diyaariyay Taandhooyi Dadku ay ku soo Qaxaan iyo wixii ay cuni lahaayeen waxaanay taasi dhacday markii uu heshiis dhex maray Dowladii Siyaad Barre, iyo Dowladii Itoobiya, ee uu hogaaminayay Mingiste, Sannadkii 1988.,

Markii uu Xilka hayay talada Uruka SNM mudo gaadheysa 5 Sanno ayuu markii dambe ku wareejiyay Xilkii Ururka Mujaahid C/raxmaan Axmed Cali (Tuur), taas oo si nabad ah loogu wareejiyay Magaalo madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle, taas oo ahayd Xarunta SNM.,

Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), waxa uu halkaa ka sii waday halgankii siina dhamaystiray intii dagaalka ka hadhsanayd.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa kaloo door wax ku ool ah ka soo qaatay shirar kala duwan ee Beelaha Walaalaha ah ee Somaliland lagu Heshiinaayay marka laga soo bilaabo Sannadkii 1991 ayuu door muhiim ah ka qaatay abaabulkiisii kaas oo lagaga dhawaaqay halkaas Gooni Isu-taaga Somaliland, waxaana uu si wayn uga qayb qaatay soo gabagabayntii dagaalkii ka socday Berbera hareeraheeda ee la odhan jiray (Xarbal Aqnam) Sannadkii 1992, waxaa kale oo uu ka qayb qaatay abaabulkiisa soo afjaridda dagaalkii sokeeye ee ka socday (Beer) oo ku taal Gobolka Togdheer, kaas oo heshiisyo la kala saxeexday layskuna waydaarsaday maxaabiistii la kala haystay laguna soo gabagabeeyay dagaalkii halkaas ka socday waxaanu ka mid noqday Golihii Wakiiladda Sannadkii 1993 – 1997 isaga oo Golaha ka ahaa raga ugu cad cad ama ka dhex muuqda.,

Sannadihii 1997 – 1999 waxa uu ka mid ahaa Wasiiradii Dawladda ugu fir-fircoonaa waxaana loo magacaabay Sannadkaa Wasiirka Maaliyadda waxyaalaha aadka loogu  xasuusto Siilaanyo waxaa ka mid ahaa inuu nidaamiyay Lacagta Somaliland iyo inuu kor u soo qaaday iyada oo hoos u dhacday, iyo wuxuu ahaa Wasiirkii ugu horeeyay ee nidaamiyana dajiyana Qaabka Ciidamada loo siinayo Lacagta oo systemyadii ama habahkii Maaliyadeed iyo kii Ciidan ee uu dajiyay wakhtigaas uu yahay ka ilaa manta lagu shaqeeyo.

Waxaana loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Isku xidhka Somaliland Sannadkii 1999 – 2000 wuxuuna diyaariyay Shirar ay Somaliland ku dalbanaysay oo Ururada Caalamiga ah xaga macaawinooyinka, taas oo ahayd markii ugu horaysay ee Shirar Caalami ah lagu qabtay Caasimada Hargaysa, taas oo ahayd Shir kulan Caalami ah.

Waxa kale oo uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyay ee ka qayb gala Shir dibada ah isaga oo Dalka Kenya kaga qayb galay Shir Mucaawino loogu ururinayay Soomaaliya isaga oo ku galay Shirkaas magaca Somaliland.

Waxa kale oo uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyay ee hogaamiya wafti Somaliland ah kaas oo ka qayb galay Shir ay qabatay Hay-Adda Lacagta Aduunka IMF iyo Baanka Aduunka ee Magaaladda Nairobi.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), intii uu shaqaynaayay waxa uu door muhiima kala ciyaaray Madaxweynihii markaas ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Allaha u Naxariistee dib u heshiisiin lagu xalinayay laguna hagaajinayay Xidhiidhkii u dhexeeyay Somaliland iyo Jabuuti, iyo Somaliland iyo Itoobiya, oo aan markaas Xidhiidhkoodu hagaagsanayn.

Waxa kale oo uu Axmed Siilaanyo, ka shaqeeyay inuu shaqaysiiyo howlgaliyana khubaradii dagaal ee Ururka SNM ka soo dagaalamay, waxa kale oo uu heshiis dhex galiyay khilaaf soo dhex galay Xukuumadii Madaxwayne Cigaal, iyo Xoogag Mucaarid ahaa waxa kale oo uu sameeyay qaab loo heli karo Mucaawinooyinka Caalamiga ah iyo habka ay u wada Xidhiidhi karaan Dawladda iyo Hay-Addaha Caalamiga ah.

Waxa kale oo uu socdaal ugu baxay gaar ahaa Yurub iyo Maraykanka si uu ula soo hadlo Qurba Jooga Somaliland ee halkaas ku nool isaga oo u soo bandhigay inay maal-gashadaan Dalkooda Hooyo.

Muddo yar kadibna wuu is casilay waxaanu uu ka dhoofay Dalka ka dib markii la furay Habka Xisbiyada Badan ayuu soo noqday isaga oo aasaasay Xisbiga KULMIYE 2002, wuxuuna mudo yar ku noqday Xisbiga Labaad ee ugu Xooga badan Somaliland isaga oo lagaga Guulaystay 80 Cod oo Qudha Doorashadii Madaxtooyadda ee Dalka ka dhacday 2003, waxaana uu ahaa Xisbiga qudha ee ay Gabadhi ka noqoto Gudoomiye ku-xigeen,waxaanu Sannadkan u taagan yahay Axmed Siilaanyo Xisbiga KULMIYE iyada oo la filaayo inay dhacdo maalinta Sabtida ee 26/06/2010

3)-  Faysal Cali Waraabe :-

Faysal Cali Waraabe, wuxuu dhashay Sannadkii 1948kii waxaana uu ku dhashay Magaaladda Caasimadda ah ee Hargaysa waxaanu galay markii oo uu soo dhamaystay Dugsigiisii Hoose Dhexe, Sarre Jaamacadd ku taal Dalka Ruushka isaga oo ka kasbaday ama qaaday MSC Engineering Jaamacadaas oo ku taal Magaaladda SL.Petersburg ooh ore loo odhan jiray Leningrad Sannadkii 1973 laga soo bilaabo Sannadkii 1997 – 2001 waxa uu dib ugu biiray isagoo Aqoontiisa sii wata Jaamacadda Helsinki Uneversity Faculty Social Science Qaybta Social Policy-ga waxaanu Agaasime Goboleed u noqday Wasaaradii Shaqooyinka Guud ee Soomaaliya Ministry of Public Works.

Faysal cali Waraabe, oo lagu tilmaamo nin nabad jecel waxa uu ka soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland ee ka dhacday Magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal, taas oo lagu soo afjaray Colaadihii dhex maray Beelaha Walaalaha ah ee wada daga Somaliland waxaanu sameeyay Xisbigii ugu horeeyay Somaliland isaga oo ku qanci waayay siday wax u waday Dawladii Maxamed xaaji ibraahim Cigaal, Allaha u Naxariistee.

Faysal Cali Waraabe, waa nin qayaalada neceb kana hor yimaada mar walba cida Qabyaalada wada, Faysal waxa uu can ku yahay inuu mar walba ku dadaalo sidii uu Caalamka uga dhaadhicin lahaa Qadiyadda Gooni Isu-taaga Somaliland iyo siday Ictiraaf uga heli lahayd Beesha Caalamka waa nin yaqaana la macaamiilka Reer Garlbeedka waxa kale oo uu faysal Cali Waraabe, can ku yahay inuu Dadka qudbadaha ugu daro in layska ilaaliyo Qabyaaladda iyo Istakoorka.

Faysal wuxuu caan ku ahaa hawlaha bini aadaminimo oo uu ka keeni jiray Caalamka siiba Wadamada reer Galbeedka isaga oo keeni jiray Cisbitaaladda iyo Dadka Laxaadka La' mar wax laga waydiiyay faysal Siyaasadiisa Somaliland waxa uu ku jawaabay inuu doonayo inuu ku daro Caalamka waxa kale oo Faysal Cali Waraabe, la arkaa isaga oo booqanaya meelaha Agoomaha lagu Xanaaneeyo oo iyana Caawimooyin uu gaadhsiiyo iyo isaga oo mar walba la kulma dhiirina galiya dadka la Haybsooco ama laga Tirada badan yahay waxa kale oo uu booqdaa Iskuuladda iyo Collages-yadda isaga oo ku dhiiri galiya inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Waxa Faysal Cali Waraabe, Hogaamiye u yahay Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo ka mid ah Sadaxda Xisbi ee ka jira Somaliland waxaanau isku soo sharaxay Xilka Madaxweynaha Somaliland Doorashadii dalka ka dhacday Sannadkii 2003 isaga oo galay kaalinta Saddexaad waxaa kale oo uu Xisbiga UCID ka qayb galay Doorashadii Baarlamaanka oo uu markaasna ka galay kaalinta Saddexaad.

Faysal waxa lagu tilmaamaa marka la Odorasaayo Siyaasadiisa inaanay Siyaasadiisa fadhiyin.

Farsal Cali Waraabe, waxa uu u taagan yahay Musharaxa Madaxwaynanimo ee Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 26 June 2010 waxaana uu balan qaaday xiligan uu ku jiro Ololihiisa Doorashooyinka inuu dalka ku Xukumaayo Sharciga Diinta Islaamka.

Reported by Wariye : Cabdikariin axmed (warside768@hotmail.com)

Dh  a  m  a  a  d

Komishanka Doorashada iyo farriinta Shacabka

Isbitaal cusub oo hay'ada Manhal ay ka furtay magaalada Laascaanood

http://kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/mn3.JPG?0.7662053733288453

Laascanoood (Buraoonline.com) 25.06.10 Waxaa laga furay Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool isbitaal cusub oo ah isbitaal guud(General hospital) oo lagu magacaabo ee (Manhal Hospital) ,isbitaalkan cusub ee magaalada ayaa waxaa loogu talo galay inuu wax badan ka bedelo daryeelka caafimaad ee bulshada ku dhaqan guud ahaan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood iyo tuulooyinka ku hareeraysan.


Isbitaalka Manhal ee maanta laga furay magaalada Laascaanood ayaa ah mid loo dhamaystiray agabkii caafimaad sida

1- Laboratory

2- X-ray

3- Ultrasound

4- ECG

5- Pharmacy iyo qaybihii kale ee uu isbital lahaan jiray.

Isbitaalkan Manhal ayaa waxaa dhistay Hay.adda Manhal oo aad ugu heelen wax ka qabashada arimaha bulshada horayna looga bartay inay dhinacyo badan
oo la xiriir arimaha bulshada ay wax weyn ka qabteen.

Xaflada furitaanka Isbitaalka Manhal aya waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan hay adda Manhal sida madaxa guud ee hayadda manhal Shiikh.C/waaxid Xaashi ,madaxa caafimaadka Hay,adda Manhal Maxamed Ahmed Maxamed iyo dr.shine.


Waxaa kale oo ka soo qayb galay Xafladii furitaanka Isbitaalkaan cusub ee ay Hay,adda Manhal ka hirgelisay magaalada Laascaanood Mayorka magaalada las caanood, Gudoomiyaha gobolka laas caanood, wasiirka caafimadka Somalilland
wasiirka boostada iyo isgaarsinta, culimada iyo shacbak reer sool iyo madax kale oo fara badan

Shacabka Somaliland Oo Maalinta Berito Ah U Dareeraya Doorashada Madaxtooyada Iyo Fariinta Komishanka Doorashooyinka

http://t0.gstatic.com/images?q=tbn:bTQQXteiouwJJM:http://www.biyokulule.com/somaliland%20election.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 25.06.10 Maalinta beri ah ee ku beegan 26-ka June ayaa dhamaan Dadka reer Somaliland ay u dareeri doonaan goobaha Cod bixinta Doorashada Madaxtooyada, Maalintaas oo ay Komishanka Doorashiyinku u muddeeyeen inay dalka ka dhacdo Doorashadu.

Doorashadaas oo ay ku soo dooran doonaan madaxweynaha shanta sanno ee soo socda, iyaddoo agabkii doorashaduna ay gaadheen inta badan deegamada fog fog ee dalka, isla markaana ay diyaar ku yihiin hawl wadeenadii komishanka ee ka hawl galayey goobaha codbixinta.

Komishanka doorashooyinka oo habeenkii xalay shir jaraa’id  qabtay ayaa ugu baaqay dad weynaha inay Doorashada si nabadgelyo ah u codeeyan isla markaana ay ka foojignaadaan Cadawga Somaliland oo iyagu doonaya inay fashiliyaan Doorashada iyo Nidaamka Dimuqraadiyada ee ka hana qaaday Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka waxa kale oo ay ugu baaqeen Dadka kale ee Ajaanibka ah ee ku nool Somaliland inay maalintaasi ku eekaadaan Guryohooda oo aan loo ogoleyn inay u soo baxaan Banaanka, taas oo ay sheegeen in loogu soo dhex gaban karo Maalinta Doorashada. Todobada xubnood ee komishanka Doorashooyinka oo xalay shir wada jir ah ku qabtay Hoteelka Imperial ayaa waxay kaga hadleen Geedi socodka hawlaha Doorashooyinka ee maalinta berito ka dhici doona guud ahaan Dalka.
Afhayeenka komishanka Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in maalinta sabtida ah loo dareeri doono goobaha codbixinta ee guud ahaan dalka oodhan, iyagoo sheegay in dhinacooda waxkasta diyaar ka yihiin.

Afhayeenku waxa uu ku dheeraaday geedi socodkii uu soo maray hawsha doorashada madaxtooyada, waxaanu xusay in muddadii koobnayd ee ay shaqaynayeen ay hirgeliyeen jewi ay ku qabsoonto doorasho xor oo xalaal ahi. Gudida Doorashooyinku waxay ka cudur daarteen wixii qaladaad ahaa ee ka dhacay mudadii ay xilka soo hayeen waxaanay balan qaadeen oo ay ku celiyeen inay si daacad ah ugu garsoori doonaan musharixiinta isla markaana ay guusha siin doonaan cida sida rasmiga ah u hesha kalsoonida shacabka. Waxay ka digeen in lagu kaco wax wixii  wiiqi kara midnimada iyo wadajirka shacab.

Sidoo kale waxaa shirkaa jaraa’id ka hadley Guddomiyaha Komishanka Dorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) waxaanu u soo jeediyey Dadweynaha iyo Xisbiyadaba inay si nabadgelyo ah u galaan Doorashada waxaanu amaan u soo jeediyey Xisbiyada mucaaradka ah iyo siday ay uga qayb galeen Ololihii Doorashada ee dhamaaday.

Buraoonline.com

Labadii Tukoow waxweyn Baad Tarteen Maalinta Xil wareejinta

 
 
Article (Buraoonline.com) 25.06.10 Sawaxanka,mashxarada,durbaanka iyo qayladaas oo jirta ayaa hadana amaanka aad loo adkeeyey,hablo iyo wiilal madaxyo taagan oo garbo toosan ayaa dhegaha laalaadinaya iyagoo aan libiqsi iyo nuuxsi toona lahayn ayay hadana ilbaadin indhaha wareejinayaan 360',iyagoo 9kii qofba10ku ah.
 
tirada dadka kasoo qaybgalaya xaflada ayaa isaga kala yimid dhamaan gobolada dalka oo ay isugu soo biyo shubteen beerta xoriyada ee Hargaysa waxayna ku dhowaadeen inay guryaha riixaan gaadiidkana rogaan tiro badnida awgeed.waxaa ku xidhan oo ku wareegsan beerta xoriyada laydhadh sadex midableh cadaan casaan iyo doogo.
 
Goortu waa goor galaba oo waxaa la sugaayey dadka iyo fardaha meelaha fog fog ka imanaya,dadku waxay gashan yihiin dhar midabo badan oo isugu jira midabada calanka somaliland iyo midabada calanka Kulmiye,bilicda midabadaa kala jaad jaadka ah ka sokow waxaa iyaguna kusii kordhiyey qurux kale midabada wejiyada kala duwan ee dadka wadanka u dhashay,wefdiyada hayadaha,suxufiyiinta shisheeye iyo goobjoogayaasha doorashooyinka ee caalamiga ah.
 
Waxaa halkay marti sharaftu fadhido horteeda musig wadani ah ka tumaya kooxda bandboyda qaranka iyagoo iyaguna dhar midabo leh oo garbaha shaash kuleh xidhan,horjoogahooduna uu ushii ku dalbanayo,waxaa dhinac taagan laba cutub oo bilayska iyo geesiyaasha ciidanka qaranka somaliland.
 
Waxaa fadhiya Ciise Xamari,Muj A Siilaanyo,Md Daahir Riyaale,Saleebaan Maxamuud,Eng Saylici,A Y Yaasiin,Dr Gaboose,M Biixi,M kaahin,C/c Samaale,Xildh Nacnac,Xildh Aadan T Oogle,Xildh C Mareexaan,C Awdaahir,Dr M Cabdillaahi,Eng M X Cilmi,A Rooraaye,Dr M Rashiid,cadami,Eng Faysal,C/R Ciro,Xaaji Cabdi Waraabe oo fadhiya A Siilaanyo kursiga ka dambeeya oo durba madaxweynaha cusub la kaftamaya.Taliyaha ciidamada Taani iyo Saqadhi Dubad oo aad siyaad bare ugu dhaaranaysid.waxaa fadiya......
 
Waxaa fadhiya abwaanadda Dacar,Gaariye,siyaasiga filasoofka Hadraawi,Baarleex,X Ganey A Qays iyo C Aw Geedi oo ku faraxsan shaqada wanaagsan ee ay qabteen labadii tuke.
 
Waxaa waano, Alle ka cabsi iyo xamdi naq ilaa duhurkii isu daba marayey Sh Ibraahim Siiro,Sh Cali Warsame,Sh Mustafe H,iyo Sh M Dirir.
 
Waxaa Barmaamijka daadihinaya oo kolba mekrifoonka iska fogaynaya isagoo tusinaya inaanu mekrifoon ubaahnayn suxufiga ruug cadaaga ee A X Cowke,Waxaa halkaa heesaha maanta maanta waa maalin weyne maanta iyo maantay curatoo miciin heshayee aan maalo hasheena maandeeqeey, ka qaadaya fanaanka waxbadan usoo joogay ee M A Kuluc iyo Ubax Fahmo oo heestii Sumalow darbane si kale uqaadaysa,Sumalow darbane,dookh malooliyoow,dadku kuma rabaan,daydayo waxkale......
 
Waxay reer Somaliland ula farxad badan tahay madawga Maraykanka iyo maalintii Obama la doortay,madawga Koonfur Africa iyo maalintii Mondeela lasii daayey,reer somaliland iyo maalintii ay xoriyada qaateen,reer soomaaliland iyo maalintii dilka Eebe ka cafiyey Cumar C Qaalib iyo Ismaaciil C Abokor,somaliland iyo maalitii gooni isutaaga lagu dhawaaqay.
 
Waxaa lagu dhawaaqayaa madaxweynihii afraad ee si dimuqraadi ah looga soo doortay Jamhuuriyada Somaliland Muj Axmed M M Siilaanyo.horuu ugu dhaartay danta dalka iyo dadka markaa uma baahna in dib loo dhaariyo.
 
Waxaa isla maalintaaba xoroobaya saxaafada,ganacsiga,baarlamaanka,guurtida,salaadiinta iyo dhamaan dadweynaha reer somliland.
 
free at last,free at last,free at last.(m L king)
 
Bashiir Tarabi
bogleh69@gmail.com

Sawirka Todobaadkan

http://sphotos.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-snc4/hs108.snc4/35772_1505789009052_1364083550_1352088_1782909_n.jpg

Ogsoonow in u codkaagu dhexyaalo mujaahid SILANYO iyo Ismacil Cumar Gele

Article (Buraoonline.com) 24.06.10 Shaki ciddna kagama jiro in u Riyale badhasaab u yahay Ismacil Cumar Gele.Isla markaana aanay ciddna skaki kaga jirin in U ismacil yahay cadawga kowaad ee Somaliland;cadaawadiisuna ay xataa tii Afweyna kaga wayntahay Somaliland.Ismacil waynu ognahay halka u maanta ka taaganyahay jiritaanka iyo horumarka Somaliland.
  Riyale malintii u halyaygii Maxamad X.Ibrahim Cigal geeriyooday Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiye,sidii distoorku qorayay oo niyadsami ah ayaa xilkii isla markiiba lagu wareejiyay.Riyale isla markiiba isaga oon cidna la tashan ayaa wuxuu booqday Ismacil.Argagax iyo fajac ayay dadkii ku noqotay .Qaar ka mid ah dadkii waxay yidhaadeen,' waa intaasuu xidhiidhka soo hagaajiyaaye bal aynu dhawrno.' Isla markii u ka soo laabtay safarkiisii Ismacil wuxu yidhi ,'aqoonsi kamanaan wada hadale ;laakin waxayaabe kale ayaan ka wada hadalay'.Riyale isagu ilaa maanta kama hadlo waxay Ismacil iskala hadlaan ee ay isla ogyihiin .Laakiin dadka reer Somaliland way ogyihiin halka u Ismacil ka taaganyahay qadiyadda Somaliland.Sideed sanadood ayay dadka reer Somaliland jawaab ka sugayeen badhsaabka (Riyale).Badhasaabku wali afka wuu soo marin laayahy.
    Silanyo waa taqaanaan waxa u gudo iyo waxa u galo.Shakina kuma jiro in u yahay nin isku kalsoon ;oo cadawga iyo nasteexa kala yaqaana.Shaki kuma jiro in aanu Riyale haybsadeen Silanyo haddii si daacad oo nadiifa loo tartansiiyo.Silanyo isaga oo mansab haysata aanay cidna siinin ee u aqoontiisa iyo kartidiisa kula soo baxay ayuu arkay in u mansabkiisani yahay waxba kama jiraan madaama ay dadkiisii ku noolyihiin dulmi.Wuxuu tii ka doortay in u dadkiisa la mid noqdo kalna qayqaato dagaalkii aynu iskaga rideen heeryadii dulmiga.Daacadi ma hungowdee Ilaahay wuu ku gargaaray ;dulmigiina Ilaah waa ka qaaday isaga iyo dadkiisiiba .Maantana waxa doorashada ku kalifay ,dulmigii oo soo noqday oo ah Ismacil oo adeegsanaya badhasaabka Riyale oo doonaye in halkii 1982gii ku sugnayn inugu celiyaan .
    Hadaba waxan idiin sheegaya oo idin xasuusinyaa in doorashadani tahay Mujaahid SILANYO iyo Ismacil Cumar Gele.Ayaanu shaki kaa galin oon been lagugu xadin .Iska ilaal shaqaalaha Ismacil ee iskaga kaa dhigaya in ay yihiin Somaliland sida:
  Cabilahi Ciro (wasiiraka gudaha ),Cawil (wasiirka lacgta) ,Saqadhi (taliyaha Boliska) iyo qaar kaloo badan. Shaadhwaxay sitaan Somaliland ah ;laakiin runtii waxay saf la wadaagaan Ismacil.
   Ugu danbayntii waxaan idin leeyahay Codkiina siiya Mujaahid silanyo.
Xasan Cabdi Max
Toronto,Canada

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Tallooyin U Soo jeediyay Komishanka Iyo Xisbiyada

http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_15279d_2010-6-24-11-12-31f_saleebaan-gaal-guurti.jpg

Hargeisa (Buraoonline.com) 24.06.10 Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta shacbiweynaha Somaliland u soo jeediyay inay si nabadgelyo ah u kala doortaan murashaxiinta ku loolamaysa doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa maalinta Sabtida ee 26- June.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta u waramayay Warbaahinta wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada waxaanu yidhi “Dadweynaha Somaliland ee nabadgelyadooda marka horeba adkaysanayay ee ilaashanayay waxaan u soo jeedinayaa inay maalinta Sabtida ee 26-ka Bishan June ay u dareeraan goobaha codbixinta dalka oo ay si nabadgeyo ah u codeeyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee sugaya nabadgelyada doorashada.”

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu sheegay in iyaga masuuliyada ka saaran doorashadu ay tahay inay shacbiga ku wacyi geliyaan dhinaca nabadgelyada, waxaanu tallooyin u soo jeediyay Komishanka Doorashooyinka qaranka oo uu ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta masuuliyada culus ee la saaray.

Waxaanu ka dalbaday inay si cadaalad ah ugu xaqsooraan sadexda xisbi iyo murashaxiinta doorashada u taagan, waxaanu xisbiyada u soo jeediyay inay aqbalaan natiijada Komishanku soo saaro.

Guddoomiyaha Aqalka Odayaashu wuxuu  shacbiga iyo xisbiyada siyaaasada ku ammaanay inay jawi nabadgelyo ah ku soo khatimeen olalihii doorashada ee mudada 21-ka cisho ah ka socday dalka oo dhan.

Buraoonline.com

Xubno Ka Tirsan Qurbojooga Beesha Solomadow ee HJ oo Tageeray Iscasilaadi Wasiirka Wershadaha

http://farm3.static.flickr.com/2722/4227369087_85d1418a0c.jpg
 
Baaq (Buraoonline.com) 24.06.10 xubno katirsan qurba joogta,beesha solomadaw ee habarjeclo ayaa waxay soo dhaweeeyeen iscasiladii uu sameeyay wasiirkii wershadaha somliland mudane axmed cali ubaxale oo xalay saqdii dhexe isku casilay  magaalada hargaysa baaaqan ay soo saartay beesha solomadwaw ayaa waxay xukuumada madaxweyne rayaale kutilmaameen, mid kagaabisay wax, qabadkeedii iyagoo sheegay inay,beesha solomadaw ahyd beeshii kali ahayd ee doorshadii tan kahoraysay,ee dhacday 2003 sicad codkeeda ugu taageertay iyadoo, bay yidhaahdeen aaanu xukuumada rayaale oo fin wayday balamo farabadan oo uqaaaday inay dageenda balaadhan ee ,ay degto beeshaasi uu samaynayo tasiilaat nasiib daro majirto ilaayo hada wax , laga qabtay waxay kaloo  amaan usoo jeediyeen xildhibaanadii kaasoo jeeday beeshaas ee dhawaan  kabaxay xisbiga  udub,kuna biiray  xisbiga mucaaradkaa ee kulmiye   dadka baaqan soo saray waxaa kamida
    
siciid nuux saalax(goroyo)
axmed maxamed carbooshe
cabdi raxmaan jaamac liibaan
 cabdi rashiid mahad maxamed
 fu,aad yuusuf canjeex
 cabdi kariin max,med dhagjar
  jaamac cali xoosh
  cabdilaahi nadiif saalax
 daa,uud xaaji aadan
  joon abokor awxasan 
  saynab ibraahim goosarad
   khadar aadan baroosin
  cabdi risaaq daahir maxa,med(afqarshe)
    sulayman  awcumar awxasan
   fadxiya abokor awxasan
  max,muud awcumar awxasan
  cabdi nuur yuusuf canjeex
  sitiin ismail dheere
 jaamac ibraahim
  aadan xoogsade
  cabdi aadan guray
   axmed maxamed saalax
   naasir maxamed muuse(xayaf)

TAARIIKHDA IYO WAXQABADKA SIILAANYO‏

http://www.gabooyenews.com/imgs/silaanyo-211262849914.jpg
TAARIIKHDII WAXBRASHO:
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE islamarkaasna ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo wuxuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig ee gobolka Togdheer. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhamaystay magaalada Shiikh. Waxbarashadii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay magaalada Boorame.
Markuu waxbarashadiisa dugsiga sare dhamaystay sannaddii 57kii Mr. Siilaanyo wuxuu u kicitimay dalka Ingriiska halkaasuu ka sii watay waxbarashadiisii sare. Sannadkii 1958kii-60kiina wuxuu magaalada London ee carriga Ingiriiska ku qaatay waxbarashadii diyaar garawga jaamacadda ee advanced level. Sannadkii 1960kii wuxuu waxbarashadiisii jaacamadeed ka bilaabay Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha Sannadku markuu ahaa 1965kii wuxuu jaamacadda Manchester ku dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadeed waxaanu ka qaatay ashahaada sare ee Masterka.
Mr. Siilaanyo markuu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu Kusoo noqday dalka si uu cilmigiisa uga faa’ideeyo dalkiisa iyo dadkiisaba. Waxaanu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Somaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin kuwan hoose:
 
SHAQADA IYO WAAYO ARAGNIMADA:
 
1965kii wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.
1969kii-1973kii Mr. Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka
1973-1978 wuxuu ahaa Wasiirkii Ganacsiga
1973-1980 wuxuu ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha ee Qaranka 1980-1982kii wuxuu mar labaad noqday Wasiirka Ganacsiga.
Mr. Siilaanyo oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ka socday Dhinaca gudaha Somaliya, ka dib markuu u adkaysan waayey dhibaatadii iyo dibin daabadii Siyaad Barre ku hayey ummadda Somaliyeed gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Somaliland, wuxuu sannadkii 1982kii go’aansday inuu dalka ka baxo oo ka qayb qaato halgankii dhinaca ka ahaa kaligii taliye Siyaad Barre si ummadda looga xoreeyo nidaamkii kali talisnimo.
Isla intuu Mr. Siilaanyo joogay London wuxuu lecturer ka bixin jiray Jaamacado ku yaal Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu olalayn jiray qaddiyada xornimo udirirka ee uu gadhwadeenka u ahaa ururkii SNM.
HALGANKII SNM IYO DOORKUU KA QAATAY:
Isla markuu Mr. Siilaanyo dibadda u baxay wuxuu ku biiray halgankii dheeraa ee ummadda lagaga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre waxaanu SNM kasoo qabtay xilal kala duwan.
Isla sannadihii 1982-1984 wuxuu noqday guddoomiyaha ururkii SNM ee laanta London. Wuxuu kaloo intuu London joogay u doodi jiray xuquuqda aadmiga ee ku tacadiyi jiray taliskii markaas talada hayey waxaanu la shaqayn jiray ururada xuquuqda aadmiga ee African Watch iyo Amnest International.
Mr. Siilaanyo oo ahaan jiray guddoomiyihii hore ee SNM 1984-1990 waxaa Lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyii ugu wakhtiga dheeraa uguna fir fircoonaa ee soo qabta talada ururkii SNM. Intuu SNM ka madaxda ahaa wuxuu ururku guul balaadhan kasoo hooyey halgankii ballaadhnaa ee Shacbiga Somaliland ku qaadeen taliskii hore ee Siyaad Barre.
Ururkii SNM oo lagu tilmaamo inuu sababay burburkii nidaamkii hore ee kali kataliska ahaa ee Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland u horseeday inay mar labaad xorriyadooda lasoo noqdaan. Waxaana dadka qaarkii u arkaan in Mr. Siilaanyo laba daraale ninkii markaas ay iska soo horjeedeen ee Siyaasad Barre ku eryaday hadal iyo xirfad, dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadana uu albaab walba kasoo xidhay.
 
DOORKUU KA QAATAY DHISMAHA QARANKA IYO NADADAYNTA SOMALILAND
Mr. Siilaanyo markii dalka la xoreeyey 91kii kama fadhiisan siyaasadda waxaana uu ka qayb galay dibudhiskii iyo horumarkii dalka. Sannadihii 93-97kii wuxuu ahaa mudane ka tirsan golaha wakiiladda, taasoo ku lahaa haybad iyo wax kaqabad laguna bartay daacadnimo iyo toosinta talada dalka.
Mr. Siilaanyo oo lagu tilmaamo inuu yahay shakhsiyaadkii tirada tiradaa yaraa ee ka danbeeyey deganaanshana iyo xasiloonida Somaliland, waxaana loo arkaa inuu dhawr jeer Somaliland ka badbaadiyey dhibaato kusoo fool leh. Ugu horrayn sannadkii 1990kii markii dalka la xoreeyey wuxuu u tafa xaytay nadadaynta iyo xasiloonida Somaliland waxaanu guddoomiye u ahaa guddidii la odhan jiray Forum for Peace oo lagu tilmaamo inay yihiin kuwii ka danbeeyey nabadgelyada iyo xasiloonida ka hana qaadaySomaliland.
Mr. Siilaanyo wuxuu ka mid ahaa madaxdii sare ee SNM ee taga gobolada Awdal, Sanaag, iyo Sool isagoo u olalaynaaya nabadgelyada iyo xasiloonida Maandeeq. Mr. Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii hoggaaminaayey shirarkii bilawgii 91kii ka dhacay magaalooyinka Berbera iyo Burco laysugu hawaynaayey beelaha reer Somaliland ee walaalaha ee uu iska horkeenay nidaamkii hore ee Siyaad Barre.
Sannadihii 1993kiina wuxuu qayb libaax ka qaatay isu soo dhawaanshaha beelahii taageersanaa SNM oo xilligaas qaarkood xurgufi dhex martay. Sidoo kalena wuxuu ka shaqeeyey sannadihii 94-96kii dibuheshiisiintii iyo soo afjaradii colaaddii sokeeye ee beelaha Somaliland ee soo wada galay halgankii SNM. Mr. Siilaanyo wuxuu hormuud ka ahaa shirkii Caynaan ee lagu qabtay magaalada Caynaba, shirkaas oo bud dhig u ahaa soo afjaradii khilaafkii siyaasadeed ee dhex maray beelaha Somaliland. Waxaanu door fiican ka ciyaaray shirarkii ka dhacay sannadkii 96kii Durruqsi iyo Beer.
Sannadii 1997 markii Cigaal dib loosoo doortay wuxuu kamid ahaa golaha wasiirada waxaana uu soo qabtay xilalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta. Wakhtigii uu hayey Wasaaradda Maaliyadda oo u leehay waayo aragnimo badan waxaa uu sugay oo caadi ka dhigay shilling Somaliland oo uu ku jiray qiimo dhac badani, waxaa kaloo uu wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u dejiyey qorshe miisaaman oo ay ku hawl galaan.
Mr. Siilaanyo intuu hayey Wasaaradda Qorshaynta ee Somaliland wuxuu sameeyey talooyin balaadhan oo wax ku oola waxaanu sameeyey qaab iyo nidaam ay ku shaqeeyaan dawladda dhexe iyo ururada caawimada baxsha ee waddanka joogaa, waxaana hirgalay mashaariic intuu ahaa isuduwaha hay’adaha caawimada baxsha. Waxaana jirtay in is casiladiiisii aanay ku farxin ururada samafalku oo arkaayey inuu yahay siyaasi sare oo aragti dheer oo lala shaqayn karo, waxaa kaloo iyana is casiladaas walaac ka muujiyey waddamada jiiraanka ee ee ku bahoobay urur gobaleedka IGAD oo ay qaarkood xidhiidh aad u qoto dheer la leeyihiin.
Mr. Siilaanyo waxaa kaloo laga ixtiraamaa waddamada reer Galbeedka waxaana uu xidhiidh dhow la yeehay waddamada Yurubta midowday,Maraykanka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
Sannadkii 2001 oo ay dalka ka taagnayd khilaaf siyaasadeed oo ba’ani oo ku salaysan habka loo qabanaayo doorashada ka dhacaysay Somaliland, Mr. Siilaanyo wuxuu u tafaxaytay sidii u caadada ahayd inuu dhex dhexaadiyo labadii dhinac ee markaas xurguftu ka dhexaysay oo kala ahaa xukuumaddii iyo mucaaridkii xilligaas. Mr. Siilaanyo inkastaanu ku guulaysan inuu heshiisiiyo labadii dhinac, wuxuu seh ku guulaystay inuu qaboojiyo oo qanciyo labadii dhinac ee is hayey. Taasoo horseeday inaan labadii dhinac ee is hayey ayna ku kicin waxaan dani ugu jirin qaranka.
 
DHIIRIGELINTA HANNAAN SOCODKA DIMOQRAADIYADDA SOMALILAND

Mr. Siilaanyo isagoo dhiirigelinayaa hannaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland wuxuu bishii Mey 2002 aasaasay xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE. Xisbiga KULMIYE himiladiisu waa inuu dhiso dawlad kooban oo tayo leh oo hanata talada dalka si bulshadu u hesho daryeelka ay u baahan yihiin, dalkuna u gaadho horumarka la hiigsanaayo ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sidaan la socono KULMIYE wuxuu kamid yahay saddexda ee Xisbi ee qaranka waxaanu guul balaadhan kasoo hooyey saddexdii doorasho ee u danbeeyey ee kala ahaa doorashadii degaanka, madaxweynaha 2003kii, tii Golaha wakiilada ee 2005kii.
Waxaana shacbiga badankiisu aaminsanyahay in KULMIYE ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 2002kii, laakiin dawladdu wax is dhaafisay oo iyadoo adeegsanaysa haybaddii, awooddii iyo hantidii qaranka ay afduubtay natiijadii doorashada oo si aan xaq ahayn loogu dhawaaqay in xisbiga UDUB ku doorashadii guulaystay, inkastoo xisbiga KULMIYE caddeeyey inuu isagu doorashada ku guulaystay, Mr. Siilaanyo wuxuu markii danbe isagoo u tudhaaya oo dhowraya danta qaranka uu ka tanaasulay mawqifkii hore ee ahaa inuu isagu ku guulaystay doorashadii madaxweynimada. Mr. Siilaanyo oo loo arko nimaan jeclayn iskuna dhejin xukunka wuxuu maskabkii u sarreeyey maandeeq ee shacbigu u doorteen ka doorbiday xasiloonida iyo nabadgelyada dadkiisa iyo dalkiisa waxaanu kaga dhabeeyey hadalkii uu yidhi intii muranka natiijada
doorashadu socotay ee ahaa : “Somaliland cidkastaba anigaa uga lexojeclo badan dagaal iyo xasilooni darrana kama dhacaymayso”.

Mudane Siilaanyo wuxuu kale oo samir iyo dulqaad ka muujiyey labadii sanadood ee doorashda madaxweynaha dib loo dhigay, taasoo khilaaf iyo muran siyaasadeed oo cakiran dalka gelisay, taasoo markastaba mudane Siilaanyo uu isagu tanaasulay isagoo xeerinaaya danta guud iyo jirintaanka iyo qaranimada Somaliland.

Mudane Siilaanyo wuxuu doorashadan dhici doonta 26ka Juun 2010 yahay musharraxa madaxeynaha, waxaana la saadaalinayaa inuu ku guulaysan doono inuu qabto jagada ugu mudan maandeeq ee ah madaxweynaha qaranka. Markaas waxaan ku boorinayaa dhammaan shacbiga Somaliland inuu codkooda ugu deeqan mujaahid Ahmed Siiaanyo si uu wax ugu qabto dalka iyo dadkaba.

SHAKHSIYADDA SIILAANYO
Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin daacad ah oo wakhtigiisii u lumiyey inuu adeego dadkiisa iyo dalkiisaba. Mr. Siilanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aamin ah oo loogu iman karo ammaanada loo dhiibo, sidoo kalena hawl kar ah oo kasoo dhalaala xilka loo dhiibo.
Mr. Siilaanyo waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin deggan oo aan deg degin, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi xeelad dheer oo aragti fog. Mr. Siilaanyo waxa la yidhaadaa waa nin dadka jecel oo ummaddu aanay ukala sokayn.
Mr. Siilaanyo waa nin hadalka baaliqi ku ah oo dadka ka dhaadhin kara fikradiisa oo hadal ku qancin kara dadka taageersan iyo kuwa dhaliilsanba. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin jecel midnimada iyo wadajirka.
Ugu danbayna waxaa lagu tilmaamaa in Mr. Siilaanyo yahay nin nabad jecel waxaana la yidhaahdaa waa tabliiqiga nabadda Somaliland. Waxaanan odhan karnaa waa siyaasigii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo intuu maskabka ugu mudan ee shakhsi aadmi ah ifka ka qabto ku guulaysto ( Madaxweyne qaran), haddana faraha ka qaado isagoo doorbidaaya deganaanshaha iyo xasiloonida dalkiisa.
Waxaana xaqiiq ah inuu Mr. Siilaanyo dadkiisa uga tegidoono dhaxal la taaban karo oo ay xusi doonto taariikhda soo jireenka Somaliland. Ugu danbayna waxaan odhan karnaa Mr. Siilaanyo waa halyeyga Somaliland “ Somaliland hero ” ee qaranka ka saari kara wakhtigan kala guurka ee laga guurayo qaabkii beelaha loona hayaamaayo habka dimoqraadiyadda ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan.
Refrence:
Taariikh nolaleedka Siilaanyo waxaan ka helay qayb kamid ah:
1. KULMIYE website, Ahmed Siilaanyo CV.
2. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah madaxdii SNM iyo siyaasiyiin
kale oo Somaliland ah
3. Waraysiyo aan la yeeshay qaar kamid ah
shacbiga Somaliland ee dhex
dhexaadka ah iyo qaar kamid ah
taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Waxaa qoraalkan isku soo diyaariyay
Cabdi Cabdillahi Xasan (Mataan),
Hargeysa, Somaliland

Taageerayaasha Kulmiye Oo si Aan Hore Loo Arag Isugu soo Baxay Fagaaraha Kheyriyada Ee Magaalada Burco (Sawiro)

click to zoom

Burco (Buraoonline.com) 19.06.10 Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa Maanta Si  heer sare ah Isugu soo Baxay Fagaaraha Kheyriyada ee Magaalada Burco,Halkaasi oo Masuuliyiin ka tirasan Xisbiga Kulmiye ay kula hadleen  Taageerayaal Tiro badan oo Buux dhaafiyey AFaafka hore ee Kheyriyada. Magaaladaasi.

click to zoom